Kismaayo (RBC) Shir ay maanta ku yeesheen Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa galabta kusoo gabagaboobay. Shirkaas ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxa Maamulka ku Meelgaarka ee Kismaayo ka arimiya SH Axmad Madoobe.
Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in looga arinsanayey habsami usocodka shirka Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Waxaa gudiga isku raaceen sidan
- In ergooyinka ay shirarkooda uu bilowdo Maarso 4 2013
- In Gobolo ama Deegaan wax lagu qeybsado
- in 30 Isim oo ka koobmaan dhamaan beelaha wada dega Goboladaas.
- Jubbada Hoose waxaa ay heleen 14 Isim.
- Jubbada Dhexe waxaa ay heleen 8 Isim
- Geddo waxaa ay heleen 8 Isim
Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxa uuna ka dhacay xarunta Jaamacada Kismaayo halkaas oo maalmihii danbe ay ka socotay qabanqaabada qabashada shirka samaynta maamulka Jubbaland oo ay ku hawlanaayeen gudiga farsamada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Dhanka kale go’aamada ay maanta ku gaareen Kismaayo Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu ku sheegay in dawladu aysan aqbaleyn ayna raali ka ahayn shirka Kismaayo ka furmay maalinimadii Khamiista. Shirkaasoo furitaankiisii ay ka qeybgaleen illaa shan xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah.
No comments:
Post a Comment