Monday, 7 March 2011

DEG DEG: Ciidamada Shabaab oo Faarujiyey Degmooyinka Garbahaareey, Ceelwaaq iyo Buurdhuubo

Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya gobolja Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay maanta isaga bexeen degmooyinka Garbahaareey, Ceelwaaq iyo Buurdhuubo oo ka mid ah gobolka Gedo ayna gacanta ku hayeen Shabaabka.
Ma jirin wax dagaal ah oo maanta ka dhacay degmooyinkaasi, waxayna ka bixitaanka degmooyinkan ay ka dambeysay kadib markii xalay ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ay qabsadeen degmada Luuq oo ah marin loo soo maro degaanada kale ee Gedo.  Waxaa xudid mudan in Luuq aanu ka dhicin wax dagaal ah.
Ciidamada Shabaab ayaa la sheegayaa inay isugu soo urureen degmada Baardheere oo ciidamdooda iyo tiknikadooda ay isugu keeneen saaka.
Qof ku sugan degmada Luuq oo telefoonka aan kula hadalnay maanta ayaa RBC Radio u sheegay inuu arkay ciidamada DKMG oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia oo saaran baabuurta dagaalka oo magaalada soo galay isla markaana fariisimo ka sametystay dhowr meelood sida saldhiga iyo xarunta degmada Luuq.
Waxaa inta badan degmooyinka Gedo ka taagan xaalad cabsi iyo isbedel ay dadku ka qabaan xaaladan isbedelaysa ee gobolka ka jirta, inkastoo illaa hadda aan la soo sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay degmooyinka saaka Shabaab isaga bexeen.
Saraakiisha ciidamada DKMG ayaa sheegay inay sii wadaan qabsashada deegaanada ay baneynayaan Shabaab ee gobolka Gedo.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Shabaab oo ku saabsan degmooyinkan maanta laga qabsaday.
WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...