Tuesday 8 March 2011

Go'aanadii Shirkii Boocame

War deg deg ah: Shirkii Boocame oo ay ka soo baxeen go'aamo ay ka mid... 30 Oct 2007

War hada naga soo gaaray magaalada Boocame ayaa sheegaya in shirkii ka socdey magaalada haatan la soo gabagabeeyey isla markaana ay ka soo baxeen go'aamo ay ku mideysan yihiin dhamaan odayaashii iyo waxgaradkii ka soo qayb galey shirkaasi.
Shirka ayaa waxaa go'aamada lagu gaarey ka mid ah in beesha dhulbahante ay si buuxda u cadeynayso inay tahay beelaha Puntland, isla markaana deegan ahaan iyo dad ahaan ay yihiin Puntland, isla markaana deegaanada beesha ay isaga baxdo Somaliland.
Shirkan oo saaka lagu wadey in uu soo xirmo ayaa waxaa shaki ku jirey qaar ka mid ah qodobada shirka oo ka qayb galayaasha shirka ku adkeysteen in loo kala cadeeyo dadka qodobada hooska la galiyey, waxaana bayaankii saaka qayb ka mid ah uu xusayey in beeshu ay ku baaqayso in Somaliland ka baxdo deegaanada beesha Dhulbahante, hase yeeshee waxaa arintaasi ay keentey khilaaf iyo in dib la isugu laabto shirka.
Ka dib saacado fara badan ayaa waxaa gunaanadkii la soo saarey qodobo kala duwan oo ay ka mid tahay in beeshu ay si buuxda u ayidsan tahay maamulka Puntland, isla markaana ay ku baaqayso in deegaanada Somaliland laga saaro ciidamada Somaliland si guudna difaac loo galo isla markaana maamulka Puntlnad uu sameeyo talaabo kasta oo arimahaasi lagu hirgalin karo.
Warar dheeraad ah shirka waan idiin soo gudbin doona insha ALLAAH.
SBC International News Desk

GO’AANADII SHIRKA oo dhamaystiran waa kan:- 
 Midnimada Beesha Dhulbahante Waa muqaddas, Sidaa awgeed
b- waa in laga digtoonaado wixii xumaynaya midnimada beesha sida Dacaayadaha, kutiri-kuteenta, been abuurka iyo dhammaan wixii wax u dhimikara ama dhaawici kara midnimada beesha dhulbahante
t- Waa in laga midoobo maalka, Muruqa iyo Maskaxdaba. (i.e against Somaliland ;)):o
j- Sida dhulbahantaha guduhu u midoobeen waxaa waajib ku ah in dhulbahantaha debedduna midoobo.

II. In degaannada Dhulbahante laga xoreeyo maleeshiyada
midnimo-diidka ah, si taas loo gaaro;
b- Waa in Naf iyo maalba loo huro xoraynta dalka.
t- Qaabka iyo nidaamka Xorayntu waa sir

III. In Dhulbahante ku wada noolaado Sinnaan iyo caddaalad,
si arrintaas loo hirgeliyana;
b- Dhulbahante waa inuu sinnaado dhib iyo Dheefba dhexdiisa.

IV. Waa in Beelaha ku bahoobey Maamulka Puntland gacan ka geystaan
Xoraynta Degaannada Dhulbahante(SSC) Maamul ahaan iyo Beel
ahaanba.

V. Waxaan la socodsiinaynaa; ururka qaramada midobey (UN), ururka
midowga Afrika(AU), Ururka Midowga Yurub(EC/EU), Ururka
Jaamacadda Carabta, ururka islaamka, ururka dawladaha geeska
Afrika (IGAD) iyo dawladda federaalka ee soomaaliyeed;
a) In aanaan ka mid ahayn maamulka midnimo-diidka ah ee reer waqooyi.
b) Isla markaasna ay masuul ka yihiin xad-gudubka ka dhacaya degaannadaas, dushana ku qaadi doonaan cawaaqib-xumada ka dhalata.

VI. Shaqsiyaadka Beesha Ku abtirsada ee la socda Midnimo-diidka;
a) Waa inay muddo 10 maalmood ah kaga soo baxaan maamulka midnimo-diidka ah laga bilaabo maalinta go’aankani dhaqangalo taasoo ku aaddan 23ka November 2007. Haddii kale iyaga ayaa masuul ka noqonaya wixii soo gaadhaVII. Waa in Beelaha Dhulbahante(SSC) isugu yimaadaan shir turxaan bixin ah, marka laga xoreeyo maamulka midnimo-diidka ah deggaannada SSC.

VIII. Si loo meelmariyo go’aammada kor ku xusan waxaa la magacaabay guddiyada hoos ku qoran:-
1- Guddiga Dhaqaalaha; waxaana xil ka saaran yahay a) Uruurinta iyo kaydinta dhaqaalaha lagu xoraynayo dalka gudo iyo debedba.
b) Cidkasta oo arrinta xoraynta dhaqaale ku bixinaysaana waxay la xiriiraysaa guddigaas.
2- Guddiga Difaaca; waxaa xil ka saaran yahay xoraynta degaannada SSC, xoraynta ka dib waxay gacanta ku haynayaan maamulka SSC inta maamul loo samaynayo.
3- Guddiga Abaabulka & Kormeerka; waxaa xil ka saaran yahay
a) Dhexmarka iyo wacyigelinta beelaha Dhulbahante.
b) La xisaabtanka Guddiyada iyo hanti-dhowridda.
4- Guddiga Xidhiidhka debedda; waxaa xil ka saaran yahay dhammaan xidhiidhada debedda sida:-
a) Hay’adaha Caalamiga ah
b) Dawladaha
c) Jaaliyadda
d) Dawladda federaalka

F.G.: Xubintii shaqada loo xilsaaro ka baaqsata beesha waxaa laga codsanayaa inay beddesho.
Waxaa ku lifaaqan go’aankan beelaha dhulbahante guddoonkii shirka iyo Ergadii saxeexday.

Shirguddoonka:-
1   Xasan Cawed Guunje   Guddoomiye
2   Maxamuud Xaaji Cumar   G/k/xigeen 1aad
3   Saleban X. Maxamed Samatar   G/k/xigeen 2aad
4   C/rashiid Maxamed Axmed   Xoghayn   
5   Cali Baxnaan   Xoghayn      
6   Mukhtaar Xirsi Jaamac   Xoghayn   
7   Siciid Cashuur Abyan   Xoghayn   
8   Maxamud Jaamac banaf   Xoghayn   
9   Axmed Jaamac Miraaf   Xoghayn   
10   C/rashid Mxmed Ceelaayo   Xoghayn      

Liiska Ergada
L/T   MAGACA   Saxiix   
1-    Caaqil Xasan Cawed Guunje      
2-    Maxamuud Xaaji Cumar Camey   
3-    Caaqil Axmed Cabdi Gaas      
4-    Caaqil caydiid warsame gangoome   
5-    Caaqil Xasan warsame Aadan      
6-    Caaqil salaad Xuseen Bide      
7-    Caaqil Hurre Caynab      
8-    W/Caaqil Saleebaan Halac      
9-    Caaqil Faarax Obsiiye Caynab      
10-    Oday Ismaaciil Muuse Abyan      
11-    OdayAxmed Khaliif Cabdi      
12-    Saalax maxamed Maxamuud      
13-    C/rashiid Maxamed Axmed      
14-    Yuusuf Jaamac Calas      
15-    Xuseen Axmed      
16-    Caaqil C/kariim Xasan Saalax      
17-    Oday Maxamuud Cabdi Ciise      
18-    Oday Cabdullaahi Faarax Ciise   
19-    Oday Cali Axmed Jaamac      
20-    Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore   
21-    Caaqil Faarax Muuse Dhiil      
22-    Oday Axmed Aadan Cali      
23-    Oday Aadan Koore Garaase      
24-    Oday Nuur Faarax Gofood      
25-    Oday Axmed Maxamed Cige      
26-    Oday Cabdi Axmed Yaman      
27-    Oday Ducaale Baaderi Dalmar      
28-    Oday Garaase warsame Gurey   
29-    Oday Maxamuud Baashe Barre   
30-    Oday C/laahi Aadan Ducaale      
31-    Oday Cabdi Cawke Cali      
32-    Oday jaamac Maxamed Xasan      
33-    Caaqil Xasan Maxamed Saleebaan   
34-    Caaqil yaasiin Warsame Geyre   
35-    Caaqil Aadan Cumar Shaacuur      
36-    Dr. Cisman XaajiCali C/laahi      
37-    Oday Yuusuf Xasan Cali      
38-    Oday Aadan Cali Axmed      
39-    Oday yaasiin Faarax Cige      
40-    Oday C/raxmaan Sh.Cismaan      
41-    Oday Maxamed Cumar Ismaaciil   
42-    Oday Xasan Carab Muuse      
43-    Oday Cabdi Hogad Yuusuf      
44-    Oday Jaamac Cabdi Muxyi      
45-    Oday Ibraahim Jaamac Muuse      
46-    Oday Cabdi Jaamac Geyre      
47-    Oday Maxamuud Aw-Aadan X.Xuseen   
48-    Oday Maxamed Daroor Cawed   
49-    Oday Maxamed Maccallim Faarax   
50-    Oday Siciid Aw-muuse      
51-    Oday saleebaan Boos Cabdi      
52-    Oday Cumar jaamac Barre      
53-    Caaqil Maxamed Cilmi Xuseen      
54-    Oday Cabdi Jaamac Faarax      
55-    W/caaqil Maxamed Nuur Xaashad   
56-    Oday Cabdi Aadan Cali      
57-    Oday Axmed Jaamac Goox      
58-    Oday Maxamuud Axmed Xasan   
59-    Oday Khaliif Yuusuf Maxamed      
60-    Oday Aadan Cali Ducaale      
61-    Oday Cabdulle Cabdi Faarax      
62-    Caaqil Xaajimahad Xaaji Yuusuf   
63-    Caaqil Daahir Maxamed Cumar   
64-    Oday Daahir xaaji Xasan Cabdulle   
65-    Oday Xirsi Xuseen Jaamac      
66-    Oday cali Xirsi Cawil      
67-    Oday Mukhtaar Xirsi Jaamac      
68-    Oday Axmed Cabdi Xuseen      
69-    Oday Maxamuud Aw-Xasan      
70-    Oday Jirde Guure Cali      
71-    Oday Maxamed Cabdi Maxamuud   
72-    Oday C/laahi Xasan Qanbi      
73-    Oday Maxamed Cali Durraan      
74-    Oday Xuseen Dacwi Ducaale      
75-    Caaqil Axmed Aadan Xaad      
76-    Caaqil Maxamed Jaamac Biixi      
77-    Oday C/nuur Maxamuud Aw-muuse   
78-    Oday Cabdi Ducaale Darwiish      
79-    Oday Xaaji Ismaaciil Maxamud Guluf   
80-    Oday C/rashhid Xuseen Galbedi   
81-    Caaqil Cali Baxnaan      
82-    Caaqil Axmed Saalax      
83-    Oday Axmed Dayib      
84-    Oday Jamac Cilmi      
85-    Oday Shaqalle Cumar      
86-    Oday Daahir Maxamed      
87-    Oday C/nasir Xirsi      
88-    Oday Cali Qadaadwegereed      
89-    Oday C/risaaq Geelle Cali      
90-    Oday Jaamac Maxamed Maxamud     

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...