Sunday 5 May 2013

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Hargeysa ku soo laabtay, kana hadlay Hay’adaha Qaramada Midoboay oo Hargeysa ka guuraya



Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo dhawaanahanba safarro kala duwan ku marayey dalalka Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka warramay waxyaabaha safarkiisa ugu soo qabsoomay, waxaanu qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaaalada Hargeysa, oo Weftigu ka soo degay, waxaanu sheegay inay si fiican ugu soo dhammaadeen ujeeddooyinka safarradaas, isaga oo sheegay inay masuuliyiin kala duwan kula kulmeen waddamada ay tageen.
Xubnaha Weftiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirrada arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Marwada koowaad ee Madaxweynaha Aamino-waris Sheekh Maxamed Jirde iyo Masuuliyiin kale.
Halkan hoose ka dhagayso Codka Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo arrimo kala duwan ka hadlaya, su’aalihii la weydiiyey qaarkood iyo jawaabaha uu ka bixiyey.mursal
RBC Radio
Xafiiska Wararka ee Hargeysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...