Sunday 20 March 2011

Maxkamad sharciyaysay aflagaadeynta Nabiga siina deysay nin Aflagaadeeyay Nebi-Maxamed (SWC) oo dacwo ay ku soo oogeen Muslimiinta Sweden ku nool


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 20 March 2011 06:17

Maxkamad ku taala magaalada Malmö ayaa go,aamisay in aysan sharci daro ahayn in la sameeyo sawiro aflagaado ku-ah Nabi Muxamed (nnkh), ayadoo maxkamadu ooda ka qaatay ninka lagu magacaabo Carl P Herslow oo madax ka ah xisbi cunsuri ah oo ka dhisan  Magaalada Skåne ee Dalka Swden oo lagu magacaabo Skånepartiet.

Ninkaan ayaa markii hore waxaa dacwad ku soo oogay Muslimiinta ku dhaqan Dalka Sweden  ka dib markii uu soo sawiray kartoon uu ka sawiran yahay nin qaawan iyo xaaskiisa oo ay ku qorantahay “Waa 53 sano jir, iyaduna waa 9 sano jir. ma guurkaan ayaan ka rabnaa Skåne” kaasoo ay muuqato in uu ku aflgaadeynayo Nabiga (nnkh)  iyo xaaskiisa Caisha (rc).

Xeer ilaaliyaha cadaalada Sweden (Justitiekanslern – JK) oo Sweden u qaabilsan maxkamadaynta arimaha la xidhiidha xoriyada hadalka ayaa ninkaan maxkamada soo saaray asagoo lagu eedeeyay in uu sameynayay naceyb hadal iyo in uu sawiradiisa ay xushmad daro ku yihiin Muslimiinta.

Maxkamada ayaa sheegtay in sawirka ninkaan aysan sharci jabin. Xisbiga Skånepartiet ayaa ah xisbi cunsuri ah oo ka soo horjeeda soo galootiga. Waxaa muuqata cidkasta oo neceb soo galootiga in ay ku qaraabaneyso kicinta iyo naceybka Muslimiinta. Xisbigaan ayaa doorashadii la soo dhaafay ka helay 17 cod.

W/D:Mustafa Xaaji:Sweden:Shacabkamedia

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...