Thursday 11 July 2013

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay iney baneeyaan degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta bilaabay iney ka baxaan magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool, iyagoo u jiheysan dalkooda sida wararku nagu soo gaarayaan.
Magaalada Baydhabo wararka ka imanaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay maanta bilaabeen iney baneeyaan labo fariisin oo ay ka degenayeen gudaha iyo daafaha magaalada kuwaasoo kala ah Ex-warshadii Xasey iyo xeradii qeybta 60aad ee ciidanka XDS.
Fariisimihan ayaa waxaa lagu wareejinayaa ciidamada AMISOM oo dhowaanahan halkaas la geynayey, iyadoo arintan ay maanta si weyn u hadal hayeen dadweynaha magaalada Baydhabo.
Ciidamada Itoobiya ayaa degmada Baydhabo kala wareegay Al-shabaab bishii Febraayo sannadkii 2012, iyagoo uga gudbay degmooyinka kale ee gobolka Bay qaarkood.
Dhinaca kale, degmooyinka Qansaxdheere Ceel-barde iyo qaar kale oo ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ayaa iyana waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay uga guurayaan.

Degmooyinkan ayaa marka ciidamada Itoobiya ay ka baxaan waxaaa laga cabsi qaabaa iney gacanta u galaan xoogaga Al-shabaab oo hadaba isha ku haya, maadaama aysan jirin ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu wareejiyo, iyadoo ciidamada dowladana aysan awood u laheyn iney iska difaacaan xoogaga Al-Shabaab.
Bishii Maarso ee sanadkan 2013-da ayay aheyd markii ciidamada Itoobiya ka baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaana ka dib magaaladaasi si buuxda ula wareegay xoogaga Al-shabaab.
Dad badan oo ku dhaqan gobolada Bay iyo Bakool ayaa aaminsan in ciidamada AMISOM ee la wareegaya magaalada Baydhabo aysan ku filneyn xaqiijinta amaanka magaalada, tiradooda oo aad u yar awgeed.


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...