Thursday 9 May 2013

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal: Tarsan Shacabka Puntland Gaf ayuu ka galay.



Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdi Xirsi cali (Qarjab) ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka banaadir Ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarsan uu Dambi weyn ka galay Shacabka Reer Puntland kadib markii uu ku tilmaamay Dad Qaran  Dumis ah oo Calamo gaar ah Sameystay xili uu ka hadlayay Tarsan Xaflad weyn oo Xalay London ka dhacday laguna Soo dhaweynayay Madaxweynaha Somaliya iyo Wafdi wehliya.

“ Tarsan waxaan Xasuustaa isagoo ka bixikarin guriga uu Muqdisho ka dagan yahay inaan ku Casunnay Caasimada Puntland ee Garoowe isagoo qanacsan faraxsan oo waliba ka nastay Qaraxyadii iyo Xabadihi ku wareershay Muqdisho ayuu waliba Xamar kala dagay koobkii Kubada Cagta oo dhamaadkii  2010kii lagu qabtay Magaalada Garoowe kuna guuleysatay Gobolka Banaadir, tarsan isagoo Calanka Puntland Dibadaha ku guba oo caaya Dadka Reer Puntland iyo Madaxweynihi  geeriyooday C/laahi Yuusuf oo qabiil uu sixun u daashaday ayaan ku qaabilnay oo kusoo dhaweenay Caasimada Puntland  isagana wuxuu taa bedelkeed ku abaal guday in uu wax ka sheego astaanta Shacbiga Reer Puntland taana maahan mid loo dulqaadan karo, sidaana waxaa yiri Gudoomiye (Qarjab)

Gudoomiyuhu wuxuu Saxaafada u sheegay in Gudoomiye Tarsan uusan Si Cadaalad ah ugu Shaqayn Shacbiga Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool  uuna yahay sida uu hadalka u dhigay Nin ay Caadifad ka badatay qadarinna u hayn dadka Soomaaliyeed ee mar walba Xafiiskiisa hortuban oo ka cabanaya  dhulkooda oo Xoog looga haysto Maamulka Tarsanna aysan wax ba ka qaban.

“Aniga Qarjab ah ee idinla hadlaya ayaa  wacay oo la hadlay kadib markii ay ila soo Xiriireen Rag ka Cabanaya Guryo Muqdisho looga haysto oo meel ay u Dacwoodaan waayay, waxaan la hadlay Tarsan wuxuna iigu jawaabay inuusan awoodi Karin in uu Wax ka qabto Dadkaa Guryaha laga heysto hadaba maxay tahay gudoomiye nimada iyo Nabada la sheeganayo hadaan umada hantidoodii dib loogu celineyn, waxaan leeyahay Soomali isu imaan meyso ilaa meesha laga saarayo Qaladaadka iyo Tacadiga gaamuray ee Muqdisho ka jira,sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka nugaal.

Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in wax walba ay ku kooban yihiin Magaalada Xamar oo aysan jirin Gobolada kale wax ay la wadaagaan Mahsaariicaha hormarineed  magaca lagu soo qaatana uu yahay Mid Qaran, wuxuu carabka ku dhuftay gudoomiyuhu Lacagihii loogu Tabarucay Soomaliya Intii uu Socday Shirkii London isagoo sheegay in Puntland ay Saami culus ku leedahay Lacagtaasi maadaama laga dhawaajiyay in Qiimeyntooda ay leeyihiin Maamulada Soomaliya ka jira.

“ Waxaa dhaga-haaga kusoo dhacaya Ciidanka Soomaaliyeed Haweenka Soomaaliyeed,Cayaartoyda Soomaaliyeed  Iskaashatada Soomaaliyeed arintaasi waxaan idiin cadeynayaa in aysan wax ka jirin oo intaasi oo idil ay ka yimaadeen Magaalada Muqdisho oo Madaxweynaha, Raysul-Wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaankuba ay ku cel celiyaan oo adeegsadaan hadalkaasi, war waxaan idin leeyahay Soomaali weyn kuma soo koobmin hal beel oo Muqdisho ku ku Eg  ee Soomaali waa tii la yaqiinay ee tirada iyo tayada badneyd,Magaca Umada Soomaaliyeed Puntland ayaaba ku hadli karta marka la eego wax yaabihii ay u qabatay Soomaali weyn ee Qaran Dumis waxaa wada dadka Qabiilka u adeegaya Dowladna Sheeganaya, Ayuu markale Qarjab yiri.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Tarsan uu Qudbad lagu soo dhaweynayay madaxweyne Xasan Sheekh oo London ka dhacday Xalay ka sheegay in Midnimada Soomaliya laga shaqeeyo lagana hortago dadka wax kala faquuqaya ee calamada gaarka ah sameystay Sida uu hadalka u dhigay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...