Saturday 19 March 2011

Qaxooti Somali ah Oo Ka Soo Qaxay Dalka Yaman Oo Maanta Boosaso Soo Gaaray

Boosaso ( RBC Radio ) Dad Farabadan Oo Ka soo Cararaya Dhibaatada Xooga leh ee ka jirta Dalka Yaman Ayaa maalmahan Soo Gaarayay magalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Tiradii ugu Badneed ee Dadkan ayaa Waxaa ay Maanta ka soo Dageen Dekeda Magalda Boosaso Waxana SOo Gaaraay Boosaso Maanta Dad Gaaraya 62 Ruux oo Ka soo Qaxay Dalka Yaman.
Barakacayaashan oo Rag Iyo Haween Iskugu Jira ayaa ka soo Cararay Dhibaatada Xooga leh ee ka Taagan Dalka Yaman Taasi oo Saameyn Buuxda Ku Yeelatay Dadka Somalida ah ee Ku Barakacay Markii Hore dalka Yaman.
Qaybo Ka mid ah dadkaasi Oo RBC Radio La Xiriiray ayaa sheegay in ay Soo Dhaweyen Xubno ka socda MRC Kuwaasi oo Ku Qaabilay Dakada Boosaso Isla Markaasina Diiwaangaliyay.
Waxaan ay Sheegen in ay Ugu Weyntahay Waxyaaabaha ay ka Soo Qaxeen Dhibaatoyin iskugu Jira Weeraro iyo Hanjabaadyo Is Daba joog ah Oo Uga Imanaya Dadka Ku Dhaqan Dalka Yaman.
Xafiiska Wararka Ee Boosaso
RBCBoosaso@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...