Saturday 19 March 2011

Dr Cali Warsame: Waxaad modaa mararka qaarkood bulshada soomaaliyeed in ayba raali ka yihiin wadciga dalkoodu ku jiro

Waliga ma aragtey Dhibane kii dhibey sacabka u tumaya?
Machadka Istiratijiyada Siyasada Ee Geeska Africa
Madaxiisa Sare
Dr : Ali Warsame
ilaheykabaq@hotmail.com
Mar 19 2011
Waxaad arkeysa ruux Soomaali ah oo qaxooti ah oo dagaladii sokeeya kasoo cararay, oo hadana ninkii dhibateeyey wali sacabka u tumaya . Waxaa dhacda mararka qaarkood hadii ruux mas uul ah aad dhaleeceyso in 10 aktaada fadhida ay difaaceyso ,sabab la aan.
Waxaa lagu yaqaan mujtamac haduu yahay mid aan wacyigiisu aheyn mid balaaran in ay adag tahay in uu aqbalo in nin madax ah la dhalaceyn karo iyo in kale . Soomaaliya dhibatooyin badan ayaa soo marey ,oo dadkii geystey in lala xisaabtamo iskadaaye mujrimiintii dalka burburiyey waxaanu ku kaalmeyna sacabka.
Waxaa haboon ninkastoo xil qabta in waxa uu ku xun yahayna la sheego waxa uu ku fiican yahayna la sheego , tuugada iyo mujrimiintana pulshada looga digo,waana mida kaliya oo ay ku hormareen dowladahan reer galbeedka.
Wax shakhsi caabud la yiraahdo ma yaqanaan , lakiin anagu kii na dhacay ama na dilay ayaa laga yaaba in aan wax ugu darno ama aan sacabka u garaacno.
Madaxweyne Sh Shariif intuu uusan talada dalka qabanin
Waxaad modaa mararka qaarkood bulshada soomaaliyeed in ayba raali ka yihiin wadciga dalkoodu ku jiro ,si andarakti ah, madaama aysan wadin dariiqii looga bixi laha dhibta ka jirta somalia ,oo la isku wada raacsan yahay in ay tahay dhibtaasi hogaamiye xumo ka jirta somalia.
Ma xalba marka in aanu sacabka iska tuna, iyaguna dhac iyo dil iyo sharaf xumo ay dalka ku hayaan ,oo somali barkeed cayr tahay, oo   hadana nagadoonayo in aanu sacabka u tuno.
Sidebaad u aragta akhristow hadii dadkii dhibta nocaasi haysatey oo hadana difaac iyo sacab iyo jaceyl u haya dadkii dalkooda kasoo saarey ama kuwa   door siyasadeed  hada ku leh somalia.
Waxaan u maleynaya isbadal in ay hesho pulshadan waa lagama maarmaan, oo qaabka fikirkeena aan badalno.
Madaxweyne Shariif markii la doortay kadib
Hada ka hor waxaan wax ka qorey madaxda somalia joogta sida isla markiiba ay isku badalaan goortii jago ama xil loo magacaabo iyo dhibta sida ay ugu badato dadkii laga rabey in ay noloshooda dhanka fiican u badalaan.
labo sawir ayaan raba in uu daawado akhristaha umana baahna sharaxaad dheer ,waxayna kuu cadeyneysa isbadalka ku dhaca madaxda somalida goortii xukun loo dhiibo ,lakiin shacabku meeshooda ayey taagan yihiin ama weyba ka darta noloshooda.
Waxaana dib u raacdaan ninkastoo somali ah, oo dalkan jago kasoo qabtey ,in isaga wax iska badalaan moyee dalka wax iskama badalaan, sidaas ay tahaybaa hadana dadkii dhibana kula yabayaan goorta damacdo in aad dhaleeceyso nin madax ah, oo arintani waa mid u baahan in mujtamaca somaliyeed uu is badalo oo qaabka fikirkeena ku dhisan hebal yaan wax laga sheegin , waa in la badala oo dhamaantayo fikirkeenu ku dhisnaada maslaxada guud.
Ugu danbeytii Somalia 21 sano ayey burbursan tahay ,hadii aydan diyaar u aheyn 20 sano danbe inaan sidan ahaano ,waa in aanu dhamaanteen ka wada shaqeyna ,sidii loola xisaabtami laha dadka aad maamulka u dhiibateen, oo magaciina wax ku cuno idinkuna aadka gaajeysantihiin !!!
Machadka SH Istiratijiyada Siyasada Ee Geeska Africa
Madaxiisa Sare
Dr : Ali Warsame

1 comment:

Anonymous said...

Do you mind if I quote a few of your articles as long as I provide credit and sources back to your webpage?

My website is in the very same area of interest as yours and my visitors would really benefit from some of the information you present
here. Please let me know if this ok with you. Thanks a lot!


my blog: pure green coffee bean side effects

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...