Thursday 4 July 2013

Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuu ku sugan yahay Deegaan aad ugu dhow Kismaayo uuna kawado abaabul dagaal


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo uuna wado abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Kismaayo oo dhawaan laga saaray.
Col. Hiiraale oo u warramayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in isaga iyo xubno la safnaa ayaa dhawaan dagaal looga saaray Kismaayo, waxaana xubnihii la safnaa ee iyaguna madaxweynenimada sheegay maalin ka hor laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
“Waxaan ku suganahay deegaan 5-km u jira Kismaayo, qorshahayguna waa inaan dib Kismaayo ugu qabsado xoog, maadaama xoog la iiga soo saaray,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale oo eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya.
Mas’uulkan madaxweynenimada sheegtay ayaa wuxuu ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ku eedeeyay inay gacan ku siiyeen ciidankii ay la dagaalameen dagaalkii ay kula jireen, isagoo xusay inay iyaga yihiin kuwa ka saaray magaalada.
“Deegaanka aan ku sugannahay waxaa ka talisa Al-shabaab, haddana isku cadow ayaan noqonnay,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale oo sheegay inuusan la kulmin wax ka tirsan mas’uuliyiinta Al-shabaab, sidoo kalena aysan qayb ka ahayn abaabulka dagaal ee uu wado.
Col. Hiiraale ayaa sidoo kale sheegay inuusan ka tanaasulayn mowqifkiisa ku aaddan inuu dagaal ku galo Kismaayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga uu qorsheynayo inuu dagaal ku qaado Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa toddobaadkan ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay rag isku haysta xilka madaxweynenimo ee Jubbaland, iyadoo ugu dambeyn laga saaray magaaladaas isbahaysi ay sameysteen afar ka mid ah madaxweynayaasha is-magacaabay oo kasoo horjeeday Sheekh Axmed Madoobe.
Xoogagga Axmed Madoobe ayaa gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo dhan, iyagoo isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga uu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo hadalka Col. Hiiraale uu abuuri karo walaac cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...