Tuesday 28 May 2013

Sheekh Xasaan Xuseen: waa in nolosha la dhaafiyaa ragga khilaafka ka dhex wada alshabaab



Nairobi(RBC Radio) Sheekh Xasaan Xuseen Adaan  oo kamid ah wadaadada taageera  afkaarta ururka Alshabaab oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku baaqay in la dilo dad uu sheegay iney khilaafaad ka dhex wadaan gudaha ururka alshabaab,wuxuuna kula taliyey hogaanka alshabaab iney iska qabtaan kuwa kala qaybinaya sida uu tilmaamay.
“Mujaahidiinta maalmahan waxaa ka dhax socdaa la yiri khilaaf, Ninka khilaafka wada degalka halaga rido oo hala dilo, Jihaad socda Nin qeybinaya adduunka in la dhaafiyo ayaan qabaa haddii xal kale loo waayay” sidaasi waxaa yiri Sheekh Xasaan Xuseen Aadan.
Xasaan Xuseen ayaa si kulul u weeraray hogaamiyaasha kale ee ka tirsan alshabaab ee kasoo horjeeda hogaamiyaha ugu sareeya alshabaab Axmed Cabdi Aw-godane wuxuuna markale yiri” ragga kasoo horjeeda hogaamiyaha Alshabaab waa kuwo wada mas’alo ijtihaadi ah oo aysan hayn mas’alo sharci ah”
Sheekh Xasaan ayaa dadka ku dhiirigaliyey iney aadaan dagaalka ka socda Soomaaliya oo uu  ku tilmaamay inuu yahay Jihaad sida uu aaminsan yahay  “Ninkii Jihaad doonaya xabbad baa Soomaaliya ka socotee qorigiisa ha qaato oo ha shahiido maxaad ula meeraysanaysaa amiirbaa sidaa yiri iyo wax aan loo joogin” ayuu Sheekh Xasaan Xuseen oo ka mid ah wadaadada sida weyn u taageersan fikirka alshabaab.
Alshabaabka Soomaaliya ayaa waxaa xiligan ka dhex oogan khilaaf weyn oo marba marka ka danbeeya soo ifbaxaya kaasoo ay siyaabo kala duwan ay uga hadleen hogaamiyaasha alshabaab,kuwaas oo intooda badan dhaliilsan hogaamiyaha ugu sareeya ee alshabaabka Axmed Godane

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...