Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu mudooyinkan dambe deganaa magaalada Riyad ee wadanka Sacuudiga, waxaana dhawanaahan uu ka sheeganayey xanuuno dhowr jeer uu isbitaalka la galay.Geeridiisa waxaa maanta xaqiijiyey carruurtiisa oo degan Sacuudiga, waxaana lagu aasay dalka Sacuudiga. Dad kala duwan oo isugu jira masuuliyiin iyo culimaa’udiin ayaa ka tacsiyeeyey geerida Sheekha.
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhambaal tacsi ah maanta gaarsiiyey ehelada sheekha uu ka gweriyooday isagoo Alle uga baryey inuu samir iyo iimaan kasiiyo.
Sidoo kale culimaa’udiin fara badan oo Soomaaliyeed kuna sugan gudaha iyo dibadda ayaa tacsi hawada u soo marinaya ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Sheekh Cumar Faaruuq- Rabbi naxariistiisa hasiiyo Qabrigana ha u waasiciyo Caalimkaasi ummada Soomaaliyeed ka geeriyooday.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment