Sunday 7 July 2013

Somalia - Puntland waa goosanaysaa

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa xalay ka sheegay magaalada Addis Ababa in Puntland ay goosaneyso hadii aan la joojin waxyaabaha ka socda magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa hadalkan jeediyay markii xalay xaflad soo dhoweyn ah uu ugu sameeyay Madaxtooyada Garowe Axmed Madoobe oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubaland.

"Hadii aan wax laga bedelay sida ay wax ku socdaan, Puntland waa tashaneysa, Dastuurkeena waxaa ku quran in laga war sugo hadii ay Koonfur degto iyo hadii kale hadii taasn aysan dhicina wadadeeda ayaan ku saoconaa"ayuu yiri Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Siyaasada Soomaaliya aanay aheyn dukaan cid gaar ah leedahay, isagoo cadeeyay in arrinta federaalka hadii aan la dhaqan gelin ay cid walba ay go'aan qaadaneyso sida uu yiri.

Axmed Madoobe oo hadal ka jeediyay xafladii xalay ayaa sheegay in aanay hadafkooda aheyn inay goostaan ama dal kale ku biiraan, isagoo xusay in qorshahooda yahay inay noqdaan Maamul goboleed Soomaaliyed oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay dhashay Puntland, isla markaana Puntland ay hooyo u tahay maamulada dalka ka hana qaadi doona sida uu yiri.

"Jubaland waxaa dhashay Puntland, Maamulada kalena Hooyo ayay u noqoneysa, anaga qorshaha nooguma jirto inaan goosano ama wadan kale ku biirno, waxaa rabnaa Maamul Goboleed Soomaaliyed oo ka mid ah dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya, maxay nagu diidayaan Madaxweynaha iyo dowladiisa, anaga waa ayidsanahay"ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa si diiran shalay loogu soo dhoweeyay Garowe, iyadoo salaan uu ka qaatay Ciidamada Puntland, ubax qoorta loo geliyay, taasoo ka turjumeysay taageerada ay Puntland u heyso.


Somali news leader
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...