Sunday 7 July 2013

DEG DEG: Wariye goor dhaweyd lugu diley Gaalkacyo iyo Warkii ugu danbeeyey ee u direy



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
1004453_597562326948984_1866293513_n
Gaalkacyo[RBC Radio]Allaha unaxariste waxaa gor dhawed magaaladda Gaalkacyo kooxo hubeysan ay ku dilen wariye ka howlgalijirey guddaha magaaladda.
Rabi ha uraxmade wariyaha caawa ladiley ayaa lugu magaacaba marxuun wariye Liiban Cabdulahi Faarax(Qaran).
Wariya ayaa dhaawac ahaan logeyey cisbitaalka koonfured ee Gaalkacyo halkaaso uu ku geeryoodey.
Kooxo ku hebeysan bastoolado ayaa lasheegey inay dilka ugestey wariyaha xili uu kusiijedey hoygiisa,waxana xiliga ay kooxan xabada kufureen uu marayey wadadda Cagar-weyne.
Liibaan Qaran allaha unaxariste ayaa ahaa wakiilka Tv-ga Kalsan,waxana uu ka howlagey warbaahino dhor ah oo gobolka kuyiley sidoo kale waxaa uu ahaa wakiil waredka Radio SBC Boosaaso.
Geerida wariyaha waxaa Raxanreeb.com u xaqiijisey xaskiisa oo an gor dhawed la xiriirney balse faah faahin inta ka badan nama aysan siin.
“Dhaawac isagoo ah ayaa cisbitaalka koonfured la keney mar dhawed balse waxbadan nafta kuma jirin wana uu dhintey,waxaa la ii sheegey inuu mareyey xiligii xabadaha lugu dhufanayey jidka Cagaar-weyne bastoolad ayaana lugu diley”ayaa tiri xaaskisa oo la hadashey Raxanreeb.com.
Horey Gaalkacyo sanadkii hore waxaa logu diley sidaan oo kale labo wariye oo kala ahaa wariye Cali iyo Farxaan Jeemis Cabdulle.
Maamulka iyo shaqaalaga shabakada Raxanreeb.com waxay tacsi ka direysa allaha u naxariste Liiban Cabdulahi Faarax(Qaran) waxana leenahay illahay samir haka siiyo ehelkiisa,qaraabadisa iyo dhamanba wariyaasha Soomaaliyed.
Hoos ka daawo warkii ugu danbeeyey ee u direy shaley Wariye Liibaan ee Caawa lugu diley Gaalkacyo

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...