Tuesday 5 January 2010

Garowe: Isimada & Culumada Puntland oo taageeray go’aankii dawladda Puntland ee lugu sii daynayo 3 nin oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee Itoobi

5. januar 2010

Garowe(AllPuntland)- Puntland ayaa go’aansatay sii deynta 3 nin oo udhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo mudo dhan labo bilood ku xiran Xabsiyada amaankooda aadka loo ilaaliyo ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaana ay sheegtay Puntland in ay nimankan uheystay in ay ka dambeeyaan falal amaan daro oo laga sameyn lahaa deegaanada Puntland.

Sii deynta sadexdan nin oo ay ku dhawaaqday Puntland maalinimadii shalay, ayaa noqday mid ay taageero weyn kaga heleen Isimada iyo Culumada Diinka Puntland oo ku sifeeyey talaabo loo baahan yahay in la taageero.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku dhawaaqay qaraarkan ayaa sheegay in ay dawladdu go’aan cad ka qaadatay arrimahaasi, wuxuuna tibaaxay in ay ku sii daynayaan nimankaas markii ay sidaas go’aansatay dawladdu, kulana taliyeen Isimada iyo Culumada Puntland oo uu sheegay in ay yihiin kuwa looga bartay la shaqeynta dawladda Puntland.

“ Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxda kale ee Puntland waxa ay go’aansadeen cafis buuxa oo lasiinayo 3-da nin ee hada ku xiran Xabsiyada Boosaaso ee ka soo jeeda deegaanada Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana halkaan loogu qaban doonaa munaasabad balaaran oo ku wajahan sii deyntooda” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo tan iyo markii uu ka soo laabtay xajka ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Culumada Puntland ayaa ku sifeeyey talaabada dawladda mid wanaagsan oo ay taageero kaga heli karto dadweynaha Puntland iyo kan Soomaaliyeed oo horay uga carooday qabashadii nimanka iyo go’aankii ay dawladdu ka qaadatay, waxaana ay Puntland horay ugu eedaysay nimankaas in ay ka tirsan yihiin ONLF.

Madaxda Jamhada ONLF ayaa soo dhaweeyey qaraarka Puntland oo ay sheegeen in uu yahay mid dhabaha ufuraya xiriir wanaagsan iyo walaaltinimadii ka dhaxaysay labada shacab oo dib usoo laabatay, waxa ayna amaaneen Isimada iyo Culumada Puntland oo ay sheegeen in ay yihiin dad wanaaga jecel.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...