Saturday 25 May 2013

Somalia - Wararkii Maanta

WARBIXINO
Khilafkii Ugu xogana Oo ka Dhex tagan dowlada Itoobiya Iyo dowlad degaanka Soomalida kadib tageeradi Kismaayo.
Waxa baryahani Muran Xoogani ka Dhex tagna aArimaha Siyaasada ADIS SABABA  Iyo Dowlad Deegaanka dalka Itoobiya,Iyadoona Madxaweynaha Dowlad deeganka Itoobiya Uu Dhawaan tageero baladhan U Fidiyey Maamul Goboledka Jubaland State.
 Waxa si xooga ah uga xanaaqay Ra’isal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, sababta oo ah waxa uu fara-geliyey  Jubaland sida La Sheegay Madxaweynaha Dowlad deegaanka Itoobiya Iyadoona Ra’iisal waraha Itoobiya Shegay Inay taasi muujinayso O kaliya Kala Fogayn mamaulka Iyo Dowlada Soomaaliya.
 Ra’isal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Ayaa Sheegay Inaysan Ahayn Mid Xiligani loo baahnaa In Cabdi Maxamud  Cumar Ka Hadlo Arimaha Siyasada Kismayao ilaa Xal kama danbaysa laga gaadhayo.
 Sidoo kale Dowlada  Itoobiya  Waxay  warkani ku sheegtay Inay markasta tageerayso mamaulada Ka Jira soomaaliya lakin aysan Diyaar U  Ahayn inay faro galiso Dowlada Arimaha U yaala.
 Waxana Itoobiya Dignin U dirtay Madaxda tageeraysa maamulka Jubaland Inay La Socdaan inay Sharciga Ahayn In tageero ka Baxsan mida Caadiga Ah loo sameeyo waa Sida hadalka U dhigeene.
Gudoomiyaha Baarlamanka oo marti ku ahaa Barnamijka kulanka Jimcaha ayaa sharaxay waxqabadka Baarlamanka su’aalana ka jawaabay”.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka warbixiyay waxqabadka Baarlamanka mudadii uu jiray iyo himilooyinka uu higsanayo.
 Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay  Barnaamijka kulanka Jimcaha oo todobaadkiiba maalinta Jimcaha ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in mudadii Sagaalka Biloodka aheyd ee baarlamanku jiray ay u qabsameen howlo farabadan oo muhiim ah sida ansixinta miisaaniyada iyo la xisaabtanta dowlada.
 Afhayeenka Baarlamanka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd mowshinkii xukuumada laga keenay ee dib laga laabtay ayaa sheegay in baarlamanku uu tixgeliyay dareenka shacabka.
 ‘’Mowshinka waxaan rabaa shacabka ineysan qalad u fahmin wa mid mudanayaashu wax ku saxaan,  laakin waxaa haboon ineysan arintu noqon mid wax lagu dhibaateeyo ama lagu aarsado,  waana ku dadaalaya ineysan taasi dhicin’’ ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
 Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan howlaha Baarlamanka uga jawaabay dhageystayaal  ka soo wacay dalka iyo dibada, isagoo si faahfaahsan ugu sharaxay su’aalaha dhageytayaasha.
 Hadalka gudoomiye Jawaari ayaa imaanaya xilli dib looga laabtay mowshin ay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ka keeneen xukuumada, taasoo shacabka Soomaaliyeed ay si diirran usoo dhaweeyeen.
Maxaad kala socotaa tirada lacagta ee kaga baxday Madaxda Dowlada Fashilinta Mooshinkii laga keenay Xukuumada?
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan wali awood buuxda laheyn ayaa dowlada Kenya iyo Maamulka Puntlnad ku naaloonayeen inay afgambiyaan taasoo la doonaayey in mar kale buuq siyaasadeed uu ka dhax dhasho hogaanka sare ee dowlada taana waxay dhabar jab ku noqotay madaxweyne Xasan Shiikh oo dhaqaalo kobcin ku jiray si loogu maareeyo qeyla dhaanta ka soo yeerayo shaqaalaha dowlada iyo ciidamada qalabka sida oo mushahar la’aan ahaa dhowr bil.
 Durba waxaa la bilaabay in maamul xoog ah laga dhiso gobolada Jubooyinka si loo wiiqo dowalda aan awooda badneen ee ku tiirsan quwadaha shisheeya taasi markay bilaabtay ayaa waxaa ka hor yimid dowlada oo u arkeysay in awoodeeda lagu wiiqayo.
 Markii ay dareemeen dowlada Kenya iyo Puntland inay dowlada Federaalka fahantay shirqoolka ay maleegayaan ayaa haddana waxay bilabeen in xildhibaanada caada qatayaasha ah loo adeegsado si buuq looga dhax abuuro dowlada dhaxeeda iyadoo tijaabo u aheyd dowlada siday uga hor tagi karto inqilaabka la soo maleegay.
 Madaxweyne Xasan Shiikh waagaa ku baryey wuxuuna dareemay in dabinkaan haddaanu dhaqaale u adeegsan ay wiiqmi doonto dowlada aan sanadka gaarin ayna bilaaban doonaan qilaafyadii haraadiiyey dowladihii kMG ahaa.
 Ujeedka ay dowlada Kenya iyo Puntland ka leeyihiin ridida dowlada waxey aheyd in la keeno Raiisal wasaare kale oo ku fikir ah dowlada Kenya iyo Puntland si loo meel mariyo danaha siyaasada labadaasi maamul ka leeyihiin Dowlada Federaalka.
 Dowlada Xasan Shiikh waxay Bilawday in ay furta qasnada dowlada waxeyna bilwaday kala fur furida xildhibaanada iyadoo adeegsaneysa dhaqaale xoogan waxaana ku dhowaad 60 xildhibaan la siiyey midkiiba 4,000-USD taasoo tirada guud ee lacagta la bixiyey ka dhigeysa 240,000 USD, halka 30, 000 kun la siiyey odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo mirifle ee soo xulay xildhibaanada warbaahintana waxay qaateen 10,000 USD haddii la isku wada daro dhamaantoodna waa 280,000- kun USD.
 In la badbaadiyo dowlada Saacid waxay dan u aheyd shacabka Soomaliyeed oo lala damacsanaa inqilaab, inkastoo dowlada aysan qaban wax muuqda oo la taaban karo hadana in xiligaan buuq lagu furo waa mid laga wanaagsanaa.


Wasiirada arrimaha dibedda IGAD oo walaac ka muujiyey xaaladda Kismaayo
Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa ku booriyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka, iyadoo la dajinayo qorshe nabadeed oo ku aadan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGADna ay kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada si waafaqsan dastuurka Soomaaliya
Wasiirada arrimaha dibadda, oo maanta kulan hor dhac u ah kulan madaxeedaka madaxda IGAD ay caawa ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa yeeshay, ayaa walaac ka muujiyey xaaaladda magaalada Kismaayo, waxayna ka codsadeen qaybaha Kismaayo ku sugan in ay xasiloonida ilaaliyaan, iyadoo xiisadaha ka jira magaalada ay Qatar galin karaan nabadda iyo daganaanshaha.
Afhayeenka madaxtooyada C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa Radio Bar-kulan u sheegay in qodobada ay ka doodeen wasiirada arrimaha dibedda IGAD la horgeyn doono madaxweynayaasha IGAD oo caawa kulan yeelaan doono
Afhayeenka Madaxtooyada, waxa uu sheegay in madaxweynaha uu hor-dhigi doono madaxda IGAD waxyaabaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray amniga.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa beri ka qayb gali doono kulan madaxeedka midowga Africa ee lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka midowga Africa.


Wiil Soomaali ah oo noqday shaqsigii ugu horeeyay oo Ubaxa saaray goobtii lagu dilay askariga Ingiriiska ahaa
 Wiil Soomaali ah laguna magacaabo Ahmed Jaamac da´diisana lagu sheegay 26 jir ayaa waxa uu noqday shaqsigii ugu horeeyay ee dhigay ama Ubaxa saaray goobtii lagu dilay askariga u dhashay dalka Ingiriiska ee Maalintii Arbacada aheyd Lagu dilay Xaafadda Woolwich ee Koonfur Bari ee Magaalada London.
 Sidoo kale Qaar Kamid ah Shacabka Ingiriska oo awalba qarsan jiray naceeybka ay u qabaan Islaamka ayaa waxa ay ku mar-marsiyoodeen dilkii magaalada London loogu geeystay mid ka mid ah ciidamada Milatariga dalka Ingiriiska oo labo nin ay ku dileen Xaafadda Woolwich ee Magaalada London .
 Dadkaan oo qaarkood wajiga soo qarsaday waxa ay weerareen Masaajid kuwaas oo ku dhawaaqayay hadalo lidi ku ah dadka Islaamka ah ee ku nool gudaha dalka Ingiriiska iyo dawlada Ingiriiska . Ciidamada Booliiska dalka Ingiriiska ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah ragii weeraray Masjidka.
 R/Wasaaraha dalka Ingiriiska Mr.David Cameron oo warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in weerarka dhacay aanan lagu qaadin kaliyah dalka Ingiriiska balse raga geeystay ay ahaayeen kuwo magaca ka xumeenaya Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska.
Wiilasha Midida ku qaarajiyay Askariga Ingiriiska ah ayaa ku dhashay gudaha dalka Ingiriiska balse waxa ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Nayjeeriya . Ciidamada Sirdoonka dalka Ingiriiska ayaa shaaciyay in raga dilka geeystay ay yihiin kuwo mudo dheer la ogaa inay faraha kula jiraan falal Argagixiso balse la yareesan jiray hab dhaqankooda.
 Wiilashaan oo la dhaawacay waxaa la dhigay Isbitaal ku yaala gudaha dalka Ingiriiska waxaana iminka socda baaritaan dheer maadaama looga shakisan yahay inay xiriir hoose la lahaayeen ururka BOKA HARAM oo ka dagaalama gudaha dalka Nayjeeriya kaas oo moowqif ahaan taageersan ururka Al Qaacida.
 Duqa magaalada London Mr.Boris Johnson oo Saxaafada la hadlayay ayaa carabka ku dhuftay inay heestaan Booliiska dunida ugu wanaagsan waliba sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo ogaan doonaan sababta ka dambeeysa falkii lagu qaarajiyay Askariga Ingiriiska ah
Howlihii Turkiga ee Muqdisho oo halis ugu jira in la joojiyo (Warbixin)
 Weeraro kala duwan oo ay Shabaab ka fulisay Muqdisho, ayaa ku qasbaya maal-geliyayaasha, ganacsatada yo hay’adaha gar gaarka inay fikrad labaad ka qaataan ballaarinta howlahooda magaalada Muqdisho.
Hay’adda bisha cas ee Turkiga ayaa dib u eegeysa howlaheedii magaalada Muqdisho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan, sababo la xiriira walaacyo dhinaca amniga ah oo sii kordhaya, kadib weeraro dhowr ah oo ka dacay magaalada.
Mid ka mid ah weeraradaas ayaa lagu qaaday shaqaale gar gaar oo Turkish ah, waxaase ku dhintay 35 qof oo Somali ah.
“Waxaan ogahay in Turkiga uu dib u eegayo howliiisii Muqdisho, sababo la xiriira dhinaca amniga” ayuu yiri Eng. Cabdiraxmaan Yariisow oo ah afhayeenka dowladda Somalia.
“Sababo la xiriira amniga darteed, waa ay adag tahay xaaladda, Turkigu xaq ayay u lee yihiin inay xanaaqaan, hase yeeshee waxaan u sheegnay in kaalmadooda iyo caawimaadooda ay wax ka beddeshay Somalia” ayuu raaciyey.
Diblomaasi reer galbeed ah oo jooga Naiorbi ayaa sheegay in Turkiga uu noqday mid aad uga walaacsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho, hase yeeshee waxa ay og yihiin ayuu yiri “In Muqdisho ay horumar sameeneyso”.
Omer Tasli oo ah agaasimaha guud ee Hay’adda bisha cas ee Turkey, ayaa sheegay in xaaladda amni ee Muqdisho ay tahay mid laga walaaco, hase yeeshee aysan dalka ka wada bixi doonin.
“Mararka qaar waa inaan joojinaa howsheena, haddii walaac dhinaca amniga ah uu jiro, hase yeeshee si rasmi ah uma wada soo afjareyno howlaheena” ayuu yiri Omer Tasli.
Dowladda Somalia, ayaa iminka Muqdisho ka bllowday ayada oo kaashaneysa ciidamada Amisom howl gal guri ka guri ah oo amniga lagu sugayo.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Maamulkii Kismaayo Looga Dhawaaqay.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir uu uga soconayey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa mid aan sharciga waafaqsaneyn ku tilmaamay maamulkii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.
 La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo wareysi siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo dhanka Soomaaliya ay uga qeybgashay Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan la isku raacay qodobada soo socda:-
 1.Shirkii ka dhacay Kismaayo iyo qodobadii kasoo baxay iney ahaayeen kuwo aan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliya.
 2.In loo baahnaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirkaasi hogaanka u qabato balse aysan dhicin.
 3.In dhinacyada dega deegaannada Jubooyinka aysan shirkaasi u wada dhameyn
 Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shirkii ka horeeyey shirkan IGAD lagu go’aamiyey in wafdi ka socda IGAD ay tagaan gudaha dalka si ay usoo qiimeeyaan xaalada ku saabsan maamulka Jubooyinka looga dhawaaqay islamarkaana ay gudigu keeneen warbixin la xiriirta waxyaabihii ay safarkooda kusoo arkeen.
 Ugu dambeyn Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney sameyso shir dib u heshiisiin guud kaasi oo ay Dowladdu ka qeybgalineyso dhammaanba dhinacyada Soomaalida ayadoo shirkaasina loo baahanyahay in laga soo saaro qariido (Road-Map) lagu qeexayo hanaanka loo marayo sameynta maamullada KMG iyo hanaanka maamul goboleedyadaba.
 Sidoo kale Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal ama isku dhac beeleed kuwaasi oo cuuryaamin kara dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.
 Madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD ayaa caawa kulan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa ayadoo Madaxweyneyaashana la filayo iney ansixiyaan go’aannada ay isku raaceen Wasiirrada Arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD.
Burcad South Afrikan ah oo Boob u geysatay Dukaamo ay leeyihiin Gacansato Soomaaliyeed
 Dukaamada ganacsatda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa xalay la boobay iyadoo markanna laga qaatay lacago cadaan ah.
 Dukaamada la boobay ayaa waxa ay ku yaalaan halka lagu magacaabo Subakiin oo qiyaastii 100km u jirta magaalada Johannesburg.
 Waxaa xalay lagu arkayay Soomaalida ku dhaqan magaalada Johannesburg, ayaga oo u sii cararaya halka dukaamada lagu boobay, si markaa ay u badbaadiyaan inta dukaamada ka hartay.
 Ma jiraan tirooyin rasmi ah oo muujinaya inta ay la eg tahay hantida la boobay, inkasta oo tobaan kun oo dollar laga badinayo.
 Waxaa sidoo kale jira khasaaro dhaawac wiil ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya dukaan halkaas lagu boobay, waxaase la sheegay in xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo.
 Dadka madoowga ah ee gaangiistarka ah, ayaa iyaga caadeystay dilka iyo boobka hantida Soomaalida ay ku lee yihiin dalka South Africa.
 Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo la boobo dukaamada Soomaalida aay ku lee yihiin dalka Koonfur Afrika, ayadoo aysan jirin cid markaa wax ka qabata dilalka iyo boobka lagu hayo hantida ganacsatada Soomalida.
Fartaag “Nin Villa Somalia uu madfac ugu soo dhacayo, yuusan u hanqal taagin Kismaayo”
 Dhageyso: Fartaag “Nin Villa Somalia uu madfac ugu soo dhacayo, yuusan u hanqal taagin Kismaayo”
General Cabdullahi Sheikh Ismaacil Fartaag oo ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, garabka Axmed Madoobe, ayaa wareysi uu kaga hadlay dhismaha maamulka Jubbaland siiyey idaacad ku talla magaalada Muqdisho.
Fartaag, ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay kan xalaasha ah ee ka jira Jubbooyinka, wixii kasoo harana ay yihiin magac u yaal.
Waxa uu shaaca ka qaaday in Barre Hiiraale uu tanaasulay, islamarkaana ay taas ku qanciyeen guddigii IGAD ee dhowaan boqoday Kismaayo, hase yeeshee ma jirto cid kaleoo xaqjiin karta sheegashadiisa.
Fartaag, ayaa dhinaca kalena weerar ku qaaday madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamed, oo uu ku eedeeyay inuu fara-gelin ku hayo wax uu ugu yeeray “rabitaanka shacabka Jubbooyinka”.
“Xasan Sheikh waxba yuusan ku mashquulin Jubbaland, ee xal ha u helo madaafiicda mar kasta ugu soo dhaceysa Villa Somalia, ammaanna ha ka dhigo Muqdisho” ayuu yiri Fartaag.
Eedeysanayaan loo haysto Dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey oo Toogasho Lagu Xukumay.
 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax – oo bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo- lagu diley magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
 Eedeysaneyaasha la xukumay oo tiradoodu ay todoba qof tahay, waxaa maxkamadda joogey labo kamid ah, halka shanta kale iyaga oo maxkamadda ka maqan uu xukunku ku dhacay.
 Labada qof ee maxkamadda joogey ayaa kala ahaa: Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile – oo isagu ku eedeysnaa dilka sheekha- iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo isna la sheegay in uu gacan weyn ka geystey dilka sheekha.
 Shanta qof ee kale ee iyaga oo maqan la xukumay ayaa kala ahaa:
 Mowliid Maxamed .
 Shaqalle Xasan Haybe.
 Buuni Maxamed .
 Maxamed Cabdillaahi Ilka-case.
 Iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shiine.
 Gudoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in eedeysaneyaasha uu xukunku ku dhacay ay haystaan muddo bil ah, taasoo ay maxkamaddu fursad u siineyso in xukunkaas ay rafcaan kaga qaataan.
 Bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay 15-keedii ayey ahayd markii AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka lagu toogtey masjidka Beder ee magaalada Garoowe.
 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 4-tii bilood ee u danbeeyey waxay xukunno dil u badan ku ridey dad 20 kor u dhaafaya, kuwaas oo dhowaan 13 kamid ahaa lagu toogtey duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Obama oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo khubad ka jeedinaayay Jaamacadda Natitonal Defense ee Magaaladan Washington, ayaa ka hadlay arrimo badan. wuxuu ka hadlay xabsiga Guantanamo, adeegsiga diyaaradaha Dronska, khataraha ka imaanaya Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh sida Al-Shabaab.
Madaxweyne Obama ayaa difaacay weerarada diyaaradaha Drons-ka ee Maraykanka uu ka geesto waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Yemen, Ciraaq iyo Afghanistan.
Madaxweynaya ayaa seddax jeer soo hadal qaaday arrinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Maraykanka uu door wayn ka qaatay wiiqitaanka Al-Shabaab.
Wuxuu yiri Maraykanka iyo waddamo badan oo gobalka ah waxa ay door ku lahaayeen in Al-Shabaab laga adkaado isla markaana laga saaro meelo badan oo ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha ayaa diifacay adeegsiga dayuuradaha aan cidina wadin ee Droneska, kuwaasoo duqeemo ka geestay waddamo ay ka mid yihiin Soomaaliya.
Obama ayaa sidoo kale tilmaamay in ay khataro waawayn ay wadankiisa uga imaan karaan waddamada Soomaaliya iyo Yemen, isagoona intaas ku daray in ay jiraan shaqsiyaad la marin habaabiyay oo doonaya in ay khalkhal galiyaan ammaanka dalka Maraykanka.

DF Somalia oo ku guuleestay in la diiwangaliyo ajaaniibta ka shaqeeysa Muqdisho.
 Dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in lagu guuleystay  diiwaan galinta inta badan ajaaniibta ka shaqeysa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Taliyaha hoggaanka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdilaahi Gaafow Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dadka ajaaniibta ah ee la diiwaan galiyey ay isugu jiraan diblumaasiyiin shisheeye, shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo dad u shaqeeya shirkado iyo hay’ado caalami ah iyo kuwo Soomaali ahba.
Gaafow, ayaa sheegay in ilaa hadda la diiwangaloiiyay 345-qof, laakin weli wuu socdaa ayuu yiri  howlaha diiwaan galinta dadka shisheeyaha ah.
Taliyahna hoggaanka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha waxa uu sheegay in dowladda ay u dajisay qaab sharci ah oo ay dadkaan ugu shaqeyn karaan gudaha Soomaaliya, iyadoo qof walba oo ajnabi ah uu la xariiri doono waaxyaha dowladda federaalka ah ee goobta uu ka shaqeeyo ay hoos tagto.
Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ku guuleysto in la diiwangaliyo ajaaniibta ka shaqeeysa Muqdisho.
Dhawaan ayaa dowladdu waxa ay amartay ajaaniibta ka shaqeeysa gudaha Muqdisho in ay isoo diiwangaliyaan ciddii diidana dalka laga musaafurinayo.
Waxaa sheegis mudan in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin ajaaniib badan kana badan inta hadda dowladdu ay sheegtay in ay is oo diiwangaliyee
Dawladda Soomaaliya Oo Itoobiya Ka Dalbatay Inay Go’doomiso Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Ka Gaabsatay
Xukuummadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u gudbisay dawladda Ethiopia waxay kaga hadashay sida ay uga xun-tahay  hab-dhaqanka ay ula macaamisho Somaliland,  oo ay ku tilmaantay Soomaaliya in ay tahay mid wiiqaysa heshiiska dawladaha Muqdisho iyo   Addis Ababa.
Warqad la sheegay inay ka baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa la gaadhsiiyay dowladda Ethiopia, taasoo sida la sheegay ku saabsan cabasho la xidhiidha wada-shaqaynta  Somaliland iyo Ethiopia.
Warqada  qoraalka ah ee la sheegay inay ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ee la gaadhsiiyay dawladda Ethiopia, ayaa sida ay baahiyeen Shabakadaha wararka ee Soomaalidu waxa uu dawladda Soomaaliya Itoobiya kaga dalbatay inay jarto Xidhiidhka adag ee ay la leedahay Somaliland, iyadoo Warqaddaasi lagu qoray in dowladda Ethiopia  Somaliland ula dhaqanto si aan waafaqsaneyn Nidaamka iyo Heshiisyadda labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen.
Warqadaasi ayaa lagu qoray in Dowladda Ethiopia ay si dadban u dhaawacayso  Axdiyadii ka dhexeeyay Labada dal, waxaana sidoo kale, lagu xusay in Somaliland ay Beesha Caalamka u aqoonsan tahay Maamul ka tirsan Somalia, loona baahan yahay in dalka Ethipia-na uu taa ogaado oo uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya.
“Somaliland waa maamul-goboleed ka mid ah dalka Soomaaliya, Xukuummadda Soomaaliya-na waxay qaadaysaa jidkii uu ku iman lahaa nidaamka Federaalku iyo in maamulka Somaliland  la go,doomiyo Ethiopia-na  waa inay taa ogsoonaataa.”Weedhahaas ayaa lagu yidhi qoraalka ay Xukuummadda Soomaaliya u dirtay dawladda Ethiopia, sida Shabakadaha wararka qaarkood lagu faafiyey xalay.
Waxa uu qoraalka dowladda Soomaaliya ee la sheegay inuu gaadhay dhiggeeda Ethiopia, ayaa muujinaaya in Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid ay qaadeyso tallaabooyin ay isku dayeyso inay Somaliland kaga soo xidh-xidho dalalka caalamka ee xidhiidhka fiicani ka dhexeeyo qaarkood. Waxaanu qoraalkani ku soo beegmay maalmo ka dib markii uu toddobaadkii hore Raysal-wasaaraha dawladda Itoobiya sheegay inuu Somaliland ka difaacayo culays kasta oo ku yimaadda, kaasoo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qoraal Mahad-naq ah u gubiyey sida warbaahinta qaarkeed lagu faafiyey.
Geesta kale, Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa War-Saxaafadeed uu ka soo saaray shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisu, waxa uu kaga hadlay dhawr qodob oo uu ka mid yahay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya oo bisha soo socota lagu qaban doono sida la filayo magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga oo bishii hore Caasimaddiisa Ankara lagu qabtay kulan ay labada dhinac ku wadahadleen, heshiis toddoba qodob ka koobanna ku kala saxeexdeen.
“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaannu gaadhno Soomaaliya oo mid ah; isla markaana federaal ah. Waddada aan u hayno jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha naloo igmaday. Waxaan doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ahna ma doonayno.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Weriye ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday xalay khadka taleefanka wax kagaga weydiiyey waxa uu ka odhanayo iyo sida ay Xukuumad ahaan ula socdaan qoraalka Soomaaliya Itoobiya u gudbisay iyo hadalka Raysal-wasaare Saacid, ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah arrimahaa ka bixiyo waqtigan illaa uu helo xogo ku saabsan qoraalkaas.
Raysal Wasaaraha XAMAR Oo Ku Dhawaaqay Hadal Burin Kara Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya
(SLT-Hargeysa) Raysal wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo xukuumadiisu ka badbaaday in codka kalsoonida ah looga qaado Baarlamaanka Xamar, ayaa maanta ku dhawaaqay hadal turxaan leh oo uu ku doonayo inuu ku burburiyo wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Raysal Wasaaraha Xamar waxa uu sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay dawladiisu ka doonayso inay ka soo baxaan wax uu ugu yeedhay Midnimadii Soomaaliya.
Mr. Saacid waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Muqdisho, waxaanu yidhi “Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaan gaarno Soomaaliya oo mid ah; isla markaana federaal ah. Waddada aan u hayno jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha naloo igmaday. waxaana doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ahna ma doonayn

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...