Monday 7 March 2011

Ciidamadii Itoobiyaanka oo isaga baxay Dhuusamareeb iyo faah faahinno kasoo baxay sababihii ay halkaasi u tageen.

Ciidamadii Itoobiyaanka ee labo maalmood ka hor soo galay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa maanta halkaasi faarujiyay.
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka oo ku qalabeysan Gaadiidka dagaalka ay ka gudbeen deegaanada ku yaala Xuduud beenaadka ay Xoogga ku heysto Dowladda Itoobiya.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa sababihii keenay in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan degmada Dhuusamareeb, warar ay heysay Shabakadda Amiir Nuur Media ayaa waxay ku warramayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ay baadi goob ugu jireen Maleeshiyaad ka tirsan Mushrikiinta qurbuuro caabubka ah oo maalmo ka hor hub kala soo goostay Ciidamo Itoobiyaan ah.
Maleeshiyaadka hubka lasoo goostay ayaa kasoo jeeda tuulada Xeraale ee gobolka Galguduud, waxayna Dowladda Itoobiya ay doonaysay in Maleeshiyaadkaaskaasi ay ku weerarto deegaano ka tirsan wilaayada Galguduud basle ay baxsadeen markii ay soo gaareen deegaanka Xeraale.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kulamo is dabo joog ah Xerada 21aad ee bartamaha magaalada Dhuusamareeb ku yeelanayay Saraakiisha Itoobiyaanka ee horkacayay Ciidamadii halkaasi soo gaaray iyo Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka qubuuriyiinta, laakiin kulamaasi ayaa gebi ahaantood waxay kusoo dhamaadeen fashil sida ay kusoo warramayaan ilo wareedyo ku sugan degmada Dhuusamareeb.
AmiirNuur Media
amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...