Monday 7 March 2011

Madaxweyne Sheekh Shariif oo Xilkii ka Qaaday Taliyayaasha Militariga, Nabadsugida, Booliska iyo Asluubta (War-saxaafadeed)

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabtaxilkii ka xayuubiyey taliyayaashii ciidamada kala duwan ee DKMG Soomaaliya.
War saxaafadeed uu soo saaray galabta madaxweynaha kana soo baxay xarunta Villa Baydhabo ee taliska ciidamada ayaa waxaa xilka laga qaaday taliyihii ciidamada militariga, taliyihii booliska, taliyihii asluubta iyo taliyihii nabadsugida [PIS].
Ma jirto cid la sheegay in xilalkaasi loo magacaabay, balse waxaa wareegtada lagu xusay in madaxweynuhuu uu arintan u sameeyey kadib markii wasiirada amaanka ee dawlada ay soo jeediyeen arintan.
Haddaba war saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan;-
War- Saxaafadeed
(Villa Baydhabo Somalia Isniin Maarso 07) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Ahmed ayaa wareegto uu Xilka ugu qaadayo dhamaan Taliyayaasha Ciidamada  Amniga ka soo saaray xafiiskiisa.
Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirada ay arintaani quseyso  oo uu horkacayay Raisul Wasaare Maxamed cabdulahi Farmaajo.
Madaxwenaha oo  tixgilelinaya  soojeedinta  wasiirada  islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan.
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi.
Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO  Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.
Taliyaha Ciidamada    Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan. 
 War saxaafadeedkan waxaa na soo gaarsiiyey
 Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha- Muqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...