Friday 12 July 2013

Heshiiskii Ankara waa sawirka saxa ah ee is xulufaysiga Muqdisho iyo Hargaysa.

Heshiiskii Ankara waa sawirka saxa ah ee is xulufaysiga Muqdisho iyo Hargaysa.
Ururka Iftiimin
ururkaiftiimin@gmail.com
Luulyo 12 2013
IFTIIMINHaddii Muqdishu hawada Soomaaliya kala heshiisay Hargaysa oo ka talisa hal gobol iyo bar ka mid ah 18kii gobol ee Soomaaliya iyadoon tixgelin Soomaaliya inteeda kale, su’aashu waxay tahay Muqdisho ma ku helaysa midnimada ummadda raalligelinta Hargaysa keliya?
Masraxiyadii Ankara (Turkey) ee shirka lagu sheegay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, marna lagama sugayn natiijooyin cadaalad ah oo lagu wada diirsado, sababaha hoos ku xusan dartood:
• Madaxda labada ergo kala watay waxay ahaayeen kuwo ka midaysan duudsiga xuquuqda qaybo ka mid ah bulshada midnimo doonka ah ee 5ta gobol ee deegaanada gobolada waqooyiga Soomaaliya ee isticmaarkii ula baxay (Somali British land) ee kala ah: Awdal, Sanaag, Sool , Togdheer iyo Waqooyi galbeed.
Sedex Gobol iyo bar ka mid ah shantaas oo kala ah Sanaag, Sool, Awdal iyo deegaanada Cayn oo ah qayb wayn oo ka mid ah Gobolka Togdheer, cidi kuma matalayn shirkaasi lagaga hadlayey aayahooda, waana laga tashaday dadka matala rabitaanka bulshadaasi doonaysa midnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa laga fogeeyey wada hadalka inta aaminsan midnimada Soomaaliya ee ka soo jeedda Waqooyi Galbeed iyo Togdheer.
• Xulashada ergooyinka uga qaybgalayey labada dhinac masrixiyadan, waxaa gooni u lahaa Somaliland, iyadoo kuweedana lagu faragelin, magacyada ergada Muqdishana Hargeysaa yeerisay waayo waxay Soomaaliland si aan qarsoodi lahayn u yiraahdeen hebel iyo heblaayo kama qaybgalayaan shirka, arrintaan oo noqonaysa cashar ku cusb siyaasada wada hadallada, in qolo ka mid ah labada dhinac ee wada hadalayaa, soo xulato ka qaybgalayaasha oo dhan!, su’aashu waxay tahay haddii hal dhinac sida uu rabo loo wada xulo ergada oo dhan maxaa laga wada hadlayo?
• Maamulka Hargaysa wuxu ka mid yahay maamulada ugu dhulka yar ee ka shaqeeya deegaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, marka laga reebo kan Muqdishu ee ku tiirsan ciidamo shisheeye, iyo maamul xaafadeedyada ka jira meelaha qaarkood.
• Puntland lagama qaybgalin ka talinta aayaha hawada dalka iyodoo weliba ah maamulka ugu baaxada wayn dalka,, kana talisa inta badan hawada waddanka, maadaama ay ku fadhido sedex meelood meel, dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isla markana Puntland ku taal marin ay maraan diyaaradaha u kala gooshaya inta badan caalamka sida bartamaha iyo galbeedka iyo waqooyiga Africa, Bariga dhexe, Europe iyo Qaaradaha Australia, Koonfur iyo Waqooyi America, ahna meesha ay ka qabsadaan marinka hawada ee caalamiga ah.
Puntland waxay dhacda dhulka ug istratejisan Soomaaliya, halkaas oo ay iska galaan labada badood ee Badwaynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
• Sidoo kale Jubaland oo dhul weyn oo labada dal oo deris ah iyo Badweynta Hindiya xad la leh lagalama tashanin ka talinta aayaha hawada Soomaaliya.
• Nasiib darro madaxda Muqdisho waxay u muuqdaan kuwo aqoon darro ka haysato muhimada ay leeyihiin deegaanada Soomaaliya ee ka baxsan Muqdisho, arrintan oo aan ku cusbayn maamuladii Muqdisho tan iyo dagaaladii sokeeye, Tusaale Muqdisho waxaa soo maray hogaamiye kooxeedyo Soomaaliya ka yaqaana Xaafada ay ka degan yihiin, iyagoo ay kaga dhegtay magaalo madaxda haddii aad xukunto cid kale uma baahnid, ,Soomaalida inteeda kalena,waxay ku khasban yihinn dadka Muqdishu waxay rabaan, arrintan oo riyo maalmeed ah haddii soomaalidu wada tashan weydo.
• Madaxda Muqdisho waxaa ka muuqda dhaqankii ahaa ama guulayso ama halagaa guulaysto, (win beat geme) halka guusha saxda ahi ku jirto in la wada guulaysto (win win game), sideedaba cidda aad heshiiska uga baahan tahay waa cidaad is haysaan waayo cidaad horay xulufo u ahaydeen ismaba diidanidiin.
Maxay tahay saansaanka ka muuqda siyaasada Madaxweyne Xasan, la taliyaashiisa iyo in badan ee bulshada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ?
Waxad moodaa in madaxweynaha iyo la taliyaashiisuba, kula coloobeen dadka iyo dawlad gobolleedyada Puntland iyo Jubaland iyo dadka deegaanada ugu baaxada wayn ee waqooyiga ee Sool, Sanaag, Awdal iyo cayn, u ololaynta midnimada Soomaaliya, halka maamulka Hargaysa kaga mutaysteen kala goynta wadanka, ixtiraan iyo abaalmarin dalabka iyagu leeyihiin.
Waxaa Reer Muqdisho iyo inta la fekerka ahi u arkaan ka talinta aayahooda lamaga taabtaan iyo iyaga maahee cid kale shuqul ku lahayn iyadoo la og yahay in Muqdisho ay taalo hantidii Soomaali oo dhan, misana waxa ka taliya degmooyinkeeda oo dhan dhowr qof oo ilma adeer ah.
Dhanka kale Muqdisho waxay faraha kula jiraan ka talinta aayaha inta badan bulshada gobolada waqooyiga, iyadoon laga tixgelin,waxana ugu wacan koobnaanta aqoonta juquraafiyeed (geography) ee reer Muqdisho u leeyihiin deegaanada Soomaaliya inteeda kale, waayo Reer Waqooyi waxay u yaqaana dadka Hargaysa ama Burco,sidaa darteed arrinta Waqooyiga looga danbeeyo Soomaaaliland, inta kalena sugaan waxa Muqdisho iyo Hargaysa ku wada hadlaan oo keliya, dhanka kale waxay ilowsan yihiin in haddii aayaahooda cid kale uga talo diideen waxa faraha u geyshay ayaaha dadka kale.
Cuqaasha iyo akhyaar beesha madaxweyne Xassan, waxay shir maqal iyo muuqaal ah, ku diideen Gudoomiya gobolka Banaadir Tarzan, iyagoo leh waa nin reer Hiiraan ah, waxayna ku doodayaan in caasimada Muqdishu tahay meel jilib reer ka tirsan leeyihiin, marka haddiba Tarzan laga xigsaday yaa lagu sirayaa Muqdishu waa magaalo madax Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Federaalka, Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo reer Muqdisho ah ayaa watay ergada lagu sheegay inay matalaan koonfurta Soomaaliya, halka masuulka reer Hargaysa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulahi Cumar uu watey ergada Hargaysa.
Gunaanad
Awooda dawlada federaalka waxay gacanta u wada gashay,Madaxweynaha oo seddex geeska awood qaybsiga dawladda ee sharcidejinta (Parliament), fulinta ( Golaha wariisara) iyo Garsoorka(judiciary) ay haatan si dhab ah u maamulaan isaga iyo xulafadiisa, iyadoo cilmiyan la og yahay in hadii kooxi ku keliyeysato xukun uu lumayo dhaalitirka maamulka iyo cadaalada, waxana caddaan ah in Madaxweynaha si aan awooda loola yeelan uu meesha ka saaray wixii dheelitir ahaa oo aan ka ahayn kooxdiisa, waxana tusaale u ah is-hor-taagga aqalka sare, oo si cad dastuurka ugu qeexan.
Waddamada uu ka jiro nidaamka tala wadaaga, xisbiyada ka jira waxay yihiin, kooxa fikirka ku kala duwan wadaagaana hal mabda, markii taas la soo dhaafana hay’adaha dawladda ayaan sinaba u gali karin gacanta koox keliya.
Golaha shacabka (parliament) waa inuu yahay mid la xisaabtami kara Madaxwaynaha ama prime-minster-ka, markii seddexdoodu wax isku qabtaana waa in maxkamada sare noqotaa halka ay ku kala baxayaan, oo fasiraad ka bixinaysa sharciga ama qododbka datuuriga ah ee laysku hayo, nasiib darro kama jirto dalka maxkamad awoodaa leh.
Punland iyo Jubaland oo ah dawlad gobolleedyo qaanuuniyan u buuxiyey, xubno ka noqoshada dawladda dhexe ee federaalka ah inkastoo aqoonsiga arrinta Jubaland si aan sharci ahayn Madaxweynaha iyo xulufadiisa uga caga-jiidayaan, waxaa qumman in Puntland iyo Jubbland sameeyaan gole cod u noqda deegaanada aan weli dhisan qaanuuniyan maamul-gobolleed iyo kuwa dawlada federalku ka hortaagan tahay in ay dhistaanba.
Puntland oo geed dheer iyo geed gaabaan u fuuushay 24t-ii sano ee burburka, ilaalinta midnida ciida iyo soo cilinta qaranida Soomaaliya, waxayna Puntland ku seegtey arrintaa dano badan, waxayna ku lumisay nafaf iyo maal badan, sida muuqatana waxay midnimo raadintu u abuurtey cadaawad badan .Sidaa darteed Puntland waa in danaheeda siisa ahamiyada wayn iyadoo kaalinta kaga aadan ka qaadanaysa ilaalinta danta guud ee ummadda Soomaalida ka dhexaysa.
Dawladda federaalka waxay bulshada Puntland ula dhaqantaa sida marti magan uga ah danaha Soomaaliya, Puntland waxay u baahantahay shirwayne in ay Dawlada Puntland dan u tahay kasii mid ahaanshaha Soomaaliya, loona dejiyaa istraateejiyad lagaga hortegayo burburinta Puntland. waana in dadka reer Puntland ka waantoobaan wadaniyada ku salaysan laab la kaca, Shacabkana kala shaqeeyaan xukuumada xasiloonida amniga, waxbarashada iyo horumarka guud.
Xarunta Ururka Iftiimin.
Ururka Iftiimin waxa uu u taaganyahay Dawlad Wanaag iyo Cadaalad Bulshadeed.
Kala xiriir ururka:
ururkaiftiimin@gmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...