Muqdisho(RBC
Radio) Qaraxan maanta ka dhacay inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho iyo KM4 ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey 5
ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo aad u fara
badan,qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan gaadiidka Qafilan
ee ciidamada AMISOM.Qaraxa ayaa geystay waxyeelo fara badan oo gaartay dad shacab ah oo ku ganacsanayey wadada hareeraheeda,dukaamo dhowr ah ayaa ku burburay qaraxaas, AMISOM ayaa sheegtay in 2 askari ay kaga dhaawacmeen qaraxa lala beegsaday gaadiidkooda.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan dhiigga badani ku daatay,waxayna ku sheegeen warar ay ku faafiyeen bogagooda Internet-ka iney weerarkaas ku dileen Saraakiil Maraykank ah iyo ciidamo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika sida ay sheegteen.dhibaatada ugu badan ee ka dhalatay qaraxa ayaa gaartay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.









RBC Radio
Muqdisho
No comments:
Post a Comment