Friday 3 May 2013

DHAGEYSO: Waxyaabihii uu Kaga Hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Khudbadii uu Maanta Ka Jeediyey Baarlamaanka



MUQDISHO (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta baarlamaanka federaalka ee Muqdisho wuxuu ka jeediyey khudbad aan wax su’aal ah lagu weydiin taasoo uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda gudaha iyo amaanka ku saabsanaa.
Madaxweynaha oo beryahanba la sugayey hor imaanshaha baarlamaanka, kadib markii la joojiyeymooshin ay keeneen xildhibaano ka gadoodsan heshiiska dawlada ay la gashay maamulka Somaliland qaabka loo dhigay ayaa maanta sidoo kale ka hadlay heshiiska ay dawladu saxiixday ee lala galay maamulka Somaliland.
Amaanka Muqdisho iyo hawlgalada
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay hawlgalada saddexda maalmood ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay in ciidamadu kaga hortageen khataro dhanka amniga ah oo la dareemay. Wuxuuna dadweynuhu ku dejiyey inay iskaga dulqaataan xirnaanshaha waddooyinka iyo gaadii la’aanta saddex maalin ka jirta caasimada.
“Waxaa la fashiliyey abaabulo waaweyn oo dad badan iyo dhiig badan oo Soomaaliyeed  in lagu daadiyo la doonayey loona qorsheeyay. Kuwo kalana weli way rahman yihiin.” ayuu yiri madaxweynaha oo Al Shabaabku eedeeyay inay dadka u leynayaan kaliya Soomaalinamooda.
Wuxuu sheegay inuu ku qancay tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada amaanka maalmihii la soo dhaafay oo ay ku jirto waddooyinka la xiray.
Shirka Kismaayo iyo maamul sameynta
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intii uu hadlayey markale ku celiyey mowqifka ay dawladu ka gaartay shirka ka socda magaalada Kismaayo ee maamul dhisida Jubbooyinka, isagoo sheegay in “go’aan hal dhinac ah” aaney dawladu aqbali karin.
“In nidaamyo federaal ah ay dalka ka dhashaan, sida dastuurku aqbalsan yahay waa arrin muhim ah la aqbalsan yahay, cid diidan ama diidi kartaana aaney jirin.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Dawladu dhowr jeer ayey tagtay Kismaayo oo ay wadahadallo la yeelatay dadka wada kulanka meeshaa ka socda, hase yeeshee waxaa jirta arrin dastuuri ah oo dawladu aysan ka horiman karin oo ah kan aan ku dhaaranay inaan ilaalineyno. Maadaama waajibka dawlada uu yahay meelmarinta nidaamka federaalka, waxaan xoojineynaa in awooda shacabka la siiyo oo ay dadku dhistaan maamulo ay iyaga raali ka yihiin, hase ahaatee waa inay dastuurka federaalka ee hadda jira sida uu yahay ay waafaqsan yihiin.” ayuu sii raaciyey.
“Dawladu marna suuragal uma ahan inay aqbasho go’aan hal dhinac ah oo lagu dhaqaaqo, waxaanse dooneynaa go’aan loo dhan yahay oo baarlamaanka, xukuumadda, hay’adaha dawlada federaalka oo dhan ay qeyb ka wada yihiin iyo shacabka loo sameynayo ama dhisanaya maamulka laf ahaantiisa”.
Socdaalkii Puntland
Wuxuu ka waramay socdaalkii labada maalmood qaatay ee uu ku tagay magaalada Garoowe oo ay ku soo wada hadleen madaxda Puntland.  Wuxuuna amaanay soo dhoweyntii uu Garoowe kala kulmay iyo wadahadalkii dhexmaray isaga, wafdigiisa iyo masuuliyiinta deegaanka.
Wuxuu sheegay in Puntland markii la aas aasayey dalku aanu ku jirin xaaladii berigaas jirtay, oo ahayd xilli qeybo dalka ka mid ah dagaalo ka socdeen, isla markaana ay muhiim ahayd in odayaasha dhaqanka iyo beelaha ay shiraan oo maamulo sameystaan.
Wadahadalka maamulka Somaliland
Mar uu ka hadlayey heshiiskii dawlada federaalku bishan horraanteedii la saxiixatay maamulka Somaliland ayaa wuxuu sheegay inuu ahaa bilaw wanaagsan oo dawlada gaarsiinaya waxa ay jeceshahay oo ah “Soomaaliya oo mid ah” taasoo micneheedu yahay in maamulka Hargeysa ugu dambeynta lagu qancin doono inuu Soomaaliweyn dhinac ka raaco.
Wuxuu cadeeyay in wadahadaladu sii socon doonaan, ugu dambeyntana xal la gaari doono.
Shirka London
Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka hadlay shirka Soomaaliya ee 7-da bishan May lagu wado inuu  magaalada London ka furmo kaasoo uu sheegay inuu yahay fursad weyn oo y dawlada Soomaaliyeed heshay.
“Waxaa shirka casuumadiisa wada fidiyey aniga iyo raysul wasaaraha Ingiriiska, waxaana shirka horgeyneynaa qorsheyaal ay xukuumaddu dejisay kuwaasoo qeyb ka ah lixda tiir ee mudnaanta inoo wada ahayd. Waxaa hiorgeyneynaa shirka qorshaheena amniga, caddaalada, maareynta maaliyadda iyo atagtideena siyaasadeed ee aan dooneyno in dalka dib loogu wada hanto.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu ugu dambeyn u mahadceliyey dawlada Ingiriiska iyo raysul wasaaraheeda oo uu sheegay in dadaal badan ku bixiyeen sidii Soomaalida shir loogu qaban lahaa daljeeda ayna kaalin ku yeeshaan.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...