Thursday 9 May 2013

Somalia - Wararkii maanta


Nairobi: Nin Soomaali ah oo lagu waayay argagixisannimo
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay xorriyadiisii dib ugu celisay nin Soomaali ah oo loo haystay eedo la xiriira weerar bambo oo 16-kii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalidu ku badan tahay.
Garsoore Kiarie Waweru Kiarie ayaa sheegay in uu boolisku ku guuldarraystay in uu maxkamadda hor keeno caddeymo la xiriira eedda loo haystay ninka oo lagu magacaabo Maxamed Jeylaani Maxamed.
Booliska ayaa xiray Maxamed Jeylaani wax yar kaddib markii uu qarax bambo ka dhacday Buffallo Guest House oo ku yaalla agagaarka masaajidka Al-Amiin oo ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Garsooraha maxkamadda Kiarie Waweru Kiarie ayaa amray in la sii daayo Maxamed.
 XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo is-beddel ku sameyn doona DFS iyo shaqsiyaad xilalkooda weyn doona
Muqdisho (Caasimda Online) - Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa qorsheenaya is-beddel weyn oo uu ku sameeyo xukuumadda uu hogamaiyo ra’iisul wasaare Saacid, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Ilo-Wareedyo ku dhow madaxtooyada Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in marka madaxweynuhu kasoo laabto London, shaqada ugu horeysa ee uu qaban doono ay tahay isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada iyo ballaarintooda.
Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa doonaya in tirada golaha wasiirada la kordhiyo lana gaarsiiyo ilaa 18, si beelo badan loo qanciyo, islamarkaana jahwareer jira meesha looga saaro.
Jahwareerka ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenada iminka jira oo shaqadooda ay ka wareertay, maadama wasaarado badan la isku qabtay.
Isku shaandheynta ayaa waxaa qeyb ka noqon doono in wasirada qaarkood ay xilka waayaan, halka qaar kalena ay boosaska ku kala wareegi doonaan, xilli wejiyo cusubna lagu soo biirin doono.
Inkasta oo shaqadan ay tahay tan ra’iisul wasaare Saacid, haddana madaxweynaha ayaa sida la sheegay kala hadli doona, waxaana tirada 18-ka wasiir ah ay tahay middii markii hore uu doonayay Saacid, sidaa darteedna uusan waxba ka qabi doonin.
Is-beddelka ayaa waxaa sidoo kale uu saameyn doonan xarunta madaxtooyada oo la sheegay in shaqsiyaad badan ay ka bixi doonaan, kuwa cusubna ay iman doonaan.
Waxaa kale oo aan xog ku heynaa in maamulka gobolka Banaadir is-beddel lagu sameyn doono, ayada oo ay u badan tahay in guddoomiyaha iyo duqa magaalada la kala qaado.
Ciidamadii Gadoodka ahaa ee Xalay La Wareegay Dekadda Boosaaso oo Dib Uga Noqday Dekadda
Ciidamadii xalay la wareegay dekadda magaalada Boosaaso iyo goobo kale oo muhiima oo kamid yahay garoonka diyaaradaha ayaa saakay aroortii laga saaray dhamaan gooobihii ay xalay la wareegeen,
 Wararka allsomalia.com kasoo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamadii gadoodka ahaa lagu guuleystay in laga wareejiyo dekadda iyo goobaha kale ee xalay qabsadeen.
 Gadoodka ay sameeyeen ciidamadan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ay ka cabteen inaysan in muddo ah qaadan wax mushaaraad ah iyo sidoo kale in mushaarkii ay qaadan jireen laga dhimay lacago.
AMISOM oo deeq gaarsiisay ciidanka dowladda ee Hiiraan
Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa deeq isugu jirta dhar iyo kabo wuxuu maanta guddoonsiiyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan.
Xaflad loogu talagalay wareejinta deeqda, oo lugu qabtay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyne iyo saraakiisha AMISOM.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in deeqda ay ka timid madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu talagalay inuu ku abaal-mariyo ciidanka dowladda ee uu fadhigoodu yahay xerada Lamagalaay kaddib markii uu ka war helay guulaha ay gaareen.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadlay xafladda ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jabbuuti taageerada uu had iyo jeer la garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalay Khudbad Dheer u Jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee London
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa magaalada London ee xariga Ingiriiska ayaa xalay khudbad dheer u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.
 Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ku booriyay inay ka shaqeeyaan hormarka dalka.
 Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu shaqooyinkiisa koowaad ay tahay sidii u mideyn lahaa umadda Soomaaliyeed.
Tarsan oo Xalay La Hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee London
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee ku sugan magaalada London ayaa xalay hadal ka hor jeediyay jaaliyada UK.
 Tarsan ayaa hadalkiisa uga hadlay amaanka gobolka Banaadir iyo hormarada ka socda magaalada Muqdisho waxuuna sheegay inay hormar wanaagsan laga gaaray dhinacyo badan.
 Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inay talaabooyin badan ka qaadeen dhanaca amaanka magaalada Muqdisho waxuuna Tarsan sheegay in haatan amaan wanaagsan uu ka jiro magaalada Muqdisho.
Taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda oo xilka la wareegay
Taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
Taliyaha cusub ee hay’adda nabad-sugidda qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta xilkii kala wareegay taliyihii KMG ahaa ee nabad-sugidda Cabdikariin Xasan Daahir.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii March si ku-meel gaar ah xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka ugu magacaabay Cabdikariin Xasan Daahir kaddib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee hay’adda, Axmed Macallin Fiqi.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha cusub ee booliska General Cabdixakiin Daahir Saacid, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Taliyaha cusub ee hay’adda General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyn doono hay’adda nabad-sugidda.
Bashiir Goobe wuxuu sheegay in shaqaalaha hay’adda lagu qiimayn doono heerarka darajadooda iyo waxqabadkooda.
Wuxuu u mahadceliyay taliyihii hore ee hay’adda Axmed Macallin Fiqi oo is casilay dabayaaqadii March, saraakiisha iyo shaqaalaha hay’adda, isagoo rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono howsha loo igmaday.
Taliyaha muddada koobneyd xilka hayay, Cabdikariin Xasan Daahir oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono taliyaha cusub si hay’adda ay u gudato howlaha adag ee hor yaalla.
Labo weriye oo ka tirsanaa warbaahinta al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda
Labo weriye oo ka tirsanaa shaqaalaha Raadiyow Andalus ee ku hadla afka kooxda al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka ammaanka ee degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo.
Labada weriye oo lagu kala magacaabo Cabdikariin Jakarta iyo Aways Cumar Cali ayaa ka howlgeli jiray idaacadda Andalus laantii ay ku lahaan jirtay magaalada Baydhabo ka hor intii aan lagala wareegin magaalada.
Isa soo dhiibidda weriyeyaasha waxaa fududeeyay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka dowladda ee Baydhabo.
Labada weriye ayaa ka hor inta aaney isa soo dhiibin waxay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen degmada Buurhakabo oo ay soo gaareen, waxaana haatan lagu hayaa saldhigga magaalada Baydhabo.
Waxaa lagu wadaa in dhowaan maamulka Baydhabo uu saxaafadda u soo bandhigo weriyeyaasha ka soo goostay kooxda al-Shabaab.
Waa markii ugu horreysay oo weriyeyaal daacad u ahaa kooxda al-Shabaab ay soo goostaan. Ma jirto cid ka tirsan al-Shabaab oo ka hadashay isa soo dhiibidda weriyeyaasha.
Maamulka Caabud-Waaq oo Sheegay Inay La Kulmeen R/wasaare Saacid
Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadda Caabudwaaq ee dowladda Soomaliya ayaa Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon Saacid.
 Madaxa arimaha bulshada maamulka dagmadda Cabudwaaq ee dowladda fadraalka ah ee Somaliya Khaliif  Cabdi Samad Cali (Khaliif  Karinley) oo maal mahanba howlo shaqo ay ujoogeen asaga iyo Gudoomiye ku xigeenka dagmada Cabudwaaq Gacal Cali Jabiin  magaaladda Muqdisho ayaa kulan la qaatay R/Shirdoon.
 Gudoomiye ku xigeenka dagmada Cabudwaaq Gacal Cali Jabiin  ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulan ay la qaateen Ra’iisul wasaaraha Soomaliya.
Gacal Cali Jabiin   ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaaraha ay kawada hadleen arimo dhowr ah, waxaana uu sheegay in qeyb ka heyd waxqabada maamulka degmada Caabud waaq ee muda uu dhisnaa ee bilooyinka ah.
 R/wasaaraha ayaa safaradii uu ku tagay gobolada dalka qeybo kamida waxa uu ku tahay magaalada Caabud-waaq waxuuna balan qaaday inuu la shaqeyn doono maamulkaasi
 Madaxweynaha oo soo gabagabeeyay shirkii looga hadlayay hormarinta ganacsiga Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa magaalada London ku soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay ganacsiga Soomaaliya waxaana shirka ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibada, wasiirka ganacsiga, ganacsato iskugu jirtay  Soomaali iyo Ajaanib.
 Shirkan oo looga hadlayay hormarinta Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa hadal ka jeediyay madaxweynaha dalka Mudane Xasan Shiiq Maxamuud waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed 10-kii sano ee u dambeysay ay ku talaabsadeen hormar dhanka ganacsiga ah.
 Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda ay baarlamanka horgeyneyso sharciyada maaliyada, ganacsiga iyo qeyraadka dalka.
 Waxa uuna intaasi ku daray in dalka haatan uu yahay mid amaan ah ayna jiraan fursado maalgashi oo banaan isagoona ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan dalkooda hooyo.
 Sidoo kale R/wasaaraha ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan ayaa xustay in  ay jiraan Soomaali badan oo maalgashi ku sameysan dalka, waxa ayna ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku daysadaan ganacsatada maalgashada dalka.
 Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay aburaan ganacsiyo kala duwan si ay maalgashi ugu sameyeen dalka.
 Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleeymaan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa qeexay in dowladda ay ka baxday KMG ayna ku howlantahay sidii ay u sameyn laheyd hormar kala duwan.
Ciidanka DF oo wajahaya rasaas la’aan baahsan iyo cabsi jirta
London (Caasimada Online) - Ciidamada dowladda Somalia, ayaa wajahaya rasaas la’aan baahsan, Caasimada Online ayaa sidaas ku warrameysa.
Wasiirka gaashaandhiga Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in ciidaamda xooga dalka Somalia aysan xitaa helin “hal xabbad oo rasaas ah”, inkasta oo ay jirto in Golaha Ammaanka ee QM uu Somalia ka qaaday xayiraadii hubka.
Cabdi Xakim Fiqi oo ka hadlayay magaalada London, ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Somalia ay ku talo jiraan inay tababaraan 28 kun oo askari, saddex sano gudahood, hase yeeshee taasi ay gadaal u dhigeyso lacag la’aan heysa dowladda.
“Xayiraaddii hubka waxaa la qaaday laba biloood ka hor, welin ma aynan helin hal xabbad, xitaa hal qori oo AK-47 ah, sababtoo ah lacag la’aan” ayuu Fiqi u sheegay machadka gaashaandhiga daraasa ee London ee Royal United Service Institute.
“Afartii bilood ee ugu dambeysay ciidamadeena gadaal ayay u guranayeen waxbana ma aysan sameeneyn. Waxaa la dagaalamaya Al-Shabaab, oo soo weeraray. Ciidamada Dowladda iminka waa difaac kujir kaliya, hub la’aan iyo xabadola’aan darteed” ayuu yiri Fiqi.
Ciidamada Dowladda Somalia ayaa iminka ka kooban kaliya dhowr kun, hase yeeshee waxaa qorshuhu yahay in saddex sano gudahood lagu gaarsiiyo 28 kun.
“Qorshaha Xasilinta ammaanka dalka waxaa ku qeexan 28 kun oo askari muddo saddex sano gudahood ah” ayuu yiri Fiqi, oo qiimaha ku bixi doona dhismaha ciidanka intaas la eg ku qeexay 160 milyan oo dollar.
Waxaa jirta cabsi xoogan oo haddii sidan rasaas la’aantu usii heyso ciidamada dowladda Somalia laga yaabo inay ka baxaan goobaha ay iminka joogaan dalka Somalia.
 TURKEY: Wax xiriir lama yeelaneyno maamul goboleed aan soo marin DF
Dowladda Turkiga ayaa caddeysay siyaasadeeda ku aadan dalka Somalia iyo la macaamilkeeda maamul goboleedyada ka jira dalka Somalia.
Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Ahmet Davutoglu oo ka hadlay shirkii Talaadadi ka dhacay London, ayaa sheegay in Turkiga uusan wax macaamil iyo xiriir ah la yeelaneyn maamul goboleeda aan dowladda Somalia soo mrin.
“Waa lagama maarmaan in maamul goboleedyada ay xushmeeyaan kana dambeeyaan dowladda dhexe” ayuu yiri
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay inuu Wadahadallo la furayo Mucaaradka Dalkiisa iyo Mucaaradka oo ka hadlay
 Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la furo wadahadallo mucaaradka dalkiisa, iyadoo kooxaha mucaaradka ahina ay ka jawaabeen hadalka madaxweynaha.
 Geelle ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay ee BBC-da, isagoo si kooban uga hadlayay shrikii London ee yabooha dhaqaale loogu raadinayay Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaalida la caawinayo, balse laga doonayo iyaga inay isku tashtaan oo ay dalkooda dib u dhistaan.
 “Wadahadal ayaan la billaabaynaa mucaaradka, wadahadalkaasna wuu sii socon doonnaa, qof walbana xor ayuu u yahay inuu yiraahdo dowladda ayaan mucaaradayaa, laakiinse uma arko taasi inay tahay mid nakala kexeynaysa,” ayuu madaxweyne Geelle ku yiri warkiisa.
 C/raxmaan Boorre oo ka mid ah mucaaradka dalka Jabuuti oo isguna BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in madaxweynaha Jabuuti uu xilka isaga dago maadaama uu muddo dheer soo shaqeynayay wanaagna uu dalka u soo qabtay.
 “Waxaan fiicnaan lahayd inuu iska nasto madaxweynaha maadaama uu muddo dheer soo shaqeynayay, mana ahan wax wanaagsan inuu dastuurka dalka bedelo oo uu ka dhigo mid iska furan,” ayuu yiri Boorre oo arrintaas ku sheegay inaysan lahayn xad u go’an inta jeer ee uu madaxweynuhu xilka isku soo sharrixi karo.
 Boorre oo ganacsade weyn oo dalka Jabuuti si weyn looga yaqaan haddana ka mid ah mucaaradka dibad-joogga ah.
Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia oo ku Dagaalamay Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
 Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay gallabta dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobolka iyo ciidammo ka yimid jiidaha hore ee dagaalka, kuwaasoo dhawaanahan kusoo qulqulayay gudaha degmada, waxaana maamulku uu ku eedeeyay ciidamadan inay ku kacaan falal ay shacabka ku dhibaateynayaan oo uu ka mid yahay dhaca.
 Dagaalkaas waxaa ku dhintay laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray, Bashiir Dheere iyadoo la sheegayo inay dhowr qof oo ku dhaawacmay dagaalka la geeyay isbigtaalka Baydhabo.
 Ciidamada diiddan inay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimaadeen ayaa waxay sheegeen inaan wax mushaar ah la siin dhowr bilood ayna baahi awgeed u joogi waayeen furumaha dagaalka, ayna door bideen inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhabo.
 Maamulka degmada Baydhabo ayaa maalmahan waxaa lasoo gaarsiinayay cabashooyin kaga imaanaya dadweynaha, kuwaasoo ku saabsan dhac ay u geysanayaan ciidamada imaanaya magaalada, taasoo sababtay inay maanta maamulku qaadaan tallaabo lagaga hortagayo falalka ay ciidamadaas u geysanayaan shacabka.
 Dhawaan ayay ahayd markii ay nabadoonnada Digil iyo Mirifle iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan ay si wadajir ah u soo saareen go’aan ah in askarigii ka yimaada furmaha dagaalka hubka laga dhigo, hadduu diidana lala dagaalamo, iyadoo taasi ay keentay inay maanta ku dhintaan dad shacab ah iskahorimaad u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...