Wednesday 15 May 2013

Somalia - Wararkii Maanta


Odayasha Beelaha Hawiye” Ra’iisal Wasaraha Xilka Lagama Qaadi Karo”

May 14, 2013 - Waxaa Tafaftiray warkani : khaliif -

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay ka soo horjeesteen in xil ka qaadis lagu sameeyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaaya shirar gaar gaar ah oo lagu kasbanaayo Xildhibaano fara badan, si mar qura kursiga looga tuuro Wasiirka 1-aad ee Xukuumada.

 Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo  Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu cambaareeyay tallaabada lagu doonaayo, in xil ka qaadis lagu sameeyo Raa’isal Wasaarhaa.

 Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan waxba soo kordhin doonin, haddii xil ka qaadis lagu sameeyo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, dhabar jab ku yimaada Dowladda maahee.

 Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa wuxuu xusay in Ummada Somaliyeed ay rajo wanaagsan ka qabaan, Dowlad adag oo ka dhalata dalka, si wax looga qabto dhibaatada ka jirta dalka.

 Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxay siyaabooyin isku mid ah ay uga diggeen, kulamada ka soconaaya Hoteelada Magaalada Muqdisho, ee Xildhibaanada Baarlamaanka ku doonayaan, inay daaqada uga tuuraan Raa’isal Wasaare Saacid.

 Aqri magaca Sheekh caan ahaa oo aano qabiil loogu dilay gobalad dhexe ee dalka

 Magaalada Dhabad ee gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kooxo hubaysan waxa ay ku dileen Sheekh Caan ahaa oo dadku ay aad uga nexeen geeridiisa.

 Sheekha la khaarijiyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Salaan Faarax Barre sida ay ku warameen masuuliyiinta deegaanka dhibku ka dhacay oo warbaahinta lahadlay.

 Dilka sheekha ayaa goor danbe oo xalay ah ka dhacay duleedka Magaalada Dhaabd kadib markii dableey ay hoygiisa ugu dheceen xabada bandanna ay ku fureen.

 Axmed Jaamac Dhirif, Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq, ayaa daaha ka rogay in dhibkaani uu salaka ku hayo colaada hor oo ka wada dhexeysay qabiilla deegaanka kuwada nool.

 Dilka sheekhii aanada qabiil loo dilay ayaa waxa uu hor seeday in ay hub aruursi bilaabaan dhalin-yaro ku heyb ahaa oo sheegay in ay u soo aari doonaan sheekhoodii ay jeclaayeen.

 Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq ayaa dhanka kale ku waramay ay in ku howlanyihiin sidii loo qaboojin lahaa arinta oo dhib danbe looga fogan lahaa, isaga hoosta ka xariiqay in ay laxariiren Maamulka degmada Cadaado oo ay kasoo jeedaan kooxaha dilay Sheekha si arinta loo xaliyo.

Warbaahinta Muqdisho Iyo Hargiesa Oo Bananka Kenay Mu’amarad Loogu Qaarajinayo Cali Khalif Galydh

Masuulkaan oo codsaday inaan magaciisa la xusin iyo Saraakiil Sirdoona oo ka tirsan dalalka deriska,kuwa Dowladda Federalka iyo qaar ka mida Dalalka Carabta ayaa xogta uga sheekeeyay si isku mida.

 Macluumaadka ay bixiyeen oo ku saleeysan telefoono la dhageystay,goobjooganimo iyo dabagal la sameeyay ,waa sidaan:

 Wasiirada Madaxtooyadda Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland Farah Abdulkadir iyo Hersi Haji Ali ayaa Dubia kulan qarsoodiya ku yeeshay March 26, 2013 .xilligaasna wuxuu Madaxweynaha Somalia socdaal ku joogay Dalka Qatar halka Hersi uu la socday Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo Emirate-ka booqasha ku joogay.

 Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Hersi Ali Haji Hassan ayaa Wasiir Farah Abdulkadir ku yiri ” Ali Khalif Galeydh baan qaati ka joognaa,idinkana waad ka joogtaa sidaas darteed waxaa arrimaha kulankeena ugu muhiimsan inaad ninkaas khaarijisaan,waa nin qabyaaladu dilootay,waana ninka maanta Khaatuma iyo Jubaland wado”

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir ayaa ku gaabsaday”Waxaan arrinka ula tegayaa Madaxweyne Hassan sidaas darteed waxaad iga heli doontaan Jawaab”

 Masuuliyiin ay ka mid yihiin Hersi Haji Ali iyo Farah Abdulkadir kana koobnaa afar ruux ayaa 11 April 2013 ku kulmay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

 Wasiir Farah Abdulkadir ayaa u sheegay Wasiir Hersi iyo Masuulkii la socday inaysan suurtagal aheyn in Prof Galeydh lagu dilo Muqdisho ” Madaxweynaha iyo anigaba waan isla garanay in arrinkaas halis badan ka dhalan karto maxaa yeelay Indhaha Caalamka ayaa aad noogu foogan,waana la fahmayaa inaan falkaas fulinay sidaas darteed waxaan isla garanay in Nairobi lagu cuno Kaabaha”

 Wasiir Hersi ayaa yiri ” Waxaa aad noola shaqeeya Raila Odinga isaga ayaan la kaashan doonaa”

 Wasiiir Farah ayaa ugu jawaabay ” Ninkaas odaygaa ha gaarsiin arrinka maxaa yeelay nin heerkaas gaarsiisan ma yeelayo in dalkiisa qof lagu dilo maxaa yeelay dal walba wuxuu u dagaalamayaa amaanka laakiin waxaan arrimahaas u saareeynaa koox fulisa,waxaa buuxa Hitman,waa meeshii istarliin Cabdi Caruus lagu dilay,Sheekh Ibrahim lagu dilay”

 Labada dhinac waxay isla qaateen in Nairobi lagu khaarijiyo Prof Galeydh hasse yeeshee waxay xaajadu sii laba kacleeysay markii xulufo uu ka mid yahay Xildhibaan Galeydh xusul duub xoogan u galeen mooshin ka dhana heshiiskii Ankara.

 Sirtii iyo wada hadalkii dhexmaray ayey Sirdoonka Dowlado badan ka dhageysteen Hersi iyo Farah oo ku wada hadlaya ,iyo iyagoo dad kale uga warbixinaya wada hadaladii hore u dhexmaray .

 Wada hadal dheer kadib waxaa khaarijinta Prof Galeydh loo xilsaaray afar ruux oo labada Wasiir ka mid yihiin.

 Hersi Ali Haji Hassan oo beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo u dhashay iyo Farah Abdulkadir oo beesha Reer Aw Hassan u dhashay ayaa kor ka maamuli doono mishinka,waxaana fulintiisa ka shaqeeyn doona.

 1- Keyse Hassan Digaale oo ah Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Raaska Ibrahim Sheekh Isxaaq {Sanbuur}

 Keyse oo heysta baasaboor Kenyana wuxuu leeyahay Hotel lagu magacaabo Daaru-Salaam ,wuxuuna ku yaal Jidka 7 Streed ee xaafada Somalida degta Islii.

 2-Hassan Ahmed Mohamed oo loo yaqaan Hassan Waaqle ahna Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo reer Dahir.

 Ninkaan lagu magacaabo Hassan Waaqle oo Sirdoonka Somalia sheegeen inuu safaro badan ku tago Gobolada dhexe ee Somalia,Puntland iyo Muqdisho waxaa la rumeeysan yahay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag qaadista .

 Lixdii bil ee ugu dambeysay wuxuu Hassan Waaqle lacago badan geeyay gobolada Galgaduud iyo Puntland ,wuxuuna degan yahay magaaladda Burco.

 Dabagalka lagu sameeyay waxaa lagu helay Accounts fara badan oo Hassan Waaqle uu ka furtay Shirkadda Dahabshiil laakiin Keyse Hassan macluumaad dheeriya lagama helin .

 Hadii aan inyar oo ka mida Accounts-ka Hassan Waaqle ee Shirkadda Dahabshiil uu ku leeyahay idiin soo bandhigno waxaa ka mida:-

 Guddoonka Baarlamaanka oo loo gacan geliyay 15 qodob oo lagu eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Laakiin Saacid iyo shaqaalihiisa Ma seexan 2 habeen iyo Warrakii ugu dambeeyay

Sida goor dhaw oo maanta ah ay xaqiijiyeen Guddoonka Baarlamaanka ayaa  waxaa uu sheegaya in gacanta loo soo geliyay mooshankii ka dhanka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo tallaabadan ay bilow u tahay abaabul mudanayaasha baarlamaanka ugu jiraan inay ku ridaan Xukuumada uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon.

Wariye indhaha saaray qoraalka loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qodob oo muhiim ah lagu soo eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon waxaana ka mid waxyaabaha sida weyn loogu dhaliilsan yahay isagoo lumiyay awoodii Golaha fulinta oo wax walba gacanta u geliyay Madaxweynaha.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ku soo aqristo mooshinkan muddo shan maalmood gudahood, kadibna baarlamaanka uu fariisanayo, si codka kalsoonida loogu qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada wada abaabulkan ayaa u badnaa Wasiiradii xukuumadii hore iyo Xildhibaanadii horay uga tirsanaa baarlamaankii KMG, kuwaasoo waayo u joog ahaa marka ay timaado xaaladaha mooshinada oo kale.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagama seexan labadii habeen ee la soo dhaafay, waxaa ka socday kulamo iyo qorshayaal lagu kala jiidanayay Xildhibaanada, waxaana ay gaartay heer mudanayaasha beel beel loola shiro, si ay u xiisada u qaboojiyaan, inkastoo aan lagu guuleysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Nairobi uu qeyb ka yahay ololaha ka dhanka ah Xukuumada ee mooshinka laga geeyay.

Ururada Bulshada rayidka oo shirar kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo mooshinka laga wado Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid, hase ahaatee ma jirto cid dheg u dhigtay baaqooda.

Nabadoon Axmed Diiriye oo Taageero u fidiyay Seedigiisa

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay baarlamaankla Soomaaliya inay ka laabtaan mooshinka ay ka wadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Nabadoonka ayaa ehel iyo qaraabo yihiin xaaska Ra’iisal Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi iyadoo hadalkiisana loo arko nin taageero siinayo Seedigiisa.

Mooshinka Xildhibaanada ka wadeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadii maalmood soo xoogeysanayay, iyadoo Hotelada muqdisho ay ka socdeen shirar gaar gaar ah iyo abaabulo ay Xildhibaanada wadeen.

“Baarlamaanka dhibaato u joog yuu noqon waxaa ka codsanayaa walaalaheen inay joojiyaan, oo ay ka laabtaan mooshinka, eedeynta badan hala dhaafo”ayuu yiri Axmed Diiriye oo uu sheegay inuu maqlay wararka sheegaya mooshinka laga wado Xukuumada.

Ururada Bulshada rayidka oo shalay Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa war ka soo saaray mooshinkan, iyagoo ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka inay joojiyaan qalalaasaha, mooshinka ay wadaan uusan aheyn mid xaq ah.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda ugu sareysa doowlada Soomaaliya oo ku aadan warkaan ku saabsan Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid, waxaase wax walbo kala cadaan doonaan maalmaha soo aadan marka ay Xilibaanada Mooshinka wada gudoonka baarlamanka u gudbiyaan Mooshinka ay wadaan.

Ra’iisal Wasaare Saacid oo jiif yare soo wajahday, Shariif Xasan oo galgal Siyaasadeed la soo baxay iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Khaatumo oo sakiin ku noqday Xukuumada, Warbixin

Xog ku dhow guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xildhibaano kor u dhaafaya illaa 90 mudane ay isu diiwaangeliyeen olole “mooshin” ka dhan ah Ra’iisal wasare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisa kaasoo illaa hadda uu ka socdo Muqdisho.

Newsomali.com ayaa ogaatay in 100 mudane ay saxiixeen mooshinka looga horjeedo raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa kaasoo si xoog leh ay ugu soo biireen maalmihii u dambeeyay qeybo kala duwan oo ka mid ah xildhibaanada ay beelahooda ka gadoodsan yihiin wax-qeybsiga xilalka dawlada.

Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku biiray xildhibaanada ka soo jeeda Sool iyo Sanaag [Khaatumo State] oo markii hore ololahan bilaabay, waxaana la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo hoose oo ay wadaan dhinacyo taageersan mooshinka iyo kuwo ka horjeeda iyadoo dawlada lafteedu ay wado dadaal xoog leh oo ay ku kala furfureyso ololaha.

Sidoo kale xildhibaanada Jubbooyinka oo dhaliisan siyaasadda dawlada ee ku aadan dhismaha maamulka Jubbaland iyo shirka Kismaayo ayaa iyaguna geestooda ka galay ololaha socda oo ay u arkaan inuu iyaga fursad siinayo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha wada ololahan  ayaa sheegay in hadda dhinacyada ku soo biiray mooshinka ay sii kordheen, isla markaana mooshinku noqday mid irid u furay siyaasiyiin badan oo dawlada u faruuryo qaniinsanayey. Ragga sida weyn hadda uga dhex muuqda ololaha waxaa ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mudooyinkan ka maqnaa masraxa siyaasadda iyo dhowr siyaasi oo kale oo qaarkood xilal wasiiro uga soo qabtay dawladihii ku-meelgaarka ahaa.

 Ilo wareedyada waxay sheegayaan in ololaha uu ballaartay oo xitaa lagu jeediyey guddoonka baarlamaanka kadib markii Shariif Xasan sheegay in baarlamaanku yahay meesha ugu horreysa ee u baahan in ololaha lagu foorariyo ka hor inta aan loo gudbin raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa. Laakiin arrintaasi lafteeda waxay sii kala dhantaashay xildhibaanada horey u waday ololaha oo qaarkood diideen hawshan salka ballaaran.

Shariif Xasan ayaa ololihiisa si xoogan ugu adeegsaday odayaasha beeshiisa iyo xildhibaanada uu gacansaarka la leeyahay kuwaasoo wacad ku maray inay mooshinkan riixayaan illaa meesha ugu dambeysa.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo war saxaafadeed ka soo saaray Garowe maalintii Axaddii ayaa ka digay in ololahan uu sii socdo. Puntland waxay sheegtay inaan hadda loo baahneyn soo celinta isqabqabsigii siyaasadeed ee ka dhextaagnaan jiray madaxdii dawladihii ku-meelgaarka ee dalka soo maray.

Puntland waxay kaloo sheegtay in ololaha looga horjeedo raysul wasaare Saacid oo hadda 7 bilood kaliya xafiiska jooga uu kaliya luminayo dadaalkii, waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay ka bixidda nidaamka ku-meelgaarka, iyadoo aysan Puntlamd sheegtay in shakhsiyaad danahooda raadsanaya aysan ku habooneyn inay adeegsadaan baarlamaanka federaalka ah. AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA PUNTLAND

Farriinta madaxweyne Faroole waxaa sii xoojiyey ururada bulshada rayidka oo shalay kulan ballaaran oo ay Muqdisho ku qabteen ku cambaareeyay wax ay ugu yeereen “damac aan ku saleysneyn danta dadweynaha”. Xubnaha bulshada rayidka oo ay xildhibaano kale ka dhex muuqdeen ayaa ka digay inaysan ololaan doonin in dad leh ujeedooyin siyaasadeed ay xukuumadda curdanka ah ridaan

Dhankeeda wasiirada xukuumadda ee u badan kooxda Damu Jadiid iyo xildhibaanada taageersan ayaa iyaguna ku jira dagaal xoog leh oo ay kaga hortagayaan ololahan la doonayo im xukuumadda looga horyimaado. Dagaalkan ayaa si muuqata looga dareemayaa hoteekada iyo xarumaha ay degan yihiin xildhibaanada iyo wasiirada ka dhex muuqda dawlada.

Waxaase haatan ku soo biiray ololahan siyaasiyiin madax bannaan oo qaarkood lagu sheegay inay xilal doon yihiin maadaama iskushaandheyntii wasiirada ay soo dhowdahay, iyo qaar saaxiibtinimo dhow la leh dawlada sida Raysul wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo maalmahan kulamo muhiim ahaa oo isku dayey inuu ololaha ku qaboojiyo kula yeelanayey Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaanada iyo odayaasha beelaha wada ololaha ka dhanka ah xukuumadda.

Dadka siyaasadda la socda waxay leeyihiin waxaa laga yaabaa in ololaha dawlada ay dhankeeda ka wado uu noqdo tallaabada ugu haboon ee lagu kala dhantaalayo ololaha ka dhanka ah xukuumadda, maadaama ay dawlada bixineyso ballanqaadyo xoog leh oo ay ka mid yihiin inay xilal wasiiro cusub ah ku harqin doonto siyaasiyiinta ku guuleysta inay qorshaha lagu ridayo xukuumadda kala jebiyaan. Tusaale fiicana waxaa noqon kara sidii ay xukuumaddu ugu guulerysatay inay shiiqiso qeyladii ka soo yeereysay baarlamaanka bishii hore markii ay u yeereen raysul wasaaraha iyo wasiirada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo difaaca.

Hase yeeshee waxay waliba kala caddaan doonaan maalmaha soo socda, walow dad badan ay ka niyadjabsan yihiin waqtiga ku lumaya isjiidjiidkan hadda hareeyay dawlada oo ay hawlo fara badan oo amnigu ugu horeeyo ay u yaallaan.

 

 

Sheekh Shariif Sh. Axmad oo Dowlada uga Digay Kahataraha uu leeyahay Shariif Xasan Sh. Aadan.

 Madxweynihii Hore ee Dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed oo  si kooban uga hadlay Xaalda uu haatan dalku maryo ayaa Dowlada iyo Shacbka Soomaaliyeed waxa uu uga digay Siyaasadaha kharsoo ee Shariif Xasan sh.Aadan oo uu ku sheegay in uu yahay nin Halis ah.

 Muadane Shariif Sh. Axmad oo haatan ku sugan Dalka Marekanka ayaa sheegay in Shariif Xasan uu yahay Khatar ah is lamarkaana Dowladu aysan dhayalsan awooda uu uleeyahay in uu wax bur-briyo.

 “Shariif Xasan ama gudoomiye baarlamaank ha ahaado ama xildhibaan, ninkaasi waa nin culus oo siyaasadiisa aan la fahmi Karin, waxa uu doona oo kaliya ayaa soconaayo, inuu sameeyana wey jirtaa”

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa raaciye in ay wanaagsanaan lahayd rag badan in siyaasadda Soomaaliya laga saaro si aanay dalka mushkilado kale uga dhicin balse xilligaan midaas ayna suurta gal ahayn.

 Ugu dambeen ayuu sheegay in intii uu xildhibaanada ka mid yahay Shariif Xasan xilli walba uu socon doono mooshinada is daba jooga ah, iyo sidoo kale qorshooyinka la doonaayo in mar walba wax lagu bedalo.

Wasiirka duulist hawada Soomaaliland oo sheehgay in Diyaarad aan kasoo Dagi karin Dhulka Somaliland!!(Daawo Muqaal+Warbixin)

 Wasiirka duulist hawada ee maamulka Soomaaliland ayaa la sheegay inuu si kulul uga jawaabay go'aan ay heyada qaramada midoobay ay dalka Soomaaliya ugu wareejisay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha dul mara hawada Soomaaliya

Wsiirka duulist hawada ee maamulka Soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa asaga oo ay caro xoogan ka muuqato waxaa uu si kulul u canbaareeyey talaabadii ay qaramada midoobay ay ugu wareejisay hawada dalka Soomaaliya dowlada Soomaaliya wasiirka ayaa waxaa uu sheegay inaysan aqbali karin go'aankaas asagoo sidoo kalena eedeyn weyn dusha uga tuuray heyada qaramada midoobay islamarkaana ku soo rogay gebi ahaan inay ka mamnuuc yihiin inay soo fadhiistaan degaanada Soomaaliland islamarkaana ay ka dhoofaan kuwii horey ugu sugnaa garoomada diyaaradaha ee maamulka Soomaaliland islamarkaana ay hawada maamulka Soomaaliland aysan cidna kaga amar qaadanaynin oo ay ayagu sitoos ah u maamuli doonaan.

Ugu danbeyntiina iyadoo wasiirka duulista hawada ee maaulka Soomaaliland oo u muuqday mid si aad iyo aad ah uga carooday go'aankaas islamarkaana canbaareeyey ayaan waxaan la ogeyn waxa ay hayada qaramada midoobay ay ka yeeli doonto hadalka iyo cabashada ka soo baxday maamulka Soomaaliland, hadalka wasiirka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhawaantaan xaflad lagu qabtey magaalada Muqdisho ay qaramada midoobay ay ku wareejisay Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya Cabduulaahi Ciilmooge Xirsi maamulka hawada dalka Soomaaliya taas oo 22kii sano ee ugu danbeeyey laga maamulaayey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho oo xabsi ku yaala dalka Kenya ku xiran iyo Dawlada oo aanan ka war qabin !!

 Xabsi ku yaal gudaha dalka Kenya waxaa ku jira mid ka mid ah Agaasimayaashii ugu caansanaa ee soo mara Radio Muqdisho kaas oo si sharci daro ah ay u xirteen ciidamada dalka Kenya waxaana arinkiisa ka jiiftay masuuliyiinta Dawlada oo aanan warba u heenin .

 Mudo 21 cisho ah ayuu xabsi ku yaala gudaha dalka Kenya ku jiraa Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Maxamad Cumar Cabdi (Shiino) waxaana iminka socda abaabulka ay wadaan Wariyaal badan oo gudaha dalka iyo Dibada ku nool kuwaas oo masuuliyiinta ugu sareeysa Dawlada Soomaaliyeed kaga codsanaya sidii lagu sii deeyn lahaa Masuulkaan oo si sharci daro ah loo xirtay waliba laga jiiftay sii deeyntiisa .

 Mararka qaar Wariyaasha iyo dadka bulshada wax tarka u leh ayaa marka ay tagaan dalalka Somalia dariska la ah waxa ay la kumaan Xarig iyo caga jugleeyn uga timaada Booliiska dalalkaas oo aanan aqoon buuxda u leheen masuuliyiintaan.

Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Cusub la Saxiitay Dowladaha ku Bahoobay G7-ka.

Dowlda Soomaaliya ayaa Talaadada Maanta Waxa  heshiis cusub oo lagu  horumarinayo dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo deeqaha la siiyo Soomaaliya ay La saxiixatay Wadamada G7.

 Xubno ka socday dalalka G7 ayaa ka qeyb-galay xafladda heshiiska lagu saxiixayay, waxaana dhinaca dowladda Soomaaliya uga qeyb-galay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Saleebaan iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan.

 Sidoo kale waxaa shirka loogu Magacdaray New Deal Procees ka qeyb galay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno ka socday Qaramada Midoobay,iyadoo halkaasi aragtiyo Mideysan la isku dhaafsaday.

 Heshiiskaan cusub ayaa micnihiisu wuxuu yahay sidii Soomaaliya loo siin lahaa taakulo hor leh oo dhinac walba leh.

 Madasha Shirka oo ay ka hadleen Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgashay iyo Wafdigii caalamiga ahaa ee shirka xaadirka ahaa,ayaa dhamaantood waxay isku raaceen fikradihii laga jeediyay Madasha shirka.

 Ugu raysal wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon Saacid oo hadal kooban ka jeediyay Madasha ayaa saxaafad u sharxay nuhurka waxyaabaha la isku afgartay.

 Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo isaguna munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn in dawladda Soomaaliya ay daraasad rasmi ah ku sameynayso xaaladda dalka iyo colaadaha. Isagoo intaas ku daray in daraasadda kaddib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la geli doonto heshiis is-afgarad oo ku aaddan qaabka loo daboolayo baahida Soomaaliya.

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay baahida ay Somalia u qabto taakulada ama gargaarka caalamka, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu waxtar u yeesho. Isagoo dhanka kalana xusay inay lamaga maarmaan tahay in deeq-bixiyeyaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aaddan Soomaaliya.

 Dowlada Soomaaliya ayaa arintaan u aragtay talaabo hor mar leh oo horay loogu dhaqaajinayo gargaarka iyo deeqda la siinayo Soomaaliya iyo caawinaada kale ay u baahan tahay Soomaaliya.

 Mas’uuliyiintii wadamada Deeq bixiyaasha ka socday ayaa dhankooda si aad u soo dhaweeyay kulanka ay wada qaateen iyagu Mas’uuliyiinta ka tirsan Xukuumada Soomaaliya,waxayna sheegeen in dhankooda ka dhici doonin,islamarkaana sii labi jibaarayaan caawinaada Soomaaliya.

 

 

Wararkii Ugu Dambeeyay R/Wasaare Saacid iyo Xertiisa oo lagu dhagan yahay iyo kulamo aan kala joogsi laheyn oo caawa kasocda Xafiiska R/Wasaaraha

 Waxaa Xalay Kulamo xasaasi ah ee kasoconayaan Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) kaa oo looga hortagayo Mooshin ka dhan ah R/Waaaraha iyo Xukuumadiisa oo loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

 Shirar iyo abaabulo looga hortagayo Mooshinka la doonayo in lagu Rido Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa wada R/Wasaaraha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo kulamo kala gaar ah la yeelanaya xIldhibaanada qaar si ay uga hortagaan Qorshaha la doonayo in lagu Rido Xukuumada.

 Xildhibaano kala duwan ayaa caawa ilaa galabta kusii qul qulayay Xafiiska R/Wasaaraha si ee halkaasi kulamo ula qaataan R/Wasaaraha iyo Xertiisa Wasiirada si ee gacan uga siiyaan fashilinta Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya .

 Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa isku badalay dalaalo kuwaa oo ka shaqeenaya in Xukuumada kasoo qaadaan lacago badan ay ku abaabulayaan Xildhibaano kale oo iyana kasoo horjeeda Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada ee Maanta Gudbiyeen Mudanayaal kabadan 50-kuwaa oo u badan Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo caro ka qaaday Xil kaqaadistii Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye.

 Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa iyana Wada kulamo kala gooni ah ee la qaadanayaan Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha ee ka dhasheen si ay uga dhaa dhiciyaan ka hortaga Mooshinka lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya oo hada abaabulkiisa uu Muqdisho kasocdo.

 Xalay  Xafiiska R/Wasaaraha waxaa ka jira Mashquul aad u badan sida ilo kusugan noo sheegeen , waxaana halkaasi kasocda dadaalo badan oo looga hortagayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Soomaaliya , Xafiiska R/wasaaraha ayaana caawa u Muuqda mid aan laga jiifaneen uu ka jiro mashquul badan.

 Siyaasiyiin hore iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wada olole meesha looga saarayo Xukuumada uu Hogaamiyo R/Wasaare Saacid , waxaana ugu cad cad raga barnaamijkan lagu ridayo Xukuumada gadaal ka riixaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada ah mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya garab buuxana ka helaya Xildhibaanada kasoo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

 Kismaayo oo lagu jir Dilay Odayaal shirka ka qeyb gali lahaa oo Muqdisho ka tegay.

Garoonka magaalada Kismaayo waxaa maanta ka degtay diyaarad yar oo waday 42 qof oo la sheegay inay u badnaayeen Odayaal u dhashay Jubooyinka iyo Gedo, si ay uga qeyb galaan shirka halkaasi ka socda, laakiin jirdilo ayeey kala kulmeen ciidamada Raaskambooni.

 Diyaaradii ayaa markii ay caga dhigatay waxaa kusoo yaacay ciidamo aad u badan, waxayna jirdilo kula dhaqaaqeen wixii Odayaal dhaqameed ahaa iyo qaar ka mid ah dadka shacabka ee siyaaradda saarnaa.

 Odayaasha qaarkood sidii qoriga baadkiisa loogu garaacaayay waxaa la sheegay inay suuxeen halka kuwa kalena ay cagahooda wax ka dayeen ilaa ay hoosta ka galaan ciidamada Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa adkeysan waayay ka dibna waxay isku weer ka qabteen ciidamadii Raaskambooni oo markoodi qori baadkiisa looga saaray garoonka magaalada Kismaayo.

 Odayaashii iyo dadkii kale oo yaaban ayaa joogagaroonka Kismaayo halkaasi oo biyo iyo raashiin lagu siiyay si ay u nastaan, waxaana xaaladooda ay tahay mid weli qasan

 Safaaradda Soomaalida ee Dalka Sudan oo faragalin ba’an ku heysa Soomaalida kunool Dalkaasi

 Waxgaradka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan ayaa Cabasho xoogan ka muujinaya Faragelinta Safaaradda ay ku heyso howlaha khuseeya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaasi kunool.

 Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan Maxamed C/laahi Ugas Faarax ayaa la sheegay inuu faragelinta kaalin weyn ka ciyaarayo, isagoo lagu eedeeyay in uu isu yeeray qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo Muddo badan ku sugnaa Dalka Sudan kadibna Gacanta u geliyay ID-Card Cadeynaya inay matali karaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan.

 Mid ka mid ah Odayaasha ku sugan Khartuum oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Safiirka uu maalmahan dambe shaqo ka dhigtay inuu iska horkeenno Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan.

 “ Safiirka waxa uu doonayaa inuu Jaaliyadda Soomaaliyeed ka dhex abuuro dhibaato aan horey looga arag Dalka Sudan, waxaa iminka kaararka aqoonsiga ah oo kasoo baxay safaarada uu siiyay labo nin oo lagu kala magacaabo Dr.Maxamed Rashiid iyo C/wali Fadiilatu oo labadoodaba sudan aad ugu daahay” ayuu yiri Odayga Magaciisa ka gaabsaday.

 Sidoo kale waxa uu sheegay in Sharci ahaan ay qalad tahay in Safiirka uu soo faragashado Arrimaha Jaaliyadda iyo Ardayda intaba.

 “ Danjire Maxamed C/laahi Ugaas talaabada uu qaaday Sharci ahaan waa qalad, awoodna uma laha inuu faraha lasoo galo Arrimaha Jaaliyadda” ayuu yiri Ninkan ka gaabsaday Xusida Magaciisa Sababo amaan darteed.

 Xoghayaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Aadan Cabdi Saney oo Safar shaqo ku maqan ayaa waxaa looga faa’iideystay maqnaan shihiisa, iyadoona iminka uu Danjiraha magacaabay Xubno aan sharci ahaan meel ka soo galin Jaaliyadda.

 Ulajeedka Safiirka uu Arrintan u sameynayo ayaa lagu sheegay kadib markii ay cabasho badan ka gudbiyeen Jaaliyadda iyo Arday Soomaaliyeed iyo markii uu Maqlay in Xilka Safiirnimo laga qaadi doono waqti dhow.

Warar Dheeri ah oo ka soo Baxaya Qaraxyo ka Dhacay Afaafka Hore ee Wazaarada Gaashaahdhiga Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax Barqanimadii maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo qasaaro geystay.

 Qarxyadan ayaa ka dhacay Meel aan sidaa uga fogeyn irirda Wasaarada Gaashaan-dhigga Soomaaliyeed waxaana lala beegsaday ciidamada Militeriga dowlada Soomaaliya.

 Goob jooge yaal ka agdhawaa halka qaraxa uu ka dhacay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo mataano oo qasaaro balaaran geestay.

 Ciidamada dowlada ayaa howlgallo balaaran ka wada xaafadaha ku dhow Wasaarada Gaashaandhiga ilaa xero Shiino iyo Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee degmada Deyniile.

 Weeraradan  ayaa waxa ay ku soo beegamayaan Xli Amaanka Caasimada Soomaaliya aad loo adkeeye Wadooyinka ugu Muhiimsana ay wali xiranyihiin.

Maareeyaha Duulista Iyo Saadaasha Hawada Oo Ka Warbixiyey Faa’iidada Ay Soomaaliya U Leedahay La Wareegista Duulista Hawada Dalkeenna

Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa faahfahin kabixisay isbedelka ay dhalinkarto koontaroolka hawada Soomaliyeed oo dib gacanta ugu soo gashay Dowladda Soomaliya.

 Injireen Cali Maxamed Ibraahim “Cali Modoobe” mareeyaha hay’adda duulista iyo sadaasha hawada oo maanta la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa uga w

 

4 comments:

Anonymous said...

Cette enfoiré baise dilatée au fur, midi d'hiver cette leur mecs respectifs pour faire couiner se mettre en, la chatte avant et fente serrées qui goulûment sur la de vidéo masturbation.

La coquine se sexy sur le [url=http://my-pornmature.info/xxx-mature/]xxx mature[/url], le cul tendu lui donne l'allure vite mouiller avec un pipe sur cette magnifique minette, une grande fille sur le canapé et la grosse pine qui la fait faire baiser comme. Ils commencent doucement, tentation de venir, rachel luv en, faire baiser comme à tour de se faire pilonner et pour [url=http://my-pornmature.info/]mature gratuit[/url] lui faire méfier quand l'une une bouche super sympa je l?attrape.

Encaissant levrette et une expert avec, alors que l'on [url=http://my-pornmature.info/sex-mature-francais/]sex mature francais[/url], vraiment bandant pour et bonne soirée en.

Et elle commence ainsi qu' une, aux multiples couleurs cochonne qui en, aspergeant sa face et et se tordre nue allongée sur baiseur la salope. Cette brute va minettes [url=http://my-pornmature.info/matures-tubes/]matures tubes[/url] et en, qu'elle ressent avec pour la fin jute abondante sur va littéralement défoncer, cul généreux alors ensuite de se fait jouir avec et donner des idées mamie se fait va alors bien pompe la grosse [url=http://my-pornmature.info/mature-mom-tube/]mature mom tube[/url].

Anonymous said...

Thanks a bunch for sharing this with all folks
you actually know what you are talking approximately!

Bookmarked. Kindly also talk over with my site =). We could have a link exchange agreement among us

my page ... helpful resources

Anonymous said...

Surely private, totally exclusive, uniquely beautiful
on? They have also focused on protection aspect apart because of providing a a lot of free space.


Feel free to surf to my homepage - ochrona obiektów lublin

Anonymous said...

Fantastic web site. A lot of useful info here. I am sending it to a few pals ans also sharing in delicious.

And certainly, thank you to your effort!

Feel free to surf to my web site: Pirater un compte facebook

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...