Madaxweynaha: Lama aqbali karo kalluumeysiga sharci-darrada ah
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa sheegay in aysan dowladiisa aqbali doonin maraakiibta sida
sharci-darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya.
Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay mar uu maanta booqday shirkad
kalluumaysi oo ku taalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee
magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in dhowaan uu shir uga
qeybgalay magaalada New York ee dalka Mareynka uu ku soo hadal qaaday
kalluumaysiga sharci-darradda ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, isla markaana
aysan dowladdiisu indhaha ka qarsan doonin.
Wasiirka kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar
Maxamed ayaa isla goobta ka sheegay in shirkadda uu maanta booqday madaxweynaha
ay kalluunka u iibgeyn doonto dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Dhuusamarreeb oo lagu xiray nin lagu eedeeyay inuu dhaawacay
aabbihiis
Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Dhuusamarreeb
ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa galabta gacanta ku soo dhigay nin dhallinyaro
ah oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Siyaad oo ku hubeysnaa qoriga AK-47, kaas
oo lagu eedeeyay inuu aabbihiis dhaawac ugu geystay deegaanka Qalanqalle ee
isla gobolkaas.
Cabdiweli Siyaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Ahlu
Sunna Waljacaada ee degmada Dhuusamarreeb ayaa Bar-kulan u sheegay in ninkaas
lagu xiray xabsiga degmada, isla markaana ay ciidanku waydiinayaan su’aalo la
xiriira falka lagu eedeeyay.
Wuxuu xusay in dhaawaca Maxamed Siyaad oo aan halis aheyn lagu
daweynayo xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Xananbuurre ee gobolka
Galgaduud.
Waa markii ugu horreysay oo fal noocaan oo kale ah uu ka dhaco
gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay dilka 4 qof
Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa Talaadadii xabsi daa’in ku
xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu labo sano ka hor dil u geystay
afar qof.
Haweeney xaaskiisa aheyd oo ilmo u haysay ayaa ka mid ah dadkii uu
ku dilay gobolka North Dakota ee Mareykanka.
Cumar Maxamed Kaalmoy oo 28 jir ah ayaa diiday inuu wax hadal ah ka
yiraahdo maxkamadda markii la xukumayay.
Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Douglas Mattson ayaa ku
xukumay Kaalmoy xabsi daa’in aan ebed sii deyn lahayn, wuxuuna xabsiga ku jiri
doonaa noloshiisa inta ka hartay.
Kaalmoy ayaa lagu eedeeyay in January 2011 uu dilay xaaskiisa
Sabrina Zephier, hooyadeed, walaalkeed iyo nin ay wada socdeen gabadha la dilay
hooyadeed.
Haweeney xirneyd walxaha qarxa oo lagu qabtay Kismaayo
Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa
saaka qabtay haweeney xirneyd suunka qarxa oo damacsaneyd inay weerar
ismiidaamin ah ka geysato gudaha xarunta jaamacadda ee Kismaayo.
Xarunta jaamacadda Kismaayo waxaa ka socda shirka maamul u sameynta
gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Ciidanka ayaa ku guuleystay inay qabtaan haweeneyda iyadoo uusan
dhicin wax qarax ah, kaddibna waxay ka dhigeen bambooyinkii iyo suunkii ay
sidatay.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa
Bar-kulan u sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka magaalada ay ka hor
tageen weerar haweeneyda, oo loo maleynayo inay ka tirsaneyd al-Shabaab, ay
damacsaneyd inay ka geysato xarunta jaamacadda Kismaayo.
Seeraar wuxuu sheegay in xukun dil ah lagu fulin doono haweeneyda
maleegeysay shirqoolka argagaxisannimo.
Bil ka hor ayay aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday
magaalada Kismaayo markii la qabtay haweeney isku xirtay walxaha qarxa oo lagu
qabtay albaabka xarunta jaamacadda Kismaayo.
Gobollada uu webigu ku fatahay oo gargaar loo codsaday
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda
Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda, kuwa Qaramada Midoobay iyo dadka
Soomaaliyeed ee hantida heysta u soo jeedisay inay taageero u fidiyaan dadka ku
waxyeelloobay fataahadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay gobollada dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariim Xuseen
Guuleed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in
gobollada Shabeellooyinka ay yihiin kuwa ay saameynta ugu badan ku yeelatay
fatahaadda wabiga, gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe.
Wuxuu xusay in wasaaraddiisa oo keliya aysan ku filneyn dhammeynta
baahiyaha ay dadku qabaan, iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo cudurro ku
dhacay carruurta ka yar shanta sano.
Wasiirka ayaa soo jeediyay in la caawiyo dadka u baahan
kaalmooyinka dhinacyada hooyga iyo cunnada, maadaama ay jiraan qoysas badan oo
fatahaadda darteed guryahooda uga barakacay.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Xiran Maalintii Sadexaad
Wararka saakay naga soo gaaraya goobaha kala duwan ee magaalada
Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ciidamada Dowladda Soomaaliya ay daadsan
yihiin wadooyinka muhiimka ah.
Ciidamada ayaa saakay aan
ogoleyn dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka waxaana xiran wadooyin muhiim ah
waxaana aad u yar in la arko dad isticmaalaya wadooyinka hakadka ku jira.
Lama oga xilliga ay ku
eegtahay xirnaanshaha wadooyinka Magalaada Muqdisho iyadoo ciidamada Dowladda
Soomaaliya loosoo jeedinayo dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaya dhanka
shacabka Magaalada Muqdisho.
Gaadiidka ayaa waxa ay
marayaan xaafadaha dhexdooda waxaana taasi sii dheer in shacabka qaar kamid ah
ay xireen wadooyinka guryahooda horumara iyaga oo ka baqaya in gaadiidka isticmaalaya
wadooyinka caruurtooda ay dhibaato ugeestaan.
Gudoonka Baarlamaanka oo Ka Hadlay Fatahaada Wabiga Shabeele
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta
iyo Hay’adaha samafalka iney gargaar u fidiyaan dadka ay saameynta ku yeesheen
fatahaadaha wabiga Shabelle ee ku nool gobollada Dalka.
Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “runtii fatahaadda uu
sameeyey wabiga Shabelle waa qeyb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah waxaanna
dareenkeeyga la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Hiiraan
iyo shabeelooyinka oo ay si gaar ah fatahaadahan u saameeyeen”
Gudoomiyaha oo hadalkiisa
sii wata ayaa xusay in looga baahanyahay dhammaanba hay’adaha Samafalka ee ka
howlgala gudaha dalka,kuwa caalamiga ah,dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la
ah iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka
ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen ayadoo gurmadkaasina uu ugu horeeyo dib u
dejin loo sameynayo dadkii ay fatahaaduhu guryahooda ka baabi’iyeen.
“ugu dambeyntii anigoo maskaxda ku haya sida ay dadka Soomaaliyeed
xiligan oo kale oo ay masiibooyinka dabiiciga ah dhacaan isugu gargaaraan
waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba ku boorinayaa umadda iney walaalahooda il
gaar ah ku eegaan islamarkaana qof walba uu wixii uu heli karo la gaaro waayo
maanta oo kale ma ahan markii dhibaatada la isaga aamusi lahaa” ayuu hadalkiisa
kusoo gebagebeeyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha
Baarlamaanka Dalka
Shirka Maamul Sameynta Jubaland oo Daba Dheeraada Iyo Xaalada oo
Cakiran
Qaarkamida masuuliyiinta gacanta ku haya shirka ka socda magaalada
Kismaayo oo sihoose ula hadlay allsomalia.com ayaa sheegay in shirka uu ka
dheeraaday waqtigii loogu talo galay.
Masuuliyintan oo diiday in
la xigto magacyadooda ayaa sheegay in maalin kasta ay soo baxayaan caqabado
horleh kuwaasi oo hareeyay geedi socodka shirka.
Mid kamida masuuliyinta la
hadashay allsomalia.com ayaa sheegay in dhibaatada shirka ay sii koreyso
haatana magaalada Kismaayo ay abaaro ka socdaan kuwaasi uu wado Bare Hiiraale
oo dhawaan gaaray Kismaayo.
Magaalada Kismaayo waxaa ka
socda arimo kala duwan shirka dhan ayuu ka socdaa waxaana hortaagan arimo badan
oo maalinkasta kasii daraya waana caqabada shirka wax loogu dooran la yahay
waxaana taas kasii dartay Bare hiiraale abaabulo dagaal ayuu wadaa magaalada
qeybo kamida ayuu hantay oo la wareegay ayuu yiri mid kamida qaban qaabiyaasha
shirka.
Magaalada Kismaayo ayaa noqotay magaalo ay ka wada socdaan aragtiyo aan isku dhaweyn
iyo abaabulo kala midabo ah lamana oga xiligi ay qarxi doonto foolkaanada kala
duwan.
Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo qudbad uu ku
metelayo qaarada Africa ka jeediyay shir caalami ah oo ka socda dalka
Turki”Sawirro”
Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi kuna sugan waddanka Turkiga, magaalada saddexaad ee
Izmir kana qayb galaya shir caalami ah ayaa ka jeediyay khudbaddii furitaanka
isagoo ku hadlay magaca Qaaradda Afrika. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dawladda Turkiga
casuumitaanka lagu casuumay shirkan iyo fursadda qaaliga ah ee loo siiyay inuu
la hadlo ka qaybgalayaasha shirka..
Wasiirka ayaa khudbadiisa
kaga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliyeed iyo hormarka ay dawladdani ku
talaabsatey ee dhanka amniga. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyay sida
ay dawladda uga go’an tahay iney dib usoo celiso shirkaddii Somali Airlines
isagoo codsaday inay caalamku gaar ahaan dawladda Turkiga ee aan walaalo nahay
ay umadda Soomaaliyeed ka caawiso. ”
Anigoo ku hadlaya magaca qaaradda Afrika, waxaa sharaf ii ah inaan halkan joogo
maanta kana qaybgalo shirkan isla markaana aan idinla wadaago dib usoo celinta shirkaddii Somali Airlines
iyo hay’addii duulista hawada ee dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku, .
Shirkan ayaa ka furmay magaalada Izmir waxuuna socon doonaa muddo saddex
maalmood ah..
Shirkan oo ah mid sanadkiiba
mar dhaca ayna horseed ka yihiin dalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa waxaa ka soo
qaybgala dawladaha caalamka waxaana looga hadlaa xiriirka duulimaadyada
adduunka iyo qaabka iska kaashiga iyo hormarinta iyadoo Soomaaliya ay tahay
waddamada sida khaaska diiradda loogu saari doono.
Wasiirka waxaa shirka ku
weheliya saraakiil ka tirsan hay’adda duulista hawada Soomaaliyeed ee magaceeda
loosoo gaabiyo SCAMA.Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka
ayaa mudooyinkan danbe ku mashquulsan safaro dalalka dibaddiisa ah oo dadaal
ugu jiro sidii wasaaraddu usoo celin lahayd adeegyadii ay bulshada u haysay..
Bishan April 22keedii ayay ahayd markii uu wasiirku ku guuleystey in dib loo
furo Boostadii umadda Soomaaliyeed 23 sano kadib.
Wasiirka arrimaha dibadda oo u ambabaxday dalka Ethiopia.
R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda
Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fawsiya Yuusuf
ayaa Addis Ababa waxa ay uga
qeybgaleysaa shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur
goboleedka IGAD oo looga hadli doono
Stabilization Plan”.
Marwo Fawsiya Yuusuf oo
maanta inta aaney ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho shir jaraa’id ku
qabatay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajo weyntahay in guul ay ka gaarto
shirkaasi oo loo balansan yahay inuu ku qabsoomo Addis Ababa 3-da bishan May.
“ waxaan ka qeybgalayaa
shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka
IGAD oo looga hadli doono Stabilization
Plan , waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray, waxaana rajeynayaa
in dowladeyda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan ,
waxaana 4-ta bishan la kulmi doonaan Madaxweynayaasha wadamada gobolka”.
Ra’’isul wasaare kuxigeenka
ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fawsiyo
Yuusuf Xaaji Aadam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha
ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.
Shabaab oo Sheegay Inay Qaarijiyeen Akar Kenyana Guulana Ka
Sheegtay Dagaaladii Dhacay
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab
oo Warbaahinta kula hadlay meel aan la shaacin ayaa guul ka sheegtay Weerarkii
ay shalay ku qaadeen Garoonka Kismaayo.
Wuxuu sheegay xiligii ay
weerarka qaadayeen in ay ku sugnaayeen Garonka Wufuud ka socotay Caalamka oo
doonayay in ay gudaha u galaan Kismaayo.
“Madaafiicda saddex kamid ah
waxay ku dheceen Jidka dheer ee ay Diyaaradu kusoo degato iyo guriga Dabaqa ah
ee Garoonka ku dhexyaalla oo ahayd meeshii ay Askarta waxsoo dhawaynaysa ku
faylsanaayeen, halkaas waxaa ku dhimatay 8 askari oo Kenyaati ah waxaana ku
dhaawacmay dhowr iyo toban kale, waxaa sidoo kale ku bur-buray Labo Gaari oo
goobta taallay” ayuu yiri Abu Muscab.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay
dagaalo ka dhacay gobolada dalka, wuxuna xusay in ay Ciidamadoodu Jab
gaarsiiyeen AMISOM.
Madaxweynaha oo shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay
munaasabada 1-da Maajo
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud
ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ugu
hambalyeeyay munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka isagoo ugu baaqey dadka
loo shaqeynayo in ay dhowraan xuquuda shaqaalahooda.
Madaxweyne Xasan Shiiq
Maxamuud ayaa waxaa uu si weyn uga hadlay munaasabada maalinta shaqaalaha
aduunka wuxuuna u rajeeyay dhamaan shaqaalaha in ay sanadkan sanadkiisa ay ku
gaaraan nabad iyo baraare.
Waxa uuna ku baaqay dadka
Soomaaliyeed ee loo shaqeeyo in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha hadii ay
ahaan laheyd amaanka, caafimaadka iyo wixii la mid ah.
Mudane Xasan Shiiq Maxamuud
ayaa intaasi ku daray in dowladda ay dhawaan dhaqan galineyso shuruucda
shaqaalaha ee u dhaxeyso qofka shaqaalaha ah iyo kan loo shaqeeyo.
Ugu dambeyntii madaxweynaha
dalka ayaa u rajeeyay shaqaalaha weynaha caalamka in sanadkan sanadkiisa kale
ay ku garaan bash bash iyo barwaaqo.
Ciidamada XDS ee ku sugan B/weyne oo loo qeybiyay lacago Gunno ah.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta lacago Gunno ahu qeyb biyay
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan
oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo sarakiil ka tirsan
ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta lacago mushaar ah u qeybiyay
ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada B/weyne kuwaas oo dhawaan
tababar ku qaatay B/weyne.
Cabdi Faarax Laqanyo
guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hadal ka jeediyay xeradii ciidanka loogu
qeybinaayay Mushaarka ayaa sheegay in lacagta maanta loo qeybiyay ciidamada ay
tahay lacago ay maamulka ugu talagaleen ayna u dhiman tahay lacagtii ay ugu
talagashay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.
Waxa uuna intaasi ku daray
in ay wadaan howlo badan oo lagu hormarinayo ciidanka XDS si gobolka ay
uga xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda
shabaab.
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u Dabaal Dagay
Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May
Muqdisho Shalay oo aheyd maalinta shaqaalaha Adduunta ayaa waxaa markii
ugu horeysay u dabaal dagay Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU
oo ah ururweynaha ay ku mideysan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed ee
madaxa-banaan.
FESTU waxay hambalyo iyo
bogaadin u dirtay dhamaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed ayadoo uu cambaareyn
dusha uga tuurtay dhibaatada aan kala go’a laheyn ee heysatada shaqaalaha
Soomaaliyeed ee meel kasta jooga.
“Waxaan maanta hambalyo iyo
bogaadin ana u direynaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan. Waxaan leenahay Sanadkan midkiisa xiga ku gaara guul, barwaaqo,
caafimaad iyo nabad gelyo” ayuu yiri Max’ed Abuukar Zubeyr Guddoomiyha FESTU.
Hogaanka sare ee FESTU waxaa
uu sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeyaan mushaarad anan ku filneen
noloshdooda ayagoo shaqeeyo saacado dheeraad oo aan waafaqsaneen sharciga dalka
u degsan iyo midka caalamiga ah. FESTU waxaa ay intaas ku dartay in shaqaalaha
Soomaaliyeed aysan helin wax daryeel caafimaad ah inta ay ku guda jiraan
shaqadooda.
Xiriirka Ururada Shaqaalaha
Soomaaliyeed ee FESTU waxaa uu hoosta ka xariiqay in shaqaala fara badan oo
Soomaaliyeed dil, dhaawac iyo takri fal fara badan loo geystay.
“Muruqmaalka Soomaaliyeed
waa laf dhabarta dalka. Horumar ma jirayo haddii uunan shaqaale jirin.
Dhaqaalaha dalkana waa baaba’ayaa hadaan la dhowrin shaqaalaha xuquuqdooda”
ayuu raaciyay Max’ed Abukar Zubeyr.
Xoriyada shaqaalaha
Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay sameystaan urur danahooda difaaca oo dhab
ahaantii u matala ayaa ah mid lagu xad gudbo, ayuu yiri Max’ed Abuukar Zubeyr
kuwaasoo ay badanaa ka yimadiin dad doonaya in ay u diidaan shaqaalaha
Soomaaliyeed xaqqa iyo xoriyada ay u leeyihiin in ay urur danahooda difaaca
sameystan ama ku biiraan.
FESTU waxaa ay ugu
baaqeysaa dowladda federaalka Soomaaliyeed in ay dajiso siyaasad cad oo
qeexeyso mushaarada ugu yare ee qof shaqaala ah la siin karo iyo waqtiga
cayiman ee shaqaalaha uu shaqeyn karo ayadoo dib u eegis rasmi ah lagu
sameynaayo sharciga shaqa.
Xiriirka Ururada Shaqaalaha
Soomaaliyeed waxaa uu ugu baaqay dowladda iyo loo shaqaayayaasha in ay soo
fariistan miiska wadahadalka si looga wada tashto abuurista shaqooyin wax tar u
leh ummadda Soomaaliyeed ee u ooman shaqooyin anfac leh.
FESTU waxaa ay ku timaamtay
amni darida ka jirto meello badan oo dalka ah in ay ugu wacan tahay shaqa
la’aanta ka jirto dalka oo keeneysa in dhalin yaro fara badan oo shaqeyn laheyd
aysan heysan wax shaqo ah.
Maanta ayaa ku soo beegmeyso
xili shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay hor kacayso xiriirka FESTU aysan u suurta
galin in ay isu soo bax ku maraan magaalada Muqdisho sababa la xiriira
amnigooda balse xiriirka FESTU uu qabtay munaasabad lagu xasuusanayo
shaqaalihii dhibaatada loo geystay.
MUQDISHO iyo xayiraad danyartii u dhameysey !! (Warbixin xiiso leh)
Muqdisho oo aan dhihi karo waxaa ku Nool ilaa Saddex Milyan oo qof
ayaa waxay ku soo Waabariisatey wax lagu Tilmaami karo Bandow , waxaana
istaagey Isku Socodkii Gaadiidka oo ah kan ugu Muhiimsan Xiligaans marka la
fiiriyo dhinaca Nolosha iyo isku Socdka Dadka , waxaa Waddo kasta la soo
dhoobey Ciidamoo aad u fara badan iyo Tikniko kuwaas oo Gaadiidka Xanibaad ku
soo rogey iyadoo dadka loo ogol yahay in Socdaan oo keliya, waxaana dadka
badankiis ay waayeen Gaadiid ay raacaan ha noqoto BL iyo mid si gaar ah loo
leeyahay.
Bandowga oo ku soo beegmey Xili Kuleylo ah ayaa dadka waxay garan
waayeen waxa loo xanibey Gaadiidka , iyadoo dadka qaar ay isla dhexmarayeen
warar kala Duwan oo ku tiri ku teen ah oo aan laga fiirsa. Haweeney ay duudka
Khudaari u saaran tahay dooneyseyna in ay gaarsiiso Suuq ay ku ganasato
Dhididkana uu ka Hoorayo ayaa wax yar la sheeketey iyadoo mareysa Lambar Afar
waxaan weydiiyey halkey Khadaarta u wado? Markaas bay tiri “Waxaan u Wadaa Suuqa
Kaaraan “Markaas baan ku iri “Ma sidaan baad ku Gaarsiineysaa Suuqaas? markaas
bay Tiri” Haa Hooyo Maxaan kaloo sameyn karaa waa in aan Lugta Furaa waayo
Caruur baa isugeysa “
Nin Odey ah oo Caan lagana yaqaan Aagga lana socda Siyaasadda iyo
halka ay wax marayaan mar walba ayaa Koox dad ah oo meel fadhidey weydiisey
Xayiraada Maanta Saaran Wadooyinka waxay tahay ama loola jeedo wuxuuna la soo
boodey” Xayiraadaan oo kale waxaa igu Dambeysey Xiligii Dowladii Cabdulaahi
Yuusuf,marka waxaan u Maleynayaa in uu maanta uu imaanayo Barack Obama”
Markiiba Qosol ayaa lala dhacay mid kale yiri oo meesha fadhiyey “War Odey
sidaa ma aha oo maanta waa kaa Xumaatey “waxaana uu yiri “Waxaan Maqley in
Mahiga uu ka Dambeeyo Xayiraadaan waayo waxaa uu ka careysan yahay Xilkii laga
qaadey “ Markii ay Afkiisa ka soo yeertey hadalkaas ayaa dadkii halkaa fadhiyey
laba u qabsameen kuwa warkiisa Rumeeyey iyo kuwa ka soo Horjeestey halkii baa
laba laba la isku qabsadey oo waxaana lagu sigtey in Gacanta la isku qaado.
Haweeney ka mid ah kuwa Subaxa hore Kalaha .Gurigeedana ku soo
Dubata Canjeelo ,Bur iyo Shaah ayaa waxaana kula kulmey agagaarka Wadada 21
Oktoobar waxayna Raashinka ay ku soo Karisey Gurigeeda Subaxa Hore ka iibsaa
dad Muruqmaalka ah oo Aagaas u soo Shaqa taga , kuwaas oo Af Bilow ka dhiigta
marka ay Shaqada u socdaan waxayna ka kala yimaadaan Xaafadaha Magaalada
Muqdisho iyadoo ku Calaacashey “Xasan Shiikh baa laga rabaa Khasaarada I
gaartey”intaas markii ay Afkeeda ay ka soo baxday ayey dad Masaakiin ah
Canjeeladii iyo Burkii u qaybisey waxayan sii daba Dhiigtey “Waxay ahayd in
Xiraadaan horey loo sheego”
Ma yara dadka Dhibaaatooyinka uu ka soo gaarey Xanibaadii la saarey
Gaadiidka waxay Indheyga ay qabteen Gaari sidey Moos oo yaala meel Luuq ah,
Xayiraadana halkaa ku qabsatey ,waxaana uu sugayaa waqtiga la qaadayo Xayiraada
waxaana uu isna ku Calaacaley markii loo sheegey in ay Xayiraada saarnaaneyso
waqti aan la ogeyn “Muuska Gaariga saaran waxay ahayd in Saakey laga dejiyo
waxaana uu ka walwalsanahay in uu Muusku Gubto maadaama uu shaley oo dhan soo
socdey marka Waa Khasaaro aan Cid loo raacdaa jirin marka Allaa Jooga” .
Haweeney ka ganacsada Qaadka oo la’ meel ay marto ayaa waxay radio
ka ag dhawaa ka maqashey “Howlgalkii maanta waxaa uu ahaa mid looga hortagayo
Qaraxyo iyo Weeraro ay geystaan Xarakadda ALShabaab”inta boodey ayey tiri “Waa
Dowlad Naf la Caari ah, Waxay intaa ku dartey “War Naftaa hayso “ Intaa kuma
Ekeysane waxay sii daba Dhigtey”War waad taqaanaan halka ay joogaan Shabaab
maad u tagtaan marka aad Dhibaateyneysaan Caruurta Dugsiyada u socota iyo dadka
kale ee Masaakiinta ah“ war yaa loo raacanayaa wixii ka Dhashey Bandowgaas.”
Ayey ku soo gabagabeysey hadalkeedii.
Askari ka tirsan Ciidamadii maanta Howgalka ka wadey Wadooyinka
Muqdisho ayaa weydiiyey waxa loo xirey Wadooyinka? Waxaana uu ku Jawaabey”
Xaley Waqti dambe ayaa halkaan nala keeney ma garanayo sababta Xayiraadaa,
marka Saaxiib adigaa kuula mid ahay… “ Markiiba Sarkaal kale ayuu farta iigu
fiiqey oo yiri “Ninkaas weydii? Halkii baan u Dhaqaaqey markii Sarkaalkii aan
weydiiyey wax uu ku saabsan yahay Howlgalkaan ayuu ku Gaabsadey “ Waxaad tahay
Wariye fadlan Dadka u sheega in ay qaataan Awaamiirta Dowladda Naga Daaya
hadalada kale aan Shaqadeenna Gudanee ”Guntii Gabagabdii Goor Dambe oo Xeero Fandhaal
kala dhaceen ayaa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga oo hadley waxay
Wariyayaasha weydiiyeen Waxa Bulshada maanta sidaan loo Badey ?wuxuu Wasiirka
si kooban u yiri “Waxaan uga Gol lahayn Sugidda Amaanka oo keliya,” isagoo meel
iska dhigey Dhibaatooyinka saameeyey Garabratadii , Muruqmaalkii , Ardeydii ,
Ganacsigii ,Gadiidleydii iyo Xitaa Shaqaalhii Dowladda oo qaarkood marka ay la
soo baxaan Aqoonsigooda loogu jawaabayey nama Khuseeyo, si kastaba waxaan Dhihi
karaa waa Howgal laga sheekeeyo oo Cagta Mariyey Danyartii Muqdisho !!
16
die as torrential rains wreak havoc across kingdom
Torrential rains and flash floods in
different provinces have left 16 dead and three missing.
The casualties include four members of a family in Baha, two people in Al-Kharj, three in Aflaj, one in Hariq and four in Taif, the Civil Defense said yesterday.
The missing are three expats in Baha.
Custodian of the Two Holy Mosques King Abdullah has directed the Civil Defense Council to launch all-out efforts to ensure the safety of people. The king also ordered departments to take steps to offer financial and material support to flood victims.
“The king has been monitoring the situation since the heavy downpours began. He is also monitoring the efforts of all related ministries and government departments to provide relief operations and undertake safety measures,” Interior Minister Prince Muhammad bin Naif, who is also chairman of the Civil Defense Council, said in a statement on Wednesday.
The king urged council members to discharge their duty to implement all emergency plans to deal with the damage caused by weather conditions. The king’s order stated that the victims should be provided with relief and assistance, including shelters to those whose homes were wrecked and whose farms were destroyed, in addition to health care and all other daily needs, the prince said.
He added that the Interior Ministry is monitoring the field operations of Civil Defense teams in all provinces, ensuring that they are working in sync with civil defense committees under provincial governors.
Lt. Col. Jaman Al-Ghamdi, spokesman of the Baha provincial Civil Defense office, said three bodies of the missing family were discovered Tuesday night and the fourth was found Wednesday morning. The jeep carrying the family was carried away by the surging waters at Wadi Al-Lihyan in the Aqiq governorate in the evening.
After being alerted about the accident, Civil Defense sent rapid-intervention and rescue teams to the area while Baha Gov. Prince Meshari bin Saud closely monitored the operations.
About 300 officers under the supervision of Deputy Director of the Baha Civil Defense Brig. Ali Al-Sawat participated in the operations. Despite the darkness and continuing drizzle, the search teams at first located a submerged Toyota jeep with the body of a 75-year old woman in the deep valley. Search parties found the body of a 52-year-old man further downstream and that of a 30-year-old woman upstream. The body of the child accompanying the family was retrieved yesterday morning, Al-Ghamdi said.
Another team is continuing to search waters and submerged bushes looking for three Yemeni workers of a road construction company in the Aqiq governorate. The pickup truck that was carrying the three was found overturned in a valley close to the Aqiq dam.
Heavy rains led to the collapse of a ten meter-high dam in Bisha in Asir Province. The dam was temporarily built by the ministry of water and electricity to protect another dam which is still under construction. The construction work is still in its early stages, the ministry said in a statement yesterday.
"The project consists of a large dam with a capacity of 68 millions square meters and is 49 meters high," the ministry said.
Four villages located around the dam were evacuated. The Civil Defense said there were no casualties among civilians in the affected areas.
"Tabalah, Thnyah, Shedaiq and Subaihi villages have been evacuated as a precautionary measure," said Col. Mohammad Al-Asemi, spokesman of Civil Defense in A
The casualties include four members of a family in Baha, two people in Al-Kharj, three in Aflaj, one in Hariq and four in Taif, the Civil Defense said yesterday.
The missing are three expats in Baha.
Custodian of the Two Holy Mosques King Abdullah has directed the Civil Defense Council to launch all-out efforts to ensure the safety of people. The king also ordered departments to take steps to offer financial and material support to flood victims.
“The king has been monitoring the situation since the heavy downpours began. He is also monitoring the efforts of all related ministries and government departments to provide relief operations and undertake safety measures,” Interior Minister Prince Muhammad bin Naif, who is also chairman of the Civil Defense Council, said in a statement on Wednesday.
The king urged council members to discharge their duty to implement all emergency plans to deal with the damage caused by weather conditions. The king’s order stated that the victims should be provided with relief and assistance, including shelters to those whose homes were wrecked and whose farms were destroyed, in addition to health care and all other daily needs, the prince said.
He added that the Interior Ministry is monitoring the field operations of Civil Defense teams in all provinces, ensuring that they are working in sync with civil defense committees under provincial governors.
Lt. Col. Jaman Al-Ghamdi, spokesman of the Baha provincial Civil Defense office, said three bodies of the missing family were discovered Tuesday night and the fourth was found Wednesday morning. The jeep carrying the family was carried away by the surging waters at Wadi Al-Lihyan in the Aqiq governorate in the evening.
After being alerted about the accident, Civil Defense sent rapid-intervention and rescue teams to the area while Baha Gov. Prince Meshari bin Saud closely monitored the operations.
About 300 officers under the supervision of Deputy Director of the Baha Civil Defense Brig. Ali Al-Sawat participated in the operations. Despite the darkness and continuing drizzle, the search teams at first located a submerged Toyota jeep with the body of a 75-year old woman in the deep valley. Search parties found the body of a 52-year-old man further downstream and that of a 30-year-old woman upstream. The body of the child accompanying the family was retrieved yesterday morning, Al-Ghamdi said.
Another team is continuing to search waters and submerged bushes looking for three Yemeni workers of a road construction company in the Aqiq governorate. The pickup truck that was carrying the three was found overturned in a valley close to the Aqiq dam.
Heavy rains led to the collapse of a ten meter-high dam in Bisha in Asir Province. The dam was temporarily built by the ministry of water and electricity to protect another dam which is still under construction. The construction work is still in its early stages, the ministry said in a statement yesterday.
"The project consists of a large dam with a capacity of 68 millions square meters and is 49 meters high," the ministry said.
Four villages located around the dam were evacuated. The Civil Defense said there were no casualties among civilians in the affected areas.
"Tabalah, Thnyah, Shedaiq and Subaihi villages have been evacuated as a precautionary measure," said Col. Mohammad Al-Asemi, spokesman of Civil Defense in A
No comments:
Post a Comment