Friday 12 July 2013

Ergadii soo dhistey maamulka Jubbaland oo muddo 30-cisho ugu dartey madaxweyne Axmed Madoobe si uu usoo dhiso golihii wasiirada maamulka[Sawirro]

Jubbaland_Pic_13
Kismaayo [RBC  Radio] Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose waxaa maantey shir ku qatey ergadi soo dhistey maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam waxana uu kulankooda quseyey muddo korarsi loo kordhiyey madaxweynaha si uu usoo dhamestiro golahiisa wasiirada ee maamulka Jubbaland.
Kulankaan ay yeeshen ergada ayaa waxaa uu ka dhacey xarunta Jaamaca ee magaalada Kismaayo,waxana ergada ku waheliyey madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Ergada ayaa haddalo ay soo jediyen ku sheegey in muddadi ay ka dhamatey madaxweynaha ee logu tala galey inuu kusoo dhiso golaha wasiirada ee maamulka yelan lahaa.
Ergadii shirka ayaa si gacan taag ah waxay ku  ogolaadeen waqti kordhinta mudada 30-ka maalmood ee dheeriga ah ee laga codsaday.waxana ay ku baaqen in madaxwenuhu dadajiyo dhisida golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isaguna hadal ka jeediyey madasha ay kulanka ku qaten ergadii soo dhistey maamulka waxana uu caddeyey in xiliyo adeg ula soo kowsadey madaxweynu dibu dhacan ay keenen arrimo horyimid xiligii la dortey.
Sidoo kale Fartaag ayaa sheegey in xiligaan ay ku mash qulsan yihiin dhisida iyo dhamestirka maamulka si uu caggihiisa isugu taago,ugu danbentiina waxaa uu ergada ka codsaday in madaxweynaha maamulka Jubblanad loogu daro muddo kale oo uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiiradda, maadaama ay muhiim tahay in si weyn loo qiimeeyo aqoonta xubnaha la soo xulidoono.
Madaxweeyne ku xigeenku ayaa docda  kale ergada ka codsadey tirada baarlamanka oo sida dastuurka ku xusan ahayd 65 xildhibaan in loogu kordhiyo ilaa 10 xildhibaan kale oo dheeri ah, tiro kordhintaas oo madaxweeyne ku xigeenku sheegay in ay uga gon leeyihiin in ay ku xalliyaan wixii cabasho ah ee ka yimaada beelaha dega gobollada Jubooyinka ee ku aadan habka loo qeybinayo xildhibaanada,waxana si lamid ah maalin kordhinta ay ergadu sameyen in arrinka cod loo qado iyadoona si gacan taag ah logu codeyey lana aqbaley.
Horey ergada ayaa u muddeysey in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu kusoo dhiso golaha wasiirada ee maamulka muddo 27 maalmood gudahood oo ku ekayd tobanka bishan.
Waxaa laga warsugaya in muddaada uu kusoo magaacabo golaha wasiirada madaxweynaha.
1
4
3
7
Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
5
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...