Monday 6 May 2013

Warkii Shacabkamedia Oo Rumoobay(Daawo:Xaaska Saacid Oo London Soo Gaartay Kana Wakiil Ah Odaygeeda)


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 06 May 2013 12:58

Weligeed ma dhicin war Shacabkamedia qoro oo beenooba,hadaba sidii aan doraad soo daabacnay waxaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo bahdilaya Reysalwasaarihiisa casumaad u fidiyay Marwadiisa oo ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ahna maskaxdii ka dambaysay in odeygeeda la iska maamusho jagadan lagu qasaaray ee Reysalwasaaranimadda uga dhamayso Madaxweyne Xasan Culusoow iyo 2-urur ee la taliya ee Damjadiid iyo Hawiye-Action-Group.

Hadaba Caalamka kama dhicin Reysalwasaare nool oo aan isbitaal ku jirin in shirkii uu gudoomin-ahaa ee Reysalwasaraha Ingiriiska David-Cameron ay isla yihiin,waxa luqadda qalaad lagu yiraahdo (Counter-Part)yacni dhigiisa,in maanta shirka London uu gudoominayo Madaxweyne,iyadoo aan xasuusano shirkii IGAD ka dhacay in Madaxweynaha itoobiya uu xafiiskiisa iska fadhiyay halka uu shirka metelayey Reysalwasaare Heila Maryam.

Riix oo akhriso warkii aan ku sheegnay in Marwadiisa ay Wakiil ka tahay Shirka London

Bahdilaadda lagu sameeyay Reysalwasaare Saacid-Hurdaaye waa mid taariikhda u geli-doonto,maadaama meeshii laga rabay inuu shirkan London,sidii dhacday 23-Febaaro 2012-ka Reysalwasaariihii ka horeeyay ee C/weli Gaas uu London isagu shir gudoomiyay shirkii London,mise waxaa rumoowday Reysalwasaare Saacid-Hurdaaye luqadda Ingiriiska mayaqaan,taas ayaana ku keliftay inuu Muqdisho isaga barjeeyo,halkii la rabay inuu goob-joog-ahaado Shirka London ee cadkiisa lagu cunayo.

Soomaalidda London ayaa la yaab ku noqotay markii ay ka war-heleen in Marwadda Reysalwasaare Saacid-Hurdaaye ay ka mid tahay Xildhibaanadda kaliya ee lagu casumay Shirkan London,waxayna arin laga yaq-yaqsoodo ku tilmaameen in Madaxweynaha uu si fool xun London ugu bahdilo Reysalwasaarihiisa,maadaama uu Xaaskiisa shirka ku casumay,waxaayna ku doodayaan inay fiicnaan-laheyn marba hadii Reysalwasaaraha shirka loo diiday inuu ka soo qeyb-galo inaan la casumin Xaaskiisa.

Riix:oo:Daawo:Xaaska Reysalwasaare Saacid oo London soo gaartay

Ama Hoos ka Daawo:

Riix oo akhriso warkii aan ku sheegnay in Marwadiisa ay Wakiil ka tahay Shirka London


Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...