Monday 7 March 2011

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo caawa ka jira Bakool iyo Ciidamo ka soo dhaqaaqay xuduuda

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa caawa qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, iyadoo Ciidamo fara badan ay ka soo dhaqaaqeen deegaanada xuduuda ah ee ku yaala Gobolkaas uu dhanka Itoobiya kala wadaago.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna oo ay wehliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka soo dhaqaaqeen dhanka Xuduuda, oo ay ku fool leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo qalab milateri ayaa la sheegay in caawa ay soo buuxiyeen degmada Yeed oo u dhow xuduuda Itoobiya, iyagoo kaga ruuqaansaday dhinaca waqooyi.

Sidoo kale warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ciidamada Al-Shabaab ee ku sugnaa degmada Xudur ay faarujiyeen, hase ahaatee ay dhanka duleedka la sheegayo inay difaac ka galeen, si ay u caabiyaan huwanta ku soo fool leh,

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka soconaya Gobolada Bartamaha iyo kuwa Koofureed ayaa ah kuwo isku ujeedo ah, oo qorshahooda yahay sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada faraha badan ee ay gacanta ku hayaan.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo la hadlayay Idaacadaha ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku soo duuleen dalka, isagoo ka dalbaday Ciidamadiisa inay u diyaar garoobaan dagaal jihaad ah iyo xeelado cusub oo ay kula dagaalamaan.

Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo abaabulada socda ayaa waxay yihiin kuwo bilow u ah dagaalo la filan karo in waqtiyada soo socda inay ka qarxaan Gobolada ay Shabaabka ka taliyaan.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...