Tuesday 8 March 2011

DEG DEG: Taliyihii Laanta CID Somaliland ee Gobolka Sool oo Xalay lagu Dilay Laascaanood

Laascaanood (RBC) Taliyihii ciidanka dembi baarista ee CID ee Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa xalay lagu dilay bartamaha magaalada Laascaanood iyadoo ku xigeenkiisina uu soo gaaray dhaawac culus kadib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo aan la garan heybtooda.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamud Maxamed Xersi [oo ku magac dheeraa Asad] ayaa lagu dilay meel bartamaha magaalada Laascaanood ah.  Wuxuu dilkani dhacay abaare 9:00 fiidnimo siday xaqiijiyeen dad magaalada ku sugan.
Waxaana dhaawac culus uu soo gaaray ku xigeenkii taliyaha CID gobolka Sool kaasoo isa xalay loola cararay isbitaalka.
Waxaa sidoo kale isla goobta lagu dilay haweeney ka agdhoweyd meesha dilku ka dhacay taasoo rasaastu ay haleeshay.
Lama garanayo sababta dilkan keentay, hase yeeshee wuxuu dilkan ku soo beegmay xilli ay xiisado ka taagan yihiin guud ahaan deegaanada gobolka Sool.
Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa gudaha Laascaand lagu dilay ku dhawaad 10 sarkal oo ka tirsanaa ciidamada iyo maamulka gobolka ee Somaliland iyadoo dilalkan loo aaneynayo khilaafaadka ka dhex taagan dadka deegaanka iyo Somaliland oo joogitaankeeda gobolka aan la jecleysan.
Dhinaca kale: dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed reer Sool ah iyo ciidamada Somaliland ayaa shalay ka dhacay tuulada Gambara oo qiyaastii 20-KM u jirta Laascaanood, iyadoo wararku ay sheegayaan in dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac fara badan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...