Khamiis,
July 04, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso
ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya u diray ururka Midowga
Afrika oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, warqaddan oo lagu
tilmaamay qarax siyaasadeed oo soo dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo
Kenya.
Kenya
ayaa waxaa kumanaan ciidammo ah oo ka mid ah howgalka AMISOM waxay kaga
sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka
Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ku eedeysay inaysan ka ahayn
dhexdhexaad xiisadaha ka taagan Kismaayo.
Warqaddan
oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia ayaa lagu
sheegay in ciidamada Kenya ayna sababeen dagaalladii ka magaalada
Kismaayo oo ay ku dhinteen 55-qof oo rayid u badan ayna sidoo kale ku
dhaawacmeen 155-qof oo kale.
Dubalamaasiiyiinta
gobolka iyo kuwa Soomaalida ayaa shaki weyn ka qaba in Kenya ay
doonayso inay gudaha Soomaaliya ka sameysato aag aan looga soo gudbin
dalkeeda oo dhibaatooyin dhinaca ammaank ah kala kulmay Al-shabaab oo ah
koox islaamiyiin ah.
Soomaaliya
ayaa waxay muddo labaatan sano ka badan kusoo jirtay dagaal sokeeye oo
dhibaatooyin badan geystay, ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan kuwa AMISOM
oo ay qayb ka tahay kuwa Kennya ee dariska ah ayaa waxaa Soomaaliya
inay isbedel ka sameeyaan, inkastoo ay isbedel muuqda ka gareen
howlgalladooda.
Xukuumadda
Kenya ayaa waxay dhowr jeer oo sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay
xiisadaha ka taagan Jubbooyinka, iyadoo sidoo kalena ay taliska AMISOM
sheegeen in ciidamada Kenya aysan wax lug ah ku lahayn xiisadda ka
taagan Jubbooyinka.
Mas’uuliyiin
u hadlay AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaanno ku sameyn
doonaan eedeymo ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay inay ku kaceen
ciidamada Kenya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inay dagaalladii ka dhacay
Kismaayo qayb ka qaateen.
Warqaddan
dublamaasiyadeed ee ay dowladda Soomaaliya u dirtay ururka Midowga
Afirka ayaa noqonaysaa tii ugu horreysay ee nooceeda ah, iyadoo dowladdu
ay horay u sheegtay inay doonayso in ciidamada Kenya laga bedelo aagga
ay kaga sugan yihiin Soomaaliya lana geeyo kuwo isku dhaf ah oo ka socda
dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.
Ma
jiraan wax jawaabo ah oo kasoo baxay dowladda Kenay iyo ururka Midowga
Afrika oo ay ka socdaan ciidamada AMISOM oo ay qaybta ka yihiin kuwa
Kenya ka socda, waxaase jiray in khilaafyo noocan oo kale ay dhowr jeer
oo hore u soo dhexgaleen Soomaaliya iyo Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya
No comments:
Post a Comment