Wednesday 9 March 2011

Dacwadii Maxamed Dheere oo loo Wareejiyey Maxkamada Gobolka Banaadir (War-Saxaafadeed)

Muqdisho (RBC) War saxaafadeed galabta ka soo baxay gudoomiyaha maxkamada sare ee DKMG Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gal dacwadeedkii hogaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb [Maxamed Dheere] oo Dawlada u xiran loo wareejiyey maxkamada gobolka Banaadir.
War saxaafadeedkan oo ku taariikheysan 6-03-2011 ayaa lagu sheegay in maxkamada sare ay go’aamisay in kiiska Maxamed Dheere loo wareejiyo maxkamada gobolka Banaadir kadib markii uu sidaasi codsaday qareenka u doodaya Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere oo ay dawladu ku eedeysay inuu lug ku lahaa dad rayid ah oo lagu laayey agagaarka EX-fiyoore 15-kii Febraayo kuwaaso ka qeybqaadanayey dibadbax nabadeed oo dawlada lagu taageerayey, waxaa Maxamed Dheere iyo rag kale oo lagu tuhmay kiiskaasi la soo xiray isla 16kii Febraayo iyadoo DKMG ay sheegtay in dadkii ka dambeeyey dilka dadka rayidka ay qabatay.
Waxaana wareejinta dacwadiisa ee loo wareejiyey maxkamada gobolka Banaadir ay ku soo beegmeysaa iyadoo mudooyinkanba ay jireen wada hadalo hoose oo u dhexeeya odayaasha beesha Maxamed Dheere iyo saraakiisha DKMG oo looga hadlay sidii bal arinta Maxamed Dheere dhinac loogu ridi lahaa iyadoo dawlada laga codsaday inay degdeg maxkamad u geyso Maxamed Dheere haddii uu dembi leeyahay haddii kale la siidaayo, Maadaama uu weli ku xiran yahay xabsiga dhex
Warqadii Maxkamada Sare

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...