Tuesday 8 March 2011

Puntland maxay ka geysan karta nabada Soomaaliya?

Puntland maxay ka geysan karta nabada Soomaaliya?
Machadka Istiratijiyada Siyasada Ee Geeska Africa
Madaxiisa Sare
Dr : Ali Warsame
ilaheykabaq@hotmail.com
Mar 08 2011
Puntland wax badan ayey ka geysan karta in somalia loo helo xal mushkiladeeda, waxaana aan aaminsanahay in ay wax badan horey uga qabatey ,hadey ahaan laheyd taakule dhaqaale iyo mid ciidanba .
Puntland waxa ay somalia u qabatey wax yaabo badan, oo ay umada somaliyeed ay ku farxeen dhanka baadigoobka sidii lagu badbaadin laha umada somaliyeed iyo iyadoo doorweyn ka cayaartey nabada somalia iyo badbaadinta jiilalka soo socda ee somalia. Reer puntland oo ah dad aqoonsan in aysan umada somaliyeed aysan kala maarmin.
Waxaan aamin sanahay in maamulka Puntland uusan ku khaldaneyn talabadii uu qaatey ,lakiin waxaan qaba in hadii ay dowladii somalia ay daacad ka tahay in ay kasoo baxdo doorkeedii in la siinkaro fursad umada somaliyeed.
khilaafka somalia cidna maslaxad uguma jirto, oo shacabkii somaliyeed ee dhibateysna xal uma noqoneyso in dalka qeybna dagaal iyo burbur ka jiro qeybna ay dhaanto.
Umadani waa somali kan dhinta waa somali , kan dharagsana waa somali, somalina waa dad wax wada qeybsada dhib iyo dheefba.
Sidaas darteed ayaan waxaan oran laheyn Puntland fursadkale ha siiso Umada somaliyeed, oo xiriirkii dowlada iyo puntland dib haloo sooceliyo, si loo badbaadiyo dalkan, waxaan aamin sanahay in geed dheer iyo mid gaabanba loo karo danta guud ee umadan dhiigbaxa ku socdo .
Waxyaabo badan ayaa cadeynaya in ay dhab ka tahay shariif dowladiisa in ay dooneyso in ay kasoo baxdo doorkeedii maalmihii lasoo dhaafey, waana in ay Puntland iyaduna siisa fursad umada somaliyeed, anagoo og in uu madaxweynaha Puntland yahay nin Muwaadinimadu ay ku balaaran tahay oo jacel isku imaadka umada somaliyeed xoog badana ku bixiyey sidii uu uga dhabeyn laha riyadaas.
Waxaa jira isbadalo jiyoo siyaasi ah oo kusoo foodleh Geeska Africa ,waana muhiim in wadcigan cusub aan kula tacaalno sidii aan u xoojin laheyn dowlada Somalia ee uu hogaamiyo sheikh shariif, waxaa jira waxyaabo badan oo aan halkan laga sheegi karin lakiin uu ku doonayo ingriiska in uu somalia ku kala gooyo.
Waxa hubaal ah in laga dhabeeyo in ay muqadas tahay midnimadeena iyo in ay umada somaliyeed waxa lala doonayo aysan ku guuleysanin dowladaha doonaya in ay kala goyaan somalia. awooda somalia waxa ay ku jirta waa midnimadeeda oo kaliya iyo iyadoo meel uga soo wada jeesata Somalidiid oo dhan meeshuu doono haka jooge somalia.
Waxaaan ka codsaneyna maamulka sare in baaritaan lagu sameeyo isbadalada aanu ka hadleyno, oo ay u muuqan doonto dad badan oo somaliyeed dhawanahan, ciyaartan ayaa waxa ku jira Sirdoonka ingriiska iyo mosaadka israel, waana sinaaryo lagu xoojinayo qolyaha somalidiidka ah.
Ugu danbey maslaxada Puntland waxa ay ku jirta in ay la jaanqaado isbadalada cusub ee somalia kusoo foodleh………….
Machadka Istiratijiyada Siyasada Ee Geeska Africa
Madaxiisa Sare
Dr : Ali Warsame

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...