Isbitaalka Baydhabo oo
qalab iyo dayactir loo codsaday.
Maamulka KMG ah ee gobolka
Bay ayaa u soo jeediyay hay’adaha samafalka iyo qurbajoogta Soomaalida ah in ay
gacan ka geystaan qalabeynta iyo dayactirka isbitaalka guud ee magaalada
Baydhabo.
Guddoomiyha maamulka KMG
ah ee magaalada Baydhabo Cabdi Aadan Goosow oo maanta booqday isbitaalka ayaa
ku dhaliilay qurbajoogta ka soo jeedda gobollada Baay iyo Bakool in ay ka
gaabisay wax ka qabashada xaaladda isbitaalka.
Cabdi Aadan Goosow ayaa
sheegay in uu horay u diray codsi kan oo kale ah, balse aysan jirin cid ka soo
jawaabtay.
Isbitaalka Baydhabo waa
kan keliya ee ugu weyn gobolka Baay.
Dhowaaan ayaa maamulka KMG
ah ee magaalada Baydhabo wuxuu raashin u qoray bukaannada danyarta ah ee ku
jira isbitaalka Baydhabo.
Ciidanka ammaanka Jowhar
oo sii daayay guddoomiyaha guddiga samata-bixinta.
Guddoomiyaha guddiga
samatabixinta gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Barrow Acraabi ayaa goor dhoweyd
la sii daayay, kaddib markii ay maanta xireen ciidamada ammaanka ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha
Dhexe.
Taliyaha saldhigga
booliska degmada Jowhar Cabbaas Qooble ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in la soo
xiray Axmed Barrow Acraabi oo ah guddoomiyaha guddiga samatabixinta ee gobolka,
kaddib markii ay saldhiga soo gaartay cabasho la xiriirta fal musuqmaasuq ah.
Taliyaha ayaa sheegay in
cabashada ay u soo gudbiyeen qaar ka tirsan dadkii ay waxyeelladu ka soo
gaaartay daad ku fatahay deegaannadii ay ku noolaayeen, kuwaasoo sheegay in aan
la siinin kaarar ay ku heli lahaayeen raashin mucaawimo ah, kuna andacooday in
hawsha kaar bixinta loo fulinayo hannaan
uu ku jiro musuqmaasuq.
Ma jirto cid kale oo
xarigga Barrow ka hadashay marka laga reebo xaqiijinta taliyaha saldhigga
booliska Jowhar oo sheegay in mas’uulkaasi
uu xiran yahay.
Dowladda Ingiriiska oo Ka
Hadashay Sababaha Uhurra Kenyatta Uga Qeyb Galayo Shirka London
Dowladda Ingiriiska ayaa
ka hadashay sababaha madaxweynaha kenya Uhurra Kenyatta uga qeyb galayo shirka
Soomaaliya uga furmaya dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.
Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa lagu
sheegay in madaxweynaha Kenya looga yeeray magaalada London si uu uga qeyb galo
shirkaasi.
Masuul u hadlay wasaarada arimaha dibada
ingiriiska ayaa sheegay in Kenya ay daris la tahay Soomaaliya sidoo kalena
ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ku howlgallo magaca Amisom
sidaasi darteedna loogu yeeray madaxweyne Uhurra Kenyatta.
Waxa uu noqonayaa
safarkisii ugu horeeyay oo uu ku tago mid kamid ah caasimadaha wadamada reer
galbeedka waxii ka dambeeyay doorashadiisa bishii March, waxaana dowlada
Britain iyo dowlado kale ay sheegeen ka hor guushiisa inay la shaqeyn doonaan
cid walbaa oo hogaanka Kenya qabato.
Shirka London ee lagu wado inuu dhaco mishan
ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madax ka kala socota wadamada
caalamka gaar ahaan madax ka socota Afrika.
Madaxda dalalka ku bahoobay IGAD oo ka
hadlay arrinta qaxootiga Soomaalida.
Madaxda waddamada
Urur-goboleedka( IGAD) oo shalay ku shiray magaalada Addis Ababa ee dalka
Ethiopia ayaa isku raacay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool waddamada
deriska dib loogu celiyo dalkooda.
Madaxda ayaa ka wada
hadlay in si nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caaalamiga dib dalkooda loogu
celiyo qaxootiga Soomaalida ah, iyadoo qorshahaas ay qeyb ka yihiin qurba
joogta Soomaaliyeed iyo hay’adda Qaramada
Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo xubnaha beesha caalamka.
Madaxda IGAD ayaa sheegay
in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dib u soo celinta nabadgelyada
ayna la wareegtay gobollo horey ugu
jirtay gacanta maleeshiyada al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in taas ay horseedi
karto in la helo deegaanno dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool
waddamada deriska.
Boqollaal kun oo qaxooti
Soomaaliyeed ayaa ku nool 20-kii sano ee la soo dhaafay xeryo qaxooti oo ku yaalla waddamada deriska
kuwaasoo ka soo cararay dagaalladii dalka ka dhacay.
Soomaaliya oo lix bilood
Kadib Guul Taariikhi ah U soo Hoyatay
Wasiirka arimaha dibada
Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay
guul lataaban karo kala soo laabatay shirkii IGAD ee Addis Ababa ka dhacay.
“Lix bilood ayaan soo wadnay dadaalka ah in
Soomaaliya loo madax baneeyo arimhaheeda oo ogu danbeyn lagu guuleestay shalay”
Foosiyo ayaa ku faantay.
“7-da dal ee IGAD waa isku raaceen in
Soomaaliya ay arinteeda iyadu u madax banaantahay oo cid ku fara gelineysa
aysan jirin. Taageerana lagu siiyo Soomaalida sidii ay ugu guuleysan laheyd dib
u dhiska dalka”, intaa wsiirka ayaa ku dartay hadalkeeda.
Wasiirka arimaha dibada
Soomaaliya ayaa hadalkaan shaacisay maanta kadib markii wafdi ay kamid tahay oo
madaxweynaha Soomaaliya uu hor kacayay ay dalka ku soo laabteen kadib shirkii
ay shalay uga qeyb galeen shirkii Addis Ababa ee IGAD ay lahaayeen.
Dowlada Soomaaliya ayaa waayihii danbe waxa ay
dadaal ugu jirtay qaabkii ay isaga hor wareejin laheyd go’aan urur gobaleedka
IGAD ay qaateen oo ahaa in maamulada dalka ay iyagu sameyntooda saameyn ku
yeeshaan.
Ciidamada dowlada oo la
wareegay mid kamid ah degmooyika ugu muhiimsanaa koofurta Soomaaliya
Ciidamada dowlada
Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heyta degmada Tiyigloow ee gobalka Bakool
kadib dagaal halkaasi ay ku qaadeen
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in
deegaankaasi ay meleteriga Soomaaliya gacanta ku dhigeen kadib weerar
qorsheysan oo Shabaabka looga saarayay iyada oo habeenkii xalay ahaa Tayiglow
gacanta dowalda Soomaaliya ay ku hoyatay afar sano kadib.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka
howlgalo balaaran ka kabilaabay degmada Tiyeglow iyo tuulada Moora-gaabay oo ka
tirsan gobolka Bakool, waxaana wararku intaa ku darayaan in dadka deegaanka oo
aad ugu faraxsan gaaritaanka ciidanka dowlada ay hanbalyeynayaan ciidanka
qalabka sida.
Maxamed Macalin Axmed oo
ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Bokool ayaa Shabakada Allsomalia.com u sheegay in dagaalkaas Shabaabka qasaare ka
soo gaaray inkasta oo Shabaabkuna ay waraahinta afkooda ku hadasha ku daabaceen
in ay dowlada ciidamadeeda qasaara ku gaarsiiyeen.
Degmada Tiyeglow oo 90 KM magaalada Xudur ka
xigta dhanka Hiiraan ayaa waxa ay aheyd degmo Muhiim u ah cid kasta oo gacanta
ku heysa waxa ayna dhabar jab ku tahay la wareegitaankeeda kooxda Shabaab oo
waayihii danbe lumineysay deegaanno fara badan oo koofurta soomaaliya dhaca.
IGAD oo guddi u saaraysa
arrimaha Kismaayo
Urur-goboleedka IGAD ayaa
guddi qiimeeya u saaraya arrimaha gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada
Kismaayo.
War-murtiyeed ay shalay
madaxda waddamada IGAD ka soo saareen shir aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen
magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay inay go’aansadeen in
guddi loo saaro magaalada Kismaayo, waxaana guddiga la sheegay inuu hoggaamin
doono xogayaha fulinta ee ururka.
Guddiga oo sidoo kale ay
xubno ka noqon doonaan wafuud ka socota dalalka IGAD iyo saraakiil dowladda
Soomaaliya ka tirsan ayaa la sheegay inay dhisayaan kalsoonida, isla markaana
qiimeynayaan xaaladda magaalada Kismaayo.
Sida lagu sheegay
war-saxaafadeedka, guddiga ayay howshiisa noqon doontaa inay warbixin u
gudbiyaan madaxda Midowga Afrika marka uu furmo shirka AU oo bishan dhacaya.
Madaxda IGAD ayaa carrabka
ku adkeeday inay taageersan yihiin in dowladda federal-ka ah ee Soomaaliya ay
hoggaamiso xasilinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Magaalada Kismaayo waxaa
ka socda shir maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, arrintaasi oo ay
dowladda federal-ka dhowr-jeer si cad u sheegtay inaanay aqoonsan doonin
natiijada ka dhalata.
Maamul Goboleedka
Soomaaliyeed ee Puntland oo Shaaciyay inuusan ka Qeyb Galeeyn Shirka London
Maamulka Puntland ayaa
sheegay inaanu ka qaybgalaynin shirka 7-da bishan May ka furmaya magaalada
London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa
lagu sheegay in maamulka uusan casuumaad rasmi ah ka helin dhinacyada shirka,
sidaas darteedna aanay wafdi u diri doonin.
Puntland waxay sheegtay in dhambaal ku saabsan
mowqifka ay ka taagan tahay ay u gudbinayso shirka London.
“Intaa waxaa dheer,
Puntland waxay aad uga wal-walsan tahay horumarinta dastuurka federal-ka ee
kumeel gaarka ah ee ay Nairobi ku oggolaadeen saxiixeyaashii dhabbihii nabadda
(June 22-keedii, 2012), Qaramada Midoobayna ay saxiixday iyadoo damiin ah, isla
markaana ay si aqlabiyad ah ku ansaxiyeen argooyinkii qaran ee ansixinta
dastuurka.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.
Madaxweynaha dowladda federal-ka ah ee
Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan booqasho ku tagay magaalada
Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha
maamul-ka Puntland. Puntland waxay sheegtay in madaxweynaha uu ka hor-yimid
ajandeyaal ay doonaysay inay kala hadasho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Oo Wasiirka Warfaafinta Ka Gudoomay Boostadii Ugu Horeysay Ee Lasoo Diro Kadib
Ku Guuleysashada Dib U Howlgelinta Boostada
Ayadoo ay iminka si rasmi
ah u shaqeyneyso Boostada dalkeenna islamarkaana dhowaan uu ku guuleystay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya in lasoo celiyo adeegga Boostada Soomaaliya mudo 24sano
kadib ayaa maanta Boostadii ugu horeysay ee lasoo diro kadib dib u howlgelinta
Boostada waxaa maanta lagu wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Wasaaradda
Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane
C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud Waraaqadihii Boostada ahaa ee iyagu noqday kuwii ugu
horeeyey ee lagusoo diro Boostada Dalkeenna tan iyo intii dib loo howlgeliyey
ayadoo warqadahaasina ay gaarayeen ilaa Seddax warqadood.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay markii uu warqadahaasi ka
gudoomay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu Wasiirka ku ammaanay dadaalkii
faraha badnaa ee keenay in lagu guuleysto islamarkaana dib loo howlgeliyey
Boostada Dalkeenna mudo 24sano kadib waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ku booriyey Wasiirka Warfaafinta inuu sii wado dadaalladiisa hagar
la’aaneed ee uu ugu jiro dib usoo celinta adeegyadii kala duwanaa ee uu dalku
lahaa burburkii ka hor.
“waa guul usoo hooyatay shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed in mudo 24sano kadib dib ay u shaqeeyso Boostadii Dalkeenna oo aan
aaminsanahay in baahi weyn loo qabay waxaana runtii jeclahay inaan aad ugu
mahad celiyo dadkii dadaalka faraha badan ku bixiyey guushaas taariikhiga ah oo
uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta waxaanna leeyahay Wasiirka sii wad
dadaalkaaga,Allena hakuugu guuleeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta
iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi
ayaa isaguna sheegay in guud ahaanba
shacabka Soomaaliyeed wixii hada ka dambeeya ay si rasmi ah u isticmaali karaan
Boostada islamarkaana ay u furantahay waxaana uu Wasiirku uga mahad celiyey
dhammaanba mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda sida ay dadaalkaasi
gacan ugu geysteen.
Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaa guul
weyn u arka talaabadii dhowaan uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta
iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge ugu guuleystay
inuu dib u howlgeliyo Boostadii Dalkeenna oo aanay iyadu shaqeyn mudadii uu
dalku burburka ka jiray
Janaale oo Xaalad
Kacsanaana Ka Jirto
Wararka ka imaanayo
degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in
halkaa manta ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa ciidamada dowladda iyo kuwa
AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kuwa Al Shabaab.
Xiisadaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib
dagaalo saacadihii ugu dambeeyay ku
dhexmaray degamadaasi ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo
Kuwa Al Shabaab.
Dhaqdhaqaaqaan dagaal ayaa waxaa laga
dareemayaa meel duleedka ka ah degmadda Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose
sida uu ku soo waramay wariyaha idaacada Mustaqbal ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dowladda Cumaan oo
Abaalmarin gudoonsiisay Madaxda Jaaliyada ee Dalkaas. Sawirro
Jaaliyada soomaliyeed ee ku dhaqan wadan kaan cumaan ayaa waxa ay
casumaad ka heshay madaxda ugu
sareysa wadan ka cumaan Waxaana lagu donsiyey abaal Marino.
Casumaadaan
loo fidiyey jaaliyada Soomaliyeed
ee ku dhaqan wadan kaan cumaan
ayaa waxaa ay dabatiil ka dib markii
11.04 .2013 ay jaaliyada
Soomaliyeed ku guulaysteen kaalinta koo
waad ee bandhigii cunooyin ka iyo hidaha
iyo dhaqan Jaaliyadaha oo ay ku kartamayeen 15-ka jaaliyadood ee ugu waa weyn wadan kan cumaan.
Munaasabadaan
ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan dadweynha jaaliyada Soomaalyeed oo kor udhafayeyy
boqolaal qof.
Munaasabadaan
loogu yeeray jaaliyad
soomaaliyeed ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyeyy Ma’suuliyin sar sare oo ay ka mid ahayeen Wasiirka arimaha Dibada cumaan yusuf
sheikh calawi iyo muxaafidka gobolka
dhufaar iyo wasiirka belediyha saraakiisha
ciidamada policeka ,iyo ,madax
kale oo ka saocday dawlada.
Sidoo kale waxaa ka so qayb galay shuyuukh waaweyn oo caanka ah magalada salaalah
Jaaliyada soomaliyeed ayaa madashaan waxaay ka soo jeediyeen khudbado
ku baxayeyy afka carabiga iyo ingiliikha waxana
soo jeediyeyy Gudoomiyaha jaaliyada soomliyeed barkhad shekeyye iyo
aqoonyahan cumlima udiinka jaaliyada soomaliyeed sida
oo kale waxay soo jeediyeen
muxadarooyin qiira geliyeyy dhamaan dadweynhihii isugu yimaaday
madashaan.
Faysal Cali waraabe”Maamul
u samaynta gobolada dalka ha looga danbeeyo Dowladda Soomaaliya”
Injiner Faysal Cali
Waraabe, Gudoomiyaha Xizbiga UCID ee Somaliland ayaa waxa uu taageero ku siiyay
dowalada Soomaaliya shirka maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
“Maamul u samaynta gobolada dalka ha looga
danbeeyo Dowladda Soomaaliya”, Injiner Faysal Cali Waraabe ayaa yiri .
Waxa uu intaa ku daray, “Dowlada waan ku
taageersanahay halka ay ka istaagtay maamulka Kismaayo. Dowladu waa ku
saxsantahay in ay maamullo gobalada u sameyso. Waxaan leeyahay qabiil waxba
laguma dhisi karo. Dowlada ayaa waxa ay xaq u yeelaneysaa masiirka dalka.
Qolada diidan ee qasaya dan gaar ah ayeey leeyihiin”.
Kulan looga hadlayay
Burcad badeeda oo Muqdisho lagu qabtay “sawirro”
Xarunta macluumaadka ka
hor-tagga burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay
daraasad ay sameysay xaruntu oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, culimo
Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Federaalka, wasiir ku
xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiilo caalami ah ku
qabatay hoteelka Jaziira Palace ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha xarunta SAPIC C/llaahi Xirsi oo
kulanka furay ayaa sheegay in dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee ay burcad badeeddu
ku hayaan dalka ay u baahan tahay in looga hortago laguna suuliyo dadaal
wadareed oo ka yimaada bulshada Soomaaliyeed, ayadoo la dhageysanayo isla
markaana lala shaqeynayo dadka deegaanka.
Taas oo horseedi doonto in burcadda badda hubka laga dhigo lana siiyo
xuquuqdooda.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah
culimada ugu caansan waddanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in falalka
burcad-badeeddu uu yahay mid xaaraam ah marka loo fiiriyo diinta Islaamka,
maadaama lagu geysanayo afduub dad, dil,
dhac hanti dadeed iyo sharaftii Soomaaliyeed oo ay dhaawaceen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in burcad-badeedda
xukunkoodu uu la mid yahay burcadda berriga, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka
waaniyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ficilladaasi.
Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga ahna mudane
ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in
burcad-badeedda sida looga hortagi karo ay sal u tahay in la dhiso ciidamado
Soomaaliyeed oo Badda ilaaliya loona helo dhaqaale, taas oo ka waxtar badanaan
doonta howl galka ay lacagta badani ku baxdo ee ay ciidamada caalamiga ahi
fuliyaan. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galayaasha kulanka uga jawaabay su’aalo ku
saabsan qaabka ay dowladdu ama bulshadu uga shaqeyn karto in la helo in biyaha
Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan lagu arag burcad-badeed Soomaali ah.
Mudane Xasan Abshir Faarax oo horay R/wasaare
uga soo noqday dalka ayaa isaguna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la helo
bulsho abaabulan iyo dowlad shaqeysa si loo gaaro hadafka ah in la dhameeyo
burcad badeednimada isagoo bogaadiyay dadaalada ay wadaan hay’adaha maxaliga ah
oo kaashanaya dowladda iyo caalamkaba.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta,
isgaarsiinta iyo gaadiidka C/shakuur Cali Mire oo kulanka hadal ka jeediyay
ayaa soo dhaweeyay shaqada ay heyso xarunta SAPIC isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay wax xun u
arkaan u arkaan burcadbadeedda si la mid ah sunta lagu shubayo badda
Soomaaliya, wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in wacyi galinta la
gaarsiiyo gobollada dalka gaar ahaan kuwa saldhigyada ay ku leeyihiin burcad
badeeddu, taas oo ay dowladdu gacan ka geysan doonto ayadoo isticmaaleysa warbaahinta
dowladda.
“Waxaa muhiim ah sidii dadka deegaanka ay
falalku ka dhacaan fariinta loo gaarsiin lahaa, taasna dowladdu gacan ayay ka
geysanaysaa ayadoo isticmaaleysa Radio Muqdisho oo la geynayo gobollada iyo
SNTV” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.
Ciidamada amaanka
Balanballe oo gacanta ku soo dhigay qof rasaas ku furay goob ay ku sugnayeen
dad shacab ah
Ciidamada ammaanka degmada
Balanballe ayaa gacanta ku soo dhigtay nin rasaas ku furay goob ay dad weyne ku
sugnayeen iyadoo rasaas taasi hal qof uu ku dhintay mid kalena uu ku
dhaawacmay.
Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada Amaanka
dagmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen
ruux rasaas ku furay goob ay dhalinyaro ku dawanayeen ciyaar, waxaana goobta ku
geeriyooday halka Ruux halka mid kale uu ku dhaawac ka soo gaaray.
Guddoomiyaha dagmada Balanballe Hareeri Xasan
Bare oo ka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen
ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii rasaasta ku furay goobta ay ku
sugnayaan dadka shacabka ah.
Waxa uuna intaasi ku daray in howlaglka ay
gacan ka siyeen ciidamada shacabka ku dhaqan dagmada, isagoona intaasi ku daray
in la soo tagayo maxkamada qofkii rasaasta furay.
Machadka Chatham House oo
London kulan u qabatay qaar ka mid ah hay'adaha samafalka ee Soomaaliya
Kulan balaaran oo ay soo
qabanqaabiyeen Chatham House oo ay ka hadlayeen madaxda hayadaha samafalka ayaa
ka dhacay magaalada London maalintii Jimcaha. Hay’adaha xogwaranka soo jeediyey
oo kala ahaa Somali Relief Development Forum oo ay magacooda ku hadleysay Raxma
Ahmed, Elman Peace and Human Rights Centre oo ay magcacooda ku hadleysay
Fartuun Adan, Wajer South Development Association oo magacooda ku hadlayey,
Caydarus Daar iyo Abdi Adan Ali oo ku hadlayey magaca isbaheysi badan oo kaalmo
ka geysta Soomaaliya ka dib markii ay heli wayeen dal ku galka wadanka
Ingiriiska.
Ugu horeyntii waxaa ka hadlay Fartuun Adan oo
ah madaxa Elman Peace and Human Right Centre. Waxay ka hadashay tariikhda dheer
ee ururkan iyo siduu mar walba ugu dhex
shaqynayey bulshada 20-kii sano ee la soo dhaafay. Waxay ka hadashay mashruuca
ay ku caawiyeen haweenka kufsiga loo geysto. Waxaa isna aad u sharaxay shaqada
ay ka qabtaan ee dhinaca waraabka, quudinta iyo caawimida dhaqaale ay ka
geystaan koofurta soomaaliya Cydaruus Daar oo ah howlwadeen ka socda hay’adda
South Wajer Development Association. Rahma Ahmed oo ku hadashay ururka Somali
Relief Development Forum oo soo jeedisay waxyaabihii ay ku soo aragtay socdaal
ay baaritaan ay ku martay Soomaliya. Waxay ka hadashay sida bulshada ay ugu
xirmeen caawimaada iyo ururada aad u soo badanaya oo shaqadoodu aad isugu dhow
dayahay. Waxaa ugu dambeyntii hadalka qaatay Abdi Adan Ali oo ka hawlgala
ururka Saferworld wuxuu ka hadlay siday muhiim u tahay in dawladdu u wajacdo
nabad ku dabaalka dalka oo ay lama huraan tahay si ay hayadha samafalku u
shaqeeyaan.
Wasiirka Arrimaha gudaha
Somaliya oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweynayay maamulka dagmada Dayniile
oo lagu qabtay dagmadaasi
Munaasabad lagu soo
dhaweynayay maamulka cusub ee degmada Dayniile islamarkaana ay ka qeyb galeen
masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu qabtay degmada Dayniile ee gobolka
Banaadir.
Xafladan soo dhaweyn maamulka dagmada Dayniile
ee gobolka banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha gudaha iyo
amaanka Qaranka, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada, xubno ka tirsan
maamulka gobolka, odayaal dhaqameedyo iyo shacab ad u badan.
Guddoomiyaha Odayasha dhaqanka Beelaha daga
Muqdisho Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dagmada Dayniile ay ku
nool yihiin shacab badan ayna u baahan tahay in laga hormariyo waxyaabaha aas
aasiga u ah bulshada si ay ula jaan qadaan shacabka kale ee ku dhaqan
dagmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale guddoomiyaha dagmada Dayniile
Xiirey Muxudiin Cumar ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dib ugu
soo celin donaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, waxa uuna ugu baaqay
shacabka ku dhaqan dagmadaasi in ay gacan ka siyaan sugida amaanka dagmada.
Ugu dambeyntii munaasabada waxaa hadal ka
jeediyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda
Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed waxa uuna tilmaamay in maamulka cusub ee
dagmada looga baahan yahay in ay fuliyaan balantii ay soo qadeen taas oo aheyd
in muddo Saddex bilood gudahood ah ay ku soo celinayaan amaanka iyo waxyaabaha
aas aasiga u ah nolosha shacabka dagmadaasi.
Dhawaan ayey aheyd markii munaasabad ay xilka
kula kala waregayeen guddoomiyaha cusub ee dagmada Dayniile iyo kii hore oo
lagu qabtay xarunta dagmadaasi kadib markii uu si rasmi ah maamulka gobolka uu
ugu magacaabay guddoomiyaha cusub.
QM oo war kasoo saartay
shirka loo qabanayo Somalia ee London
New York (Caasimada
Online) War-qoraal ah oo ka soo baxay
Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in ay u dirayaan wafdi shirka 7-da bishan
May ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wafdiga ka socda QM ayaa
la sheegay in hoggaamin doono ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Jan Eliasson iyo saraakiil kale.
Afhayeenka xoghayaha guud
ee Qaramada Midoobay Martin Nesirky ayaa warbaahinta u sheegay in Jan Eliasson
uu ka qeyb geli doono shirka London ee arrimaha Soomaaliya, oo ay si wadajir ah
u martigelinayaan dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Mr. Nesirky ayaa sidoo
kale shaaciyay in ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu khudbad ka
jeedin doono shirweynaha isagoo ku hadlaya magaca xoghayaha guud Ban Ki-Moon.
Sida laga soo xigtay
website-ka dowlada Ingiriiska ee arrimaha dibadda waxaa shirka ay ku marti
qaadeen dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska in ka badan 50 dal iyo ururro caalami ah oo ay ku jiraan
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, hay’adda lacagta Adduunka ee IMF iyo dalalka
deriska iyo saaxiibbada la ah Soomaaliya.
Shirka London aad ayaa
rajo wanaagsan looga muujinayaa, waxaana lagu wadaa in ay ka soo baxaaan
qoddobo muhiim u dowladda Soomaaliya.
Dowladda Britain ayaa
hadda billowday dar-dar xooggan oo ku aadan xiriirka ay la sameeneyso dowladda
Soomaaliya.
Dhawaan magaalada Muqdisho
waxa ay ka furatay safaaradii Britain 20-sanno kaddib, danjiraha cusub ee QM
ayaa u dhashay dalka Ingiriiska.
No comments:
Post a Comment