Kismaayo[RBC Radio]Maamulka Jubbaland ayaa beeniyey
eedomo la xiriirey in maamulkoda uu magaaladda Kismaayo ka geestey falal
bini aadantinimada ka baxsan kadib dagaalo magaaladda ka dhacey.
Eedentaan ayaa la xiriirtey in maamulka magaaladda Kismaayo ciidamadooda
ay dad rayid ah u geysteen falal isugu jira kufsi iyo dhac.
Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar oo maanta shir
jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in eedaymahaas ay yihiin kuwo
an waxba ka jirin lana dhoo dhoobey islamarkana dadka ku kicinayaan
dhinacyadii looga itaal roonaaday dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada.
“Warkaas waxaa sheegey dad an jeclen nabada Kismaayo,waana dad isku
dayaya inay kiciyaan kooxihi nabada kasoo horjedey inay ka dhalato
Kismaayo”ayuu ku sheegey hadalkisa Seeraar.
Dhinaca kale waxaa uu Seeraar shirkisa kaga hadley ammaanka Kismaayo
kadib dagaalo magaaladda ka dhacey waxana uu timaamey in xaaladdu deggan
tahay.
Sidoo kale waxaa uu soo hadalqadey in ciidamada hubeysan ee xiligaan
magaaladda kusug in la geyn doono goobo gar ah iyagoona ay magaaladda
amnigada ay sugi doonan ciidmo gar ah oo ka amar qaata maamulka
Jubbaland.
Seeraar waxaa kalo uu beniyey in ciidamada Kenya jooga aysan wax lug ah
kulaheyn dagaaladi Kismaayo ka dhacey ayna tahay eedenta loo so
jeedinayo mid laga been sheegey.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...

-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment