Monday 7 March 2011

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in Arrinta Maxamed Dheere maalmaha soo socda go'aan laga gaarayo

Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hilowle oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in arrinta Maxamed Dheere ay Dowladda KMG maalmaha soo socda ay go'aan ka gaari doonto, xilli muddo dhowr iyo labaatan cisho ah uu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Ow-Hilowle oo ay isku heyb yihiin Maxamed Dheere ayaa sheegay in Gudi Xildhibaano oo uu ka mid ahaa loo saaray Arrinta Maxamed Dheere, isagoo sheegay inay la kulmeen Madaxda Dowladda KMG ayna kala hadleen dacwada la xiriirta xariga Maxamed Dheere.

"Go'aan kama dambeys ah ayay Xukuumada maalmaha soo socda ka gaari doontaa dacwada la xiriirta xariga Maxamed Dheere"ayuu yiri Xildhibaankan oo koox Wariyeyaal ah maanta ugu waramayay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Taageerayaasha Maxamed Dheere in aysan dhigin wax banaan baxyo ah, oo ay joojiyaan inta xal laga gaarayo maalmaha soo socda xariga Duqii hore ee Muqdisho.

Maxamed Dheere iyo Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Qeybdiid iyo saddex kale ayaa loo heysta dacwad la xiriirta weerar lagu qaaday dad banaan baxayay 15-kii bishii hore, kuwaas oo lagu rasaaseeyay agagaarka Gurigii Hooyooyinka iyo Ex Fiyoore, iyadoo weerarkaas ay geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG.

Ha yeeshee maalin kadib ayaa Xukuumada uu hogaamiyo Farmaajo ay ka dhawaajisay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay ku guuleysteen inay soo qabtaan raggii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamada AMISOM oo ilaa muddo saddex cisho hayay Maxamed Dheere ayaa Dowladda KMG ku wareejiyay 18-kii Bishii Febraayo, iyadoo saxaafada loo soo bandhigay isagoo gamcaha ka xirnaa, waxaana xilligaas mar uu saxaafada ka hadlay uu cadeeyay in aanu wax dambi ah uusan laheyn.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda KMG ayaa laga dhowrayaa inay cadeyso dambiga ay ku heyso Maxamed Dheere, waxaana ay arrin fashil ay noqoneysaa hadii ay ku cadeyn weydo dambigiisa oo ay ka dhalan karto xasaasiyad weyn oo ragaadin karta siyaasada Dowladda Soomaaliya.
Source. Jowhar.com



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...