Saturday 19 March 2011

Abwaanad Fowsiya M. Xaashi (Gaani) : Boqol Anoo Gaarey (Gabey Cusub

Guddooma salaan diirran, Bahda Raxanreeb iyo Bulshoweynta. Waa Barnaamijkeennii Taxanaha Suugaanta Cusub iyo mar kale.
Akhristaha sharfanow sidaad la socodtidba barnaamijkeennu suugaan keliya ma aha, ee wuxuu xambaarsan yahay Baaq nabadeyn iyo waddaniyadba wata.
Arrimahaas waxaa kalifay waxaan qabaa inay jiraan shakhsiyaad, kooxo iyo indheer-garad Soomaaliyeed oo nabad jecel.
Ayagoo isla mar ahaantaas ku kala baahsan Dunidda dacaladeeda oo dhan. Waxaa kaloo jirta iyana in dadweynaha soomaaliyeed oo dhan gudiyo dibadba ay dhibaatooyinka iyo dagaaladuba ka bateen.
Illaa wax kasta oo astaan qaranimo ama dowladnimo ahaa ay naga tirmeen. Tusaale ” ma og tahay akhristow in caruurta Soomaaliyeed ee Gobolada Soomaaliya Iskuulada(Dusiyada) ka dhigata wax lagu baro Manhaj laga keenay Dunidda carabta sida Suudaan, Masar, Sacuudi Carabiya iyo meelo kale.
Taas macnaheedu waxaa weeye cunuga Soomaaliga ah waxaa la baraa Dhaqankii, Taariikhdii, Joqoraafigii iyo Suugaantii Carabta.
Bal eeg akhristow Soomaalidu ma Carab baa ? mise waa dad Muslim ah oo Afrikaan ah ? , ma sax baa in la dhaho Maleysiya waa wadan Carab ah madaama ay Muslim yihiin ? ”
Maxay kula tahay adiga, ra´yigaaga soo daa !
Waxaa dhab ah in ay Buugaagtii Iskuuladeenu ay baaba`een sidii ay wax kastoo kaleba ay nooga burbureen. Waxaa iyana jirta in dadyowga iskuulada caruurtaasi dhigato iska leh aysan xil iska saarin soo noolaynta iyo qoridda Buugaag-iskuuleed cusub oo sharaxaya Dhaqankeenna, Taariikhdeenna, Joqoraafigeenna iyo Suugaanteenna sidii waagii Dowladdu jirtey.
Haddii ummad dhan oo malaayiin ah laga waayo wax kaleba daaye intaas keliya (qoridda Buugaag-iskuuleed cusub) maxaa lagu tilmaami karaa ummadaas !. waa ummad dhimatey ayada oo nool . Tani waa calaammadda lagu garto marka ummadi ay sii tirmayso.
Akhristow hadda labadeenuba waan murugeysanahay, waxaanse niyadda ku dhisaneynaa inaan dedaal ugu jirno wax ka qabashada arrimo badan oo midaan aan soo xusay ka mid tahay. Waa haddii la iskaashado, oo Garaadku shaqeeyo, oo Tacliinleyda, Dhalinyarada iyo nabad-jecel oo dhami u istaagto.
Waxaa akhristow la soo diray hambalyooyin badan, waxaa nagu soo xirmey akhristayaal cusub, waxaa la soo direy shan gabey oo la codsadey in taxanheenna lagu sii gudbiyo. waan soo gudbin doonaa Gabayadaas waana aad mahadsan tihiin dhamaan.
Arrimaha aduunyaddu waa isdabajoog iyo maalinba heer cusub, bal u fiirso gabaygaan :
Cosobkiyo barwaaqada waxaa ku cadfan jiilaale
Cayilkana marbaa waxaa ku xigi caato iyo weyde
Nin cood badan lahaa oo haddana cayra baad arage
Cirrooluhu marbuu wuxuu ahaa cunug aan weyneyne
Dharka tii cuseybihi dhawaan calallo weeyaane
Cimilada isdaba joogta sow kuma ciraab qaadan !

Allaha u naxariistee waxaa gabaygaas Tiriyey Abwaankii weynaa ee haddana ahaa waddaniga iyo Aabihii Farta Cusmaaniyiinta (af-soomaaliga oo xaruuf carabi ah ku qoran) Cismaan Yusuf Keenadiid. Waxaan hadda ka hor akhriyey lix gabey oo uu curiyey, si aad ah baan ugu jidboodey mana arag wax yar oo aan naco. Abwaanimo da´ weyn dheh.
Akhristow madaalow, waan kuu duceeyoo, dadkaan kuu jeclaadaye, weligaa dib ha u dhicin, dooddaada soo celi, ra´yigaaga soo daa, damaashaadka soo badi, qabqablaha dagaalamiyo doc kaleba ha iga marin, ee kacaankeenna daadihi.
Ku soo dhawaada akhyaarey Gabeygaan la yiraahdo Boqol Anoo Gaarey  oo uu Aabe Gaani tiriyey sanadkii 1991-dii markii dagaalada, abaaraha iyo qaxu dadka u wada kulmeen. Waana gabey Alle bari ah.
Allow yaa fakhriga boorka weyn beryo moogaada
Allow yaan Bandheeriyo caduun Bari ka sii aadin
Allow yaa bukaankiyo jirrada iga balbaaliyeeya
Allow yaa bahdey iyo tolkey bixiya deynkooda
Allow yaan sekada baadiyeyn bixin hadey joogto
Allow yaan bilaash ugu afurin bilaha soon-qaadka
Allow ayaa xajkii lagu balamey booqasho u aada
Allow yaa denbiga baaba´shoo beenta la colooba
Allow yaa cibaadada bogiyo barashadii diinta
Allow yaa salaaddoo aan burin baxarka weydaarta
Cimrigii bataa waa inuu baawir leeyahaye
Allow yaa jannada ii bedala boqol anoo gaarey


Afartaas bayaanshaye waxaan soo bandhigay caawa
Allow yaa min-weyntaan bartiyo bilicda ii daaya
Allow yaa bahyaro guursadoo garow ku bereeya
Allow yaa ciyaalkoo batiyo barako ii yeela
Allow yaa bariis iyo hilbiyo baasto ku casheeya
Allow yaa baraarkoo cayilay beledyada u dhoofsha
Allow yaa bangiga iigu shuba beeso lacageedda
Allow yaa bakhaarada camira badi albaabeysan
Allow yaa baraag wacan dhistoo binada heenseeya
Cimrigii bataa waa inuu baawir leeyahaye
Allow yaa jannada ii bedala boqol anoo gaarey

Allow yaa xanta iyo beenta iyo xaasidnimo diida
Allow yaa xumaantiyo ka hara xaalka Mudug jooga
Allow yaa salaadaha xafida anaga oo xoog ah
Allow yaa xajkii loo socdiyo xaramka ii dhoofsha
Allow yaa xujeydiyo la shira nimanka xayroobey
Allow yaa xabaashii horteed xaqqa ku toosnaada
Allow yaa jannadu waa xurmee Xaawo igu siiya.

Suugaanta idiin soo socota waxaa ka mid ah Aqoonyahan, Qabqablaha dagaalka, kacaankeenna daadihi, sidii gaandi iyo kuwo kale.
Waad mahadsan tihiin dhamaan Akhristayaasha qaaliga ahow
Abwaanad Fowsiya M. Hashi (Gaani)
kaydhashi@hotmail.com
Xasuusin: Maamulka raxanreeb waxay idiin ogeysiinayaan , Suugaanta Abwaanada lama qaadan karo idankeeda la´aantiis !!!

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...