Tuesday 8 March 2011

Ciidamada Itoobiya oo dhaq dhaqaaqyo xoog leh ka wada Galgaduud

Ciidamada Itoobiyaanka ee labo maalmood ka hor soo galay Gobolka Galgaduud ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ka wada Gobolkaas, iyagoo xalay isku fidiyay qeybo ka mid ah deegaanada Dhuusa Mareeb.

Sida ay wararku sheegayaan Ciidamadan Itoobiyaanka oo ku hubeysan gaadiid fara badan ayaa xalay lagu arkay Dhuusa Mareeb, kuwaasoo la sheegay in dadka dhexdooda ay dhex socdeen.

Ciidamadan Itoobiyaanka oo aan wali la shaacin ujeedkooda ayaa dhaq dhaqaaqyo milateri sameynaya, iyagoo meelaha ay isku fidiyeen ka mid tahay dhinaca wadada aada degmada Ceelbuur iyo wadada Laamiga ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ay jireen, kuwaas oo aan soo gelin magaalada, iyadoo qeybta ugu badan Ciidamada ay mareen dhanka duleedka Dhuusa Mareeb, iyadoo saldhigyo ka sameystey duleedka shishe ee degmadaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshayaasha dagaal ee ay wado Dowladda KMG, iyadoo Ciidamadan u muuqdaan kuwo garabsiinaya kuwo dhowaan Culumaa'udiinka Ahlusuna Waljameeca horay loogu soo tababaray gudaha Itoobiya, kuwaas o qorsheynaya in duulaano ku qaadaan Shabaabka.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Culumaa'udiinka Ahlusuna Waljameeca oo ku aadan imaanshaha Ciidamada Itoobiya, iyadoo inta badan ay Saraakiishoda ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...