Tuesday 8 March 2011

Deg Deg: Dagaalo xoogan oo ka bilowday gobalka Bakool

Muqdisho (RBC Radio) Dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka socdaan deegaanka Yurkud oo ka tirsan gobalka Bakool.
Dagaaladaan ayaa waxa ay u dhaxeeyaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa xarakada Al-Shabaab oo ayagu halkaasi ka ariminayay.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaaladaan ay bilowdeen goor dhow isla markaana dagaalku uu yahay mid xoogan.
Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha dowlada KMG Soomaaliya ee gobalka Bakool ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaan uu yahay mid qorsheesan.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ay doonayaan in saacadaha soo socda ay la wareegaan dhamaanba degmooyinka gobalada bay iyo Bakool.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa ay dagaalo xoogan ka socdeen qaybo ka mid ah gobalka Gado, isla markaana  ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay guulo ka gaareen dagaaladaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...