Sunday 20 March 2011

Gaafoow Ma Cabdalla Shideeye ayuu noqday?(Qormo-Xiiso-Badan)‏


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 18 March 2011 22:15

Taliyaha laanta socdaalka ee Soomaliya Gen.Gaafow, waxa uu dhawaan badalay Passportkii Somliya, Arinkaas oo aan Barlamaanka la soo marsiin.Hadaba waxaan ognahauy in Villa Somaliya hadda tahay Suuqii Cabdalla Shideeye- Suuqaas oo ku caan baxay decomentska aan sharciga waafaqsanayn een dawladi leedahay sida:- Passportika, shatiyada, Driving license, Seaman passport, Import/export license etc.

Maxay tahay sababta loo badalay qaabka Passaportka?- Akhristow waxaan soo ogaanay in sababatu tahay in Passaportiga Somaliya lacag laga sameeyo, Lacagtaasna ay shaqsiyaad gaara sida Ina Cabdalla shideeye jeebkooda ku dhacdo. Hadaba waxaa adkaatay samaynta iyo iibgayta Passportiga saxda ee Somaliya, waxaa markaa Villa Cabdalla shideeye ninka ugu sareeya amray in ina Cabdalla shideeye waa Gen.Gaafowe, in la soo sameeyo Passporti aan midkaan ahayn, cidii markaas passaporti doonaysana lagu jeeb baarto.

Ma ogtahay akhristow in dadkii somaliyeed een u baahna Passportiga wadankooda oo sax ah ay la kulmeen dhibaato culus, kadib markay tageen Laantii socdaalka ee Nssta-Waxay halkaas ka soo Qaateen Passporti ay u haysteen kii saxda ahaa ee Somaliya, waxayna ku bixiyeen halkaas lacag aad u xad dhaaf ah, marka la eego qofka somaliga ee wadankii jooga waxa uu awoodo maanta. Waa dhacdooyinka la yaabka leh ka mida, beeshii caalamka ee Passportiga Somaliya Aqoonsatay (wadamadii) waxay in mudo yar kadiba arkeen in Passportigii Somaliya ee ay aqoonsadeen yahay mid aan la aamini karayn cida sidata-Maxaa yeelay maaha Passportiga hadda ka soo baxaya Laanta socdaalka Somaliya kii ay horey u aqoonsadeen ee waa mid ka duwan.Passportiga hadda ka soo baxaya Villa cabdalla shideeye een gen. Gaafow iyo Sh.Tuke iibinyaan, waxa uu meelo badan uga duwan yahay Passportii hore een xiligii H.E.Abdulaahi Yusuf oo wadanka madawaynaha ka ahaa.

War Gaafowow ina Cabdalla shideeye: ( Soo gari kuma gasho, kaamana baxdo), dadkii aad Passportiga been abuurka ka iibisay, dariiqyada ayey la taagan yihiin, waxayna kaa doonayaan in aad Lacagtoodii u soo celiso.Mida kale wadamadii Passportiga Somaliya aqoonsaday waxay kaaga fadhiyaan in aad sharaxaad ka bixiso is badalkaan villa cabdalla shideeye ay sameeyeen.Koley anigu waan ogahay oo gari kuma gasho kaamana baxde, bal aan dhawrno in aad banaanka la timaado wax u cuntamaya ummada somaliyee iyo beesha caalamka.

Qalinkii:Mahad Yusuf

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...