Sunday 20 March 2011

Wiil yar oo jirkiisu Magnad yahay “Mucjiso+DAAWO”


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 17 March 2011 02:50

Bogdan  waa wiil yar oo 7 sano jir ah, waxa uu jirkiisu noqday mid magnad ah, iyadoo alle uu awood u siiyay in sida magnadka oo kale uu shey kasta oo magnadku qabto uu jirkiisu soo qabanayo.

Bogdan sida Sawirada iyo Muuqaalka aanu idiin soo bandhignay aad ku arki doontaan, waxa uu xabadkiisu magnad ahaan u qabanayaa shay kasta, iyadoo bir iyo dhoob midna aanuu u kala saareynin.

7 jirkan waxa uu u dhashay dalka Serbia,sida reerkiisu sheegeen looma ogola inuu fariisto goobaha ay ka ag dhaw yihiin walxaha korantada ku shaqeeya sida Kombiyuutarada,Telefishinka, maxaa yeelay waxa uu jirkiisu si toos ah sidii magnad oo kale ugu dhagayaa qalabkaas.

Marka laga soo tago halista reerkiisu sheegeen inay ka ilaaliyaan, waxa uu jirkiisa magnadka ahi u xifdiyay reerka Telefishin hagaha (Remote control), kaas oo inta badan guryaha reeraha caruurtu ay lumiyaan.

Bogdon wax culeys ah ma dareemayo, sida wariyaha tv-ga MSNBC uu ku soo waramay, iyadoo arrintani shaki aysan ku jirin inay kamid tahay Mucjisooyinka iyo awoodaha dadka qaar uu alle siiyay.

Daawo Mucjisadan:


Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...