|
|
|
| Written by Administrator |
| Wednesday, 10 July 2013 14:55 |
![]() Maamulka Somaliland ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heshiiskii ka socday Magaaladda Istanbul,waxaana go'aan lagu gaaray in hawadda Soomaaliya oo maalmahan laga maamulayey Muqdisho in hadda kadib loo wareejiyo Magaaladda Hargeysa,iyadoo arintan ay dhabar-jab ku noqon-doonto Wasiirka Warfaafinta C/laahi Ciil-Mooge oo qalabkii uu ku xiri-lahaa Muqdisho loo wareejinayo Hargeyso oo la isku afgartay inay noqoto xarunta laga hagayo Dayuuradaha Soomaaliya.Arintaas ayaa u ogolaanaysa Somaliland inay maamulaan hawadda Somaliland iyo Somaliland,iyadoo qalabkii wax hagayey ee awal Muqdisho la gayn-lahaa la isku af-gartay in Hargaysa laga taago.Somalland ayaa lacag badan ka samaynaysa hawadda lagu wareejiyay,waxaana shaqo ka helayo shaqaalo Reer Somaliland,halka Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kale laga maamulayo Magaalada Hargeysa.Guushan taariikhiga ah ay ee Somaliland gaartay ayaa waxa u sahlay 5-xubnood ee Ergadda Madaxweyne Xasan Sheekh u xilsaaray in Somaliland hawadda lagu wareejiyo,waxaana ergadan hogaaminayey oo arintan Somaliland u sahlay 5-Xubnood oo dhamaantood Koonfurta Soomaaliya ka socday,halka gobolada cadkooda lagu goosanayo shirka ee Sool,Sanaag iyo Awdal uusan qofna metelin.Shirkan ayaa geba-gabadii Warsaxaafadeed laga soo saaray lagu heshiiyay in 120-beri kadib la isugu yimaado gudaha Turkiga,waxaana qalinka lagu duugay in Magaaladda Hargeysa lagu qabto shirka dambe ee Somaliland iyo SomaliaShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |




No comments:
Post a Comment