Thursday 11 July 2013

Wadahadaladii Somalia/Somaliland












Wada hadaladii Istanbul ee Soomaaliya iyo Somaliland oo qodobo laga soo saaray (Aqri qodobada+Sawirro)

Wada hadaladii labadii maalmood magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga socday dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa laga soo saaray go'aano ka kooban saddex qodob, iyadoo wada hadaladan si rasmi ah xalay loo soo gaba gabeeyay.

Inkastoo qaar ka mid ah qodobadii la xiriiray wada hadalka ay aad u adkaayeen, isla markaana mar wada hadalada ku dhowaadeen inuu bur buro, ayaa hadana dowladda Turkiga oo garwadeen ka aheyd wada hadalka ay ku guuleysatay in labada dhinac ay ku qanciso in qodobada ay ku dhegan yihiin ka tanaasuleen.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ahaa Xoghayaha gudiga dowladda u matalayay wada hadalada ayaa sheegay in ay labada dhinac ay qalinka ku duugeen saddex qodob oo lagu heshiiyay.

Mr Khaalid ayaa sheegay in la isku afgartay in la sii wado wada hadalada, isla markaana 120-maalmood kadib lagu kulmo dalka Turkiga.

Hadabada qodobada saddexda ah ee lagu heshiiyay ayaa sidan ahaa:-

1-In wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socdaan oo lasii wado.

2- Sameynta gudi farsamo labada dhinac ka kooban oo iyagu ka baaraan dega qaabka loo xalin karo arinta maamulka Saadaasha hawada ayadoo mas’uuliyadda maamulka hawada Dalkana ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3- In mar kale mudo 120 (Boqol iyo Labaatan cisho) kadib ay ku kulmaan gudiyadan labada dhinac magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga si ay usii amba qaadaan geedi socodka wadahadallada ayadoo laga fogaanayo wax kasta oo hadal ah oo warbaahinta la isku mariyo kuwaasi oo geedi socodka wadahadalladan dhibaato ku ah.

Sidoo kale Xildhibaan Khaalid ayaa sheegay in qodobo aad u adag ay ka doodeen gudiyada labada dhinac, kaasoo ka mid ahaa in siyaasiyiinta labada dhinac la isku furo, iyo in shirarka soo socda ay ka dhacaan dalka gudihiisa, sida Muqdisho iyo Hargeysa, balse qodobadaas dib looga laabtay, laguna balamay in shirka soo socda ee 120-ka cisho kadib looga doodo, kaasoo ka dhici doona Istanbul.

Wada hadaladan ayaa ah kii afaraad oo si toos ah ay isu soo fariistaan labada dhinac, inkastoo Somaliland ay wali wadato go'aankeeda ahaa inay lama taabtaan tahay arrinta gooni isu taaga oo aanay gorgortan ku jirin.


















Somali news leader

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...