Faysal Cali Waraabe
oo ah gudoomiyha Xisbiga Mucaradka ah ee UCID kaa oo ka jira Deeganadda
Maamulka Somaliland aya xili uu Waraysi siinayay Warbaahin lagu magacabo SBS oo
kutala Wadanka Austrelia sacadana ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si
kulul kaga hadlay Gooni isku taga Maamulka Soomaliland iyo Ddaka ku howlan
sidii ay dib ay umideen lahayen Dowladda iyo mamulkaasi.
Cali
Warabe ayaa waxa uu iskumid in ay yihiin ku tilmaamay Qofka Fidinaya
Diinta Krishtanka ku Dhex fidinaya Islamka iyo qofka doonayo in uu dib u
soo celiyo miidnimadda Soomaliya,waxa kaloona uu sheegay qofka ka soo jeeda
Deegaanaddaa oo lagu arko isna in uu ka shaqenayo miidnimadda Soomaliya in la
xiro islamarkana dil Togasho xetaa logu daro.
Gudoomiyha
Xisbiga UCUD ayaa mar uu waydiiyay Wariyaha Waraysigani la yeshay oo u
shaqwenayay Warbaahinta SBS ee ku tala Austarelia su aal ahayd Qatarta ka imaan
karta Hadalkaasi uu ku hadlay ayaa waxa uu ku jawaabay.
Dowladda
Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay Dadaal ugu jirtaa sidii ay Dib ugu soo
celin lahayd Maamulka Soomaliland In uu ka mid noqdo Dowladda Soomaaliya
dhawana waxaa lagu wadaa in uu dhaco kulan daba socda kulan ay Horay uwada
Yesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud iyo
M/weynaha Maamulka Somalilnd kaasoo ka dhacay Magalo Xarumeedka Dalka Turkiga
ee Ankara.
Dawladda
Somaliland Oo Sheegtay In Ay Sii Wadayso Wadahallada Somaliya
Wasiirka
Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamd Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta
war-bixin dheer siiyay Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo uu hor tagay.
Fadhigii
maanta ee Golaha Guurtida oo uu Guddoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud
Aaden, ayaa waxa wasiirku kaga waramay siyaasada arimaha dibada iyo halka ay
marayso dedaalka qadiyada Somaliland ictiraafka loogu raadinayo, waxaanu
sheegay in safarkii Madaxwaynaha ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkigu
ahaayeen kuwo ay guulo waaweyn uga soo hoydeen Somaliland.
Wasiir
Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadallada Somaliland
iyo Somaliya, waxaanu sheegay in Somaliland sii wadayso wadahadalka ay kula
jirto Somaliya, inkasta oo madaxda dawladda Somaliya ay dhowr jeer jabiyeen
qodobkii ahaa inaan labada dhinac la iman hadalo xanaf leh oo waxyeelaya
heshiiskii Ankara.
Wasiirka
Wasaarada arimaha dibada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay inay xukuumad
ahaan isku raaceen in hawada Somaliland ay ka xidhnaato diyaaradaha qaramada
midoobay ilaa inta laga wadahadlayo, isaga oo sidoo kalena xusay in shir maanta
Hargeysa uga furmi lahaa Somaliland iyo qaramada midoobay uu u baaqday sababo
la xidhiidha dhanka socdaalka, waxaanu sheegay inay kala habsaameen saraakiil UN-ta
ah oo New York ka iman lahaa.
Odayaasha
ku dhaqan Kismaayo oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii urur
goboleedka IGAD
Odayaasha
dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay war
murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadamada IGAD ee xalay lagu soo gaba gabeeyay
magaalada Addis Abab ee xarunta wadanka Ethiopia.
Waxgaradka
iyo Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay tageersan yihiin go’aanka wasiirrada
arrimaha dibada urur goboleedka IGAD kaas oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay u
madaxbanaantahay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.
Waxa
ayna intaasi ku dareen in waxyaabaha ka socda Jubbooyinka ay yihiin mid aan
waafaqsaneen daastuurka u yaala dalka.
Dhinaca
kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulan ay wada yesheen maamulka KMG ee
Axmed Madoobe iyo xildhibaano ka tirsan Baaralamanka Soomaaliya.
xildhibaan
C/raxmaan Xooshi Jabriil wasiirka hore ee dastuurka dowladii KMG ahey oo ka mid
ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga
hadlayay sida loo hakinkaro qilaafka ka jiro gobollada Jubbooyinka.
Xalay
ayey aheyd markii magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia lagu soo
gaba gabeeyay shir ay lahayeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD kaas
oo laga soo saaray go’aano ay ka mid ahayeen in dowladda Soomaaliya ay soo
dhisto maamulka gobollada Jubbooyinka iyo in dhawaan Muqdisho ay dowladda ku
qabato shir maamul loogu sameynayo Jubbooyinka kaas oo ay u dhan yihiin dhamaan
beelaha daga gobolladaasi.
Ciraaq
oo mashaariic Soomaaliya ka fulinaysa
Wasaarada dhismaha
iyo deegaameenta xukuumada Iraq ayaa sheegtay in ay si toos ah u bilaabi doonto
3-mashruuc oo la xirira dhanka dhismaha oo ay ka sameeyneyso Somalia waxana ay
ku kici doonta qiimo lacaged oo gaaraya 15-milion oo dolarka Maraykanka.
Wasaradu
waxa ay tilmaantay in shaqalihi howlahaasi ka fulin lahaa Somalia diyaar
garowgii ugu danbeeeyay ay ku jiraan.
Hadalka
wasarada dhismaha iyo degaamenta wadanka Iraq ayaa lagu sheegay in ay timid
kadib markii golaha wasiirada wadankaaasi ay bixiyen amarka ku aadan in lacagta
qiimahedu gaarayo 15-ka million ee dolarka maraykanka mashruuc dhanka dhismaha
loogu sameeyo Somalia.
Iraq
waxa ay kamid tahay dowladaha xiligaan doonaya in ay wax ka dhisaan dalka uu
burburiyay dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.
Madaxweynaha
oo khudbad ka jeediyay shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba-gabeeyay
Addis
Madaxweynaha
jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ugu horeyn soo
hadal qaaday arrimo fara badan ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay sanad
guurada 50-aad ee ka soo wareegtay xiligii la aas-aasay IGAD oo loogu dabaal
degay magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweyna
Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii todobadii bishan ka dhacay magaaladda London
ee xarunta dalka Ingiriiska iyo qorsho weli soconayo oo dalka lagu hormarinayo,
dadaalad midowga afrika ee ku wajahan magaaladda Muqdisho iyo arinta ka taagan
magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose iyo shirkii wasiirrada
urur goboledka IGAD ay ku yeesheen magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka
ithiopia oo intiisa badan diiradda lagu saray arimaha dalka Soomaaliya.
Mudane
Xasan Shiiq Maxamuud ayaa u mahad celiyay ciidamada nabad ilaalinta midowga
Africa howlaha xasilinta ah ay ka wadaan dalka, waxa uuna sidoo kale u mahad
celiyay dowladda Ethiopia oo ciidamo ay ka jogaan qeybo ka mid ah gobollada
dalka kuwaas oo si harag la’aan ah uga qeyb qaatay xasiloonida wadanka.
“Anigoo
ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa
in aan halkaan idin ku cadeeyo amaanta shacbka Soomaaliyeed iyo dowladda ay u
hayaan ururka midowga afrika maxaa yeelay wadamada midowga afrika wax ay gacan
ka geysteen sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya
iyo sida ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay garabkooda u
istaageen waxaann aad ugu rajo weynahay in aad imaan doontaan shirka gaarka ah
ee looga hadalayo arimaha Soomaaliya ee ka dhici doona dalka Japan 31bshan May
ee sanadkan ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Dad
shacab ah oo Khasaaro kasoo gaartay iskahorimaad ka dhacay Muqdisho
Inta
la ogyahy 2 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay tira intaa kabad dhaawac ayaa
soogaray kadib israsaasayn ciidamo kawada tirsan kuwa dowlada soomaaliya ku
dhex martey isgoyska Banaadir ee magaalada muqdisha .
Ciidamadaan
oo dhamantood ahaa military ayaa lasheegay in ay isku qabteen lacag laga
qadadayay gawarida gaadiidka ee kusugnaa isgoyska Banaadir kadibna
ay israsaaseyn dhexmaraty.
Marka
laga tago qasaaraha soo garay dadka rayidka ah ee dhimashada iyo dhawaca isugu
jira lama xaqiijin karo qasaraha soo kala gaaray ciidamadaas.
Jawiga
goobta ayaa isbadalay waxana halkaas soo gaaray cidamada kale oo kamid ah
kuwa dowlada oo kala dhexgalay ciidamadamadii dagalamay sida Warbaahinta KNN ay
u xaqiijiyay mid kamid ah dadkii kusugnaa goobta israsaaseyntu ay kadhacday ee
isgoyska Banaadir.
Cidamada
dowlada Somalia ayaa inta badan isku qabta waxyabo sidaa uu sii buurneyn
inkastoo marka ay ciidamadu israsasayn ceynkan oo kala ah dhexmarto qasaraha
ugu badan uu kaso gaaro dadka shacabka ah inkastoo dowlada looga fadhiyo in ay
wax badan ka qabato is qab qabsiga ciidamada oo shacabku dhiibatda ugu wayn ka
soo gaarto.
Qarax
Ciidamo Ethiopian ah lagula eegtay Magaalada Beydhabo
Qarax
Khasaaro Geystay ayaa Ciidamo Ethiopian ahwaxaa lagula eegtay Magaalada
Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Wararka
laga helayo Magaalada Beydhabo ayaa Xaqiijinaya Barqanimadii Maanta in Qarax
miino lagula eegtay Ciidamo Ethiopian ah oo ka dukaameysanayay Suuq ku yaalla
Magaalada Beydhabo.
Qaraxa
ayaa la sheegay in uu khasaaro ka soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa
Suuqa Qaraxa uu ka dhacay halka qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa iyo 15
qof oo 3 ka mid ah ay ahaayeen Haween.
Qaraxa
kadib ayaa Ciidamadii Ethopianka ahaa waxa aay fureen Rasaas xoogan taasi
oo aan la shaacin qasaaro ka dhashay.
Guddoomiyaha
Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo Shabelle lahadlay qaraxa kadib ayaa waxa uu
Cambaareeyay qaraxaasi ay ku dhinteen dadka Rayidka ah isagoona tilmaamay in ay
gacanta ku soo dhigi doonaan Kooxaha weerarkaasi geystay.
Shaqaalaha
wasaaradda arrimaha gudaha oo tababar loo furay
Tababar
la xiriira kor u qaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo
amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada
Muqdisho.
Tababarka
oo ay ka qeyb-galeen soddon ka tirsan shaqaalahada wasaaradda ayaa waxaa soo
qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista iyo wada-hadalka ee CRD.
Nuur
Axmed Diiriye oo ah agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee
dowladda Soomaaliya ayaa shaqaalaha tababarka loo furay kula dardaarmay in ay
ka faa’iidaystaan.
Tababarkan
ayaa socon doona muddo 2 cisho ah.
Uhurru
“DF waxaan ku taageereynaa dhismaha maamulka Jubbaland”
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka mid ahaa Madaxweynayaashii ka
qeybgalay shir madaxeedkii IGAD ee Addis Aababa lagu qabtay ayaa khubad uu
kulanka ka jeediyay ka sheegay in dowladdiisu ay dowladda Soomaaliya gacan ka
siineyso sidii ay maamul iyada ugu magacaabi laheyd gobolada Jubbooyinka iyo
gobolada kale ee dalka Soomaaliya ee ay dowladdu maamusho.
Madaxweyne
Uhuru Kenyatta waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan
magaalada Kismaayo ay qeyb lixaad leh ka qaadan doonaan dib dejinta Soomaaliya,
wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM isla
markaasna aysan ka boodi Karin go’aan kasta oo Midowga Afrika ka soo baxa,
isagoo sheegay inay dhiig u hureen sidii ay Soomaaliya dowlad u heli laheyd
sida uu yiri.
Madaxweynaha
Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto dowlad rasmi ah
oo aan aheyn KMG, sidaas daraadeedna ay tahay in dalalka gobolka iyo kuwa IGAD
ay dowladda Soomaaliya howlaha ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya ay ku
taageeraan, isla markaasna dowladda Soomaaliya loo daayo maamul u sameynta
gobolada dalka, wixii lagu taageeri karana loo fududeeyo, isagoo dalbaday in
faragelinta laga joojiyo, wuxuuna sheegay in Kenya aysan faragelin ku heyn
Soomaaliya.
“Waxaan
la dhacsanahay howsha ay dowladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha iyo dibadda
dalka, kuwaas oo ay ugu adeegayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in
la arko Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagta” ayuu yiri Madaxweynaha dalka
Kenya Uhuru Kenyatta oo wax lagu farxo ku tilmaamay in Afrika sanadkan ay tahay
sida hal dowlad oo kale, isagoo dhinaca kalena ku taliyey in la sii wada wada
shaqeynta hadda Afrika ka dhexjirta iyo taageerada ay dhexdooda isku
fidinayaan.
Madaxweynaha
Kenya oo ka hadlay ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM oo ku sugan Jubbada
Hoose ayuu sheegay in howshoodu ay tahay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib
u soo celinta amniga Soomaaliya, wuxuuna yiri “Ciidamada Kenya waxay qeyb ka
yihiin howgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, doorkooduna waa
inay ka caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo
ceshan lahaayeen nabadooda, ee dadka yeysan si kale u arkin ciidamada Kenya ee
Kismaayo jooga”.
Hadalka
Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dowladda Kenya lagu eedaynayo
inay dabada ka riixeyso maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, isla markaasna ay
la safantahay garab ka mid ah dhinacyada Soomaalida ee Kismaayo isku haya,
dhegahana ay ka fureysatay codsiyo dhowr ah oo dowladda Soomaaliya u gudbisay,
kuwaas oo la sheegay inay ku aadanaayeen arrinka magaalada Kismaayo.
Axmed
Madoobe oo si carro iyo yaab leh u hadlay
Maalin
kadib markii uu wareysi siiyey BBC-da, ayaa Axmed Madoobe waxa uu haddana
wareysi kale siiyay Idaacadda VOA, isaga oo si carreysan u hadlay.
Axmed
Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} oo ka mid ah Madaxweynayaasha faraha badan ee
maamulka Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aankii IGAD ka soo baxay ee
lagu sheegay inaysan aqoonsaneyn maamulada looga dhawaaqay Kismaayo iyo
Madaxweynayaasha faraha badan iyo hadalkii ahaa in dowladda Soomaliya ay xaq u
leedahay inay maamul iyada u sameyso gobolada Jubbooyinka, cid kalena aysan xaq
u laheyn.
Axmed
Madoobe ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay ee maamulka Jubaland uu ka
xunyahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax walba xoogga ku saarto
khalkhal ku abuuridda maamulka cusub ee Jubaland, isla markaasna ay sii wado
falal ka dhan ah sida uu yiri Jubaland iyo beelaha ku wada nool, wuxuuna ugu baaqay
madaxda IGAD inay xurmeeyaan rabitaanka dadka shacabka ah ee reer Jubbaland.
Sidoo
kale Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ka
soo bixin 5-tii qodob ee horey u wada saxiixeen hogaamiyaasha dalalka IGAD ee
ku aadanaa dib u xasilinta iyo la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna ugu markale
IGAD dhinacooda inaysan abuurin wax walba oo khalkhal ku keeni kara howlaha
maamul u sameynta Jubbooyinka oo ah go’aan ay beelaha Soomaaliyeed si wadajir
ah ugu gaareen sida uu yiri.
“Waxaan
ka soo horjeednaa go’aankii IGAD ay ku sheegeen inaysan aqoonsaneyn dowladda
Jubbaland ee aan Madaxweynaha ka haya, waxaana IGAD ku taageeraynaa go’aankii
ahaa in dowladda ay shirk u saabsan Jubbooyinka ay qabato, waan ka qeybgaleynaa
shirkaasi xittaa Muqdisho haddii lagu qabanayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dhinaca
kale Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku
howlantahay colaad ka dhex dhalata bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan
gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya
ay mas’uul ka tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in
dowladda Soomaaliya ay soo abaabushay ragga faraha badan ee magaalada Kismaayo
kaga dhawaaqay inay yihiin Madaxweynayaasha maamulka Jubaland, wuxuuna yiri
isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan u heynaa cadeyn ah in dowladdu ay soo
abaabushay dadka sheegtay Madaxweynayaasha Jubaland oo ay lacago ku bixisay
iyada”.
Sidoo
kale Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaato uu sheegay inay
magaalada Kismaayo ka wadaan waftiyo isdaba joog ah oo gaaray magaalada
Kismaayo kuwaas oo ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dowladdu
ay amar ku bixisay in ciidankeeda ku sugan Kismaayo ay magaalada dagaal ka
ridaan sida uu sheegay, wuxuuna intaasi ku daray markale inay ogyihiin in
madaxda dowladda Soomaaliya ay Jubbooyinka ka wadaan qas aan qarsooneyn,
wuxuuna kula taliyey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay ixtiraamaan
dastuurka dalka u yaala ee iyaga lagu soo doortay kaas oo sida uu sheegay shacabka
Jubbooyinka u ogolaanaya inay dhistaan maamukooda”.
M/weyne
Xasan oo shaaca ka qaaday qataar kusoo wajahan Kismaayo
Madaxweynaha
dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan
taabaneysay ka jeediyay shir madaxeedkii Madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD
ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegay
in Kismaayo ay qatar kuso wajahan tahay.
Madaxweynaha
waxa uu yiri in haddii ay sii socdaan xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ay
horseedi doonto in Al-shabaab ay markale magaaladu gacanta u gasho.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in haddii uu sii socdo khilaafka ka taagan
arrimaha Jubbooyinka ay suurtagal tahay in Al-shabaab ay ka faa’iideystaan,
isla markaasna ay dib ula wareegaan magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in
dhammaan Madaxweynayaasha Kismaayo kaga dhawaaqay inay madax u yihiin gobolada
Jubbooyinka iyo Gedo ay yihiin kuwo aysan waxba kala socon dowladda Soomaaliya.
“Waxa
Kismaayo ka dhacay waa wax aysan dowladdu waxba kala socon oo aan dastuurka
waafaqsaneyn, ismagacowga Madaxweynayaasha faraha badan waa mid ka mid ah
waxyaabihii aan ka dhaxalnay 22-kii sano ee burburka, waxayna sahli kartaa in
Al-shabaab ay magaalada dib ula wareegaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka hadlayey kulan madaxeedkii wadamada urur goboleedka IGAD.
Madaxweynaha
Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii IGAD ee 23-dii bishan May,
warbixintii ay soo diyaariyeen Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee booqashada ku
tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.
Madaxweyne
Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay inay xal waara
u hesho mushkiladaha gobolada Jubbooyinka, wuxuuna xusay in haddii mar hore loo
dhega nuglaan lahaa baaqyada dowladda Soomaaliya aysan xaaladdu gaarteen halka
ay maanta taagan tahay oo uu sheegay inay tahay meel qatar ah oo aan waxba laga
qabankarin.
Faroole
oo loo diray warqad cajiib ah oo runta loogu sheega “Aqri”
waxaanu
kugu salaamaynaa salaanta Islaamka ACWRWB, bacda salaan waxaanu nahay xubno ka
tirsan Baarlamaanka Dawladda Puntland ee aad Madaxweynaha u tahay, waxaanu
istusnay in aan kuu soo dirno qoraalkan, annagoo ka eegnay dhinacyo badan, una
aragnay in ay lagama maarmaan tahay in aan kuu soo gudbino fikirkayaga ku aadan
xaaladda maanta taagan ee Puntland.
1.
Arrimaha Siyaasadda;
Puntland
maanta waxay maraysaa xaalad siyaasadeed oo murugsan marka laga eego dhinaca
arrimaha Guddaha, taas oo aan isleenahay haddaan si deg deg ah wax looga qaban,
waxay ku dambaynaysaa meel laga sheekayn doono sanado badan, Mudane Madaxweyne,
waxaan wareysanay xubno badan oo xildhibaano ah kana soo laabtay shaqo ay ku
tageen gobollada Puntland, waxayna noo sheegeen in dhammaan gobollada Puntland
dadka ku nooli ay boqolkiiba 90 ka soo horjeedaan nidaamka Xisbiyada badan ee
Xukuumaddu balanqaaday in ay sanadkan gudihiisa ka hirgalinayso dhammaan
deegaanada Puntland, iyadoo cabashada dadweynuhu ay la xiriirto watiga kooban
iyo suurtogalnimada arrintaaasi ku dhici kaarto, balse ay soo jeedinayaan in ay
arrintani u baahan tahay waqti dheer, si loo gaaro doorasho xaqa oo xalaala.
Waxaa
ka socda gobollada kala ah Bari, Karkaar iyo Mudug shirar dadweynaha looga
dhaadhicinayo in ay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay dalkaan ka
qabsoomaan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Puntland, loona diyaargaroobo
nidaamkii hore ee wax lagu dooran jirey, taas waxaa barbar socda Kormeero
jilicsan oo ay Wasiirada Xukuumaddu ku tagayaan gobollada iyagoo aad moodo in
ay wadaan wax aan munaasib ku ahayn bulshada, lana dhuumanaya ee aan meelo
fagaare ah ummadda kala hadlayn, taas oo keentay in shacabku rumaystaan waxa ay
dadka kale wataan, kana maagaan soo jeedinta Wasiirada Xukuumadda Puntland.
Siyaasadda
Puntland iyo Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, ma aha mid fadhida, waxayna u baahan
tahay wadahadal dheeraad ah in laga galo, waayo Puntland waa qayb ka mid ah
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed, waxayna ku bixisay in Qaran
Soomaaliyeed la helo MAAL iyo MASKAX baadan, mrna raali kama noon karno in
xiriirka Puntland iyo Dawladda Dhexe uu si fudud ku burburo.
2.
Arrimaha Dhaqaalaha;
Puntland,
waqtigan waxay maraysaa in dadkeedii uu u qaybsamo wax u doolay deegaamo kale,
wax beerka dhulka ku haya iyo wax hadal-daayey, waxaan la inkiri karin in
Hay’addaha Dawladda, Shaqaalaha Rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka sidaaba aysan
muddo helin xuquuqdoodii mushahar ee ay lahaayeen, taasina ay keentay gadood
ciidan oo foolxun iyo wado-xirasho ka timaada ciidamadii Amniga sugi lahaa,
waxaan la dhayalsan karin dhawaaqa shacabka ka baxaya iyo caga-juglaynta iyo
hanjabaada lagu hayo Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumadda ee la xiriirta
dhaqaale la-aanta, taas oo keentay in dad muxtarim ah, masuuliyiinna ah loo
qabsado kiradii guryaha ay degan yihiin.
Waxaa
xawli ku socda xoolaha nool ee ka dhoofaya Dekedda Boosaaso iyo Badeecadaha
halkaa ka soo degaya ee aan kala-go’a lahayn, waxaan marna baaqan canshuurta
shacabka laga qaado, ee aan haddana waxba loogu qaban, iyagoo la daalaa-dhacaya
waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amnigoodaba.
3.
Arrimaha Amniga
Puntland,
waxay ku caanbaxday muddo 14 sano ah in ay ka jirtey Amni la isku halayn karo,
kaas oo ay dad badan oo kasoo hayaamay gobollada kale ee Soomaaliya ay u soo raadsadaan
nolol iyo deegaanba, maanta waxay Puntland maraysaa in Ciidamaddii Amniga
sugayey ay iyagii horseed ka noqdaan Amni-darrada Puntland ka jirta markii ay
waayeen mushaharkoodii, sababna u noqdaan in isbaarooyin badan ay soo noqdaan
Min Gaalkacyo ilaa Boosaaso, marka laga reebo gobolka Nugaaal oo kaliya.
Waxaa
bilaabatay in askartii lagu laayo suuqyada waaweyn ee magalooyinka, dabdeedna
laga furto hubka ay sitaan, iyadoo tii u dambaysay ay ka dhacday Boosaaso
23/05/2013, aan kana cabsi qabno in ay ku fiddo gobollada dalka oo dhan, taas
oo ku tusaysa halka ay marayso baahidu.
Mudane
Madaxweyne arrimahaas oo dhan waxay nagu riixeen in aan qoraalkan kuu soo
qorno, kadib markii ay nagu adkaatay in aan kuu nimaano, maaamul-xumo kaa jirta
dadka xiriirka kuu qaabilsan awgeed, waxanan ku soo gabagabaynaynaa
talo-bixintayda aan dhaafi weynay.
Talo-bixin;
Mudane
Madaxweyne, waxaanu kugula talinaynaa in Puntland aysan maanta burburin adigoo
ah Masuulkii ugu sareeyey ee Dawladda Puntland ee hadda jirta, waxaanu samaynay
baarlamaan ahaan in aan fududayno qodobo badan oo Dastuuri ah, anagoo
tixgalinaynay xaaladda iyo codsiyada aad noo soo gudbisay, haddana waxaad
mooddaa in shacabku ka aamintinimo baxay Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Guddiga
Doorashooyinkaba, sababo dhawra oo is-biirsday awgeed, taas oo y ugu weyntahay
muddo kordhinta joogtowday ee maraysa saddexda goor, taaas oo aad ku dhaawaaday
adigu in Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Puntland in ay dhacayso;
15/05/2013 iyadoo haddana dib loo dhigay ilaa 30/06/2013, waxaase haddana lama
filaan noqotay in mar kale dib loogu riixo 15/07/2013, Waxaaynu kaa codsanaynaa
in la qabto Shirweyne guud oo ay ka soo qaybgalaan’
-
Isimada Dawladda Puntland.
-
Golayaasha Dawladda Puntland.
-
Ururada Mucaaradka ah ee Puntland
-
Aqoonyahanka reer Puntland.
-
Ganacsatada iyo Shirkaddaha reer Puntland
Waayo,
dalkaan waynu wada leenahay, taladiisuna wa inaga dhaxaysaa, taas oo lagu gaari
karo is-aaminid iyo wax wada qabsi jihaysan oo leh meel loogu soo hagaago,
waxaanu u aragnaa arrintaas in ay tahay fursad qaaliya, haddii la dayacana aan
dib inoogu soo noqonayn.
Waxaanu
rajaynaynaa in aad naga aqbali doonto talo-soo-jeedintayadaas, waxaanuna kuu
rajaynaynaa cimri dheer iyo caafimaad.
Baarlamaanka
Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed
Qarax
fashilmay oo xiriirka Iran iyo Kenya ka dhigay mid sii liidanaya
Tan
iyo markii ay maxkamad Keenyaan ah ay ku xukuntay labo Iiraaniyiin ah xabsi
daa’in arrimo la xiriira argaggixisanimo awgood bilowgii bishan, ayaa
mustaqbalka xiriirka diblumaasiyadeed ee Nairobi ay la leedahay Tehran calaamad
su’aal la saaray, iyadoo la filayo in uu dib u dhigo rajada ay Iran ka qabto
inay ganacsigeeda iyo joogitaankeeda siyaasadeed ku sii fidiso Kenya sanadaha
soo socda.
Dhibaatada
diblumaasiyadeed ayaa ka dhalatay weerarro fashilmay oo argaggixisanimo oo sida
maxkamaddu ay xukuntay ay soo qorsheeyeenAhmed Mohammed, oo 50 jir ah, iyo
Sayed Mansour, oo 51 jir ah, oo labadaba ah muwaaddiniin Iiraaniyiin ah. Labada
nin ayaa Juunyadii hore lagu xiray dibadda Laico Regency, oo ah hotel heer sare
ah oo ku yaala Nairobi, oo ay Liibiya leedahay, ka dib siddeed maalmood oo daba
gal dheer ay ku sameeyeen Unugta Bilayska ee Kahortagga Argaggixisada ee Kenya.
2-badii
Maajo, ayaa lagu helay in ay haysteen 15 kiilo oo walxaha sida weyn u qarxa ah
ee RDX, taas oo ay bilaysku ka heleen meel lagu cayaaro goolafka. Maxkamadda
Nairobi ayaa sheegtay in Mohammed iyo Mansour looga shakiyay xiriir in ay la
leeyihiin shabakad argaggixiso oo qaraxyo ka qorshaynaysay Mombasa iyo Nairobi.
Labada ninba si joogto ah ayay u dafireen dacwadaha.
Haseyeeshee
bilayska Kenya ayaa ku adkaystay go’aankooda ah in ay xiraan ayna soo dacwad
joojiyaan labada Iiraaniyiinta ah.
Afhayeenka
bilayska Charles Owino ayaa sheegay in bilayska aanay masabidan nimanka, amaba
aysan ku xirin tix raac ay ka heleen dowlado ajaanib ah markii xabsiga la
gaynayay.
“Bilayska
Kenya ayaa baaritaan dheer ku sameeyay labada nin, iyagoo kahor tagay jarriimo
argaggixisanimo oo weyn oo ka dhici laheyd dalka,” ayuu yiri Owino. “Waxaan ku
faraxsanahay in aan feejigneyn, iyo in aan si guul leh ku maxkamadaynay
dacwadan.”
Markii
Mohammed iyo Mansour lagu xukumay xabsi daa’in 6-dii Maajo, ayay warbaahinta
maxalliga ah iyo tan caalamiga ahba wariyeen in labada Iiraaniyiinta ah ay ka
mid ahaayeen Ciidamada sare ee Quds, oo ah unug ka tirsan Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ee Iran oo dibadda ka howlgala.
Boorama:
Laba waddo oo cusub oo la furay
Wasiirka
arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa
maanta xarrigga ka jaray laba waddo oo laami ah oo laga dhisay magaalada
Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isagoo sidoo kalena dhagax dhigay waddo kale.
Waddooyinka
uu wasiirku xarrigga ka jaray waxaa dhismahooda iska kaashaday hay’adda DIA ee
Maraykanka iyo dowladda hoose ee magaalada Boorama, halka waddada la
dhagax-dhigayna ay dowladda hoose la kaashan doonto shacabka xaafadda Sheekh
Cali ee magaalada Borama.
Wasiirka
arrimaha guduha oo maalintii saddexaad socdaal ku jooga caasimadda gobolka
Awdal ee Boorama ayaa sidoo kale kormeeray dhismayaal cusub oo gacanta lagu
hayo, kuwaas oo ay ku jiraan garoonka kubbadda cagta iyo saldhig ciidanka
booliska loo dhisayo.
Wasiirka
wuxuu warbixino ka dhegeystay ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdi Nuur
Sugaal iyo guddoomiyaha golaha -deegaanka ee degmada Boorama Saleebaan Xassan
Xaddi.
Dhinaca
kale, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Nuur Carraale
wuxuu kulan la yeeshay madax dhaqameedka gobolka qaarkood, isagoo kala hadlay
xoojinta arrimaha nabadgelyada ee gobolka Awdal.
Ciidamada
DF & kuwa Raaskamboni oo ku dagaalamay Kismaayo
Wararka
naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in maanta ay ka
taagantahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa oo u dhaxeysa ciidamada Raaskambooni
iyo kuwo taabacsan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in mararka qaar
magaalada gudaheeda laga maqlayo rasaas teelteel ah oo dhaceysa.
Sida
warku sheegayo ciidamada Maamulka Jubbaland ee Raaskambooniyiinta iyo kuwa
taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa maanta dhexmaray isku dhac, waxaana la
sheegay inay dhufeyso waa weyn ka sameysteen gudaha magaalada taas oo dadka
deegaanka cabsi xoogan ku abuurtay, isla markaasna ku dhalisay inay barakac
bilaabaan.
Warku
wuxuu intaasi ku darayaa in xiisadda ka taagan Kismaayo ay timid ka dib markii
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi
{Indha qarshe} loo diiday inuu galo magaalada, halka wafdigii Xildhibaanada
ahaa ee magaalada ku sugnaaba iyana loo diiday inay ka tagaan magaalada, isla
markaasna loo sheegay inaan ammaankooda la sugi-karin, sidoo kalena aysan ka
bixi Karin gudaha Kismayo.
wararka
qaar ee ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ammaanka Xildhibaanada ee
ku sugan Hotel ku yaala Kismaayo ay la wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo
ciidamadan la sheegay inay ka careysanyihiin sababta Abaanduulaha ciidamada
loogu diiday in magaalada uu galo, waxayna dhufeysyo ka sameysteen ciidamada
taabacsan dowladda Soomaaliya meelo ku dhow xarimaha ciidamada ururka
Raaskambooni ay ku leeyihiin gudaha magaalada Kismaayo, taas oo keentay inay
dhexmartay israsaaseyn aan muddo badan socon.
Si
kasta oo ay ahaataba magaalada Kismaayo oo uu ka jiro muran ku saabsan dhanka
maamulka oo ay isku heystaan hadda Madaxweynayaal dhowr ah ayaa haddana waxaa
soo shaacbaxday gacan ka hadalkan aan buurneyn ee dhexmaray ciidamada dowladda
Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskambooni, wuxuuna dagaalkan uu ku soo aadayaa
iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inaysan wax ciidan ah ka joogin gudaha
magaalada Kismaayo, ciidamada joogaana ay yihiin kuwo qaab qabiil u abaabulan.
Masuuliyiinta
Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay
heshiiskii Dowladda Soomaaliya dhawaan ay kuwada gaareen Gobalka Gedo.
Afhayeenka
Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya Sheekh Maxamed
Xuseen Isxaaq “Al Qaadi” ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay
dhaqangelinta heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ee Gobalada
Koonfureed ay kuwada saxiixdeen Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo.
Wuxuu
sheegay inaysan garaneyn sababta ka dambeysa dhaqangelin la’aanta arinta la
xiriirta heshiiskii Dowladda ay wada gaareen balse wuxuu dusha uga tuuray
Dowladda Soomaaliya inay ka gaabisay arintaasi.
Afhayeenka
ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay madaxda Dowladda Soomaaliya balse ay ugu
jawaabeen in la dhaqangelinayo heshiiskaasi balse ilaa iyo iminka wax
dhaqangalay uusan arkin.
Heshiiskii
ay wada gaareen Dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhanka Dowladda waxaa usaxiixay
Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya halka Ahlusuna dhankeedana uu saxiixay
Afhayeenka Ururkaasi.
Waxgarad
iyo Siyaasiyiin taageeray War murtiyeedkii IGAD
Siyaasiyiin
odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa Maanta
ku kulmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaana si buuxda
ay u taageereen War murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD kaasi oo
dhigayay in dowladda Soomaaliya ay shir weyne Muqdisho ugu qabato Beelaha dega
Gobollada Jubbooyinka.
Nabadoon
Max’ed Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka
ayaa Shabelle u sheegay in ay taageerayaan War Murtiyeedkii ka soo baxay Urur
Goboleedka IGAD ee ku aadan arrinta Jubbooyinka.
Nabadoonka
ayaa sheegay in beelaha dega Jubbooyinka ay u baahanyihiin in loo fidiyo gogol
Nabadeed markaasi kadibna loo sameeyo Maamul ay u dhanyihiin.
Sikastaba
Kulan Madaxeedkii IGAD ayaa waxaa go’aanadii ka soo baxay ka mid ahaa in
dowladda shir Maamul loogu dhisayo Jubbooyinka qabato.
Ciidanka
AMISOM oo howlgal ka sameeyay degmada Madiina
Ciidamada
Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) oo kaashanaya ciidanka booliska Soomaaliyeed
ayaa xalay waxay howlgal dhinaca ammaanka ah ka sameeyeen degmada Madiina ee ka
tirsan gobolka Banaadir.
Muddadii
uu howlgalka socday, ciidanka ayaa isku gadaamay xaafadaha ay ka kooban tahay
degmada Madiina.
Howlgalka
waxaa lagu qabqabtay dhallinyaro badan oo ku nool degmada, kuwaas oo lagu
sameeyay baaritaan lagu ogaanayo inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab.
Ciidamada
AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa in dhowaaleba labo jibbaaray howlgallada lagu
adkeynayo ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib markii ay kordheen
falalka ka dhanka ah ammaan darrada ee inta badan ay gaysato kooxda al-Shabaab
ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.
No comments:
Post a Comment