Saturday, 2 March 2013

Kismaayo Jidka loo maro.


Kismaayo Jidka loo maro.
Faaisa Maxamuud
faaisa84@hotmail.com
Maarso 03 2013
Rabbi naxariistii janno ha geeyee Qoraa Soomaaliyeed oo gu’gii 2011 ku iishay Xamar ayaa wuxuu dareenkiisa ku cabiri jiray qormooyin lagu daabici jiray wargays Af soomaali ku soo baxa magaciisuna yahay Af qalaad waa Muqdisho Times oo kasoo baxa Xamar ogaantay.
Maxamed Xassan jeeri bilowgii halaaagii na wada saameeyay ayuu qormo uu ugu magac daray raadiyow reer hebel ku shaacin jiran xanuunka maantaa qalbigiisa luxayay iyo sida looga leexday wax walba oo wanaag shaqa ku leh , Qormooyinkaas waxaan ka xasuustan middaan wuxuuna yiri .
“Halkani waa raadiyoow reer hebel ood ka dhagaysanaysaan mawjadaha gaagaaban ee kicinta fijinta iyo biliqada , warkii oo kooban ,….. ciidamada beesha birjeex iyo kuwa beesha suuf ayaa dagaal lagu hoobtay ku dhex maray magaalada …………. beesha birjeex ayaa si deg deg ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada waxaana markii la xoreeyay magaalada halkaas ciidanka kula hadlay madaxa hawl galka oo aad ugu amaanay siday dadka wuxuu kasoo horbaxay ay cagta u mariyeen sidoo kale sheekha beesha ayaa isna si aad ah ugu amaanay sida deg deg ah ee ay guryaha ugala bexeen daaqadaha iyo albaada wuxuu dhex yiilayna ay u rarteen “
Waxaa xasuustayda aan wali ka guurin qaxii aan ku tagay otaagngo anigoo qax kasoo bilaabay Jig-jiga yarta Hargaysa dhibtii iyo dhaawacii 24 sano kahor ayaa maankayga ka guuri la’ anigoo ka cararay kuwaan dhiig iyo dhalasho wadaagno kuwaan diin iyo dal wadaagno kuwuu dagaalkoodu diinkeena meel adag ka istaagay kuwaan dunida hal u nahay asii nasiib xumo kun aan isu nahay anagu waa kuwuu ilaahay naga wada beeray beel kaliya waa Soomaaliye .
Muranka Kismaayo mid qarsoon ma ahan meesha wax lagu wadana waa mugdi kale iyo inaan hawdka caro waamo hooyo iyo ubadkeed ku bara kicino Kiinya iyo kaar qoxooti aan dub ugu rogaal celino , waxaa wali wara daaraha aqaladeena maydkii waxaan u midiya lisnaynaa qaar kaloo badan inaan uunka aakhiro ku darno shuf inaan iska dhigno shisheeyana uu nagu wiirsado .
Haddaan dhiillada colaadeed ee ka sirgaxan carro waamo caqli ka adeegin ogaada ciil iyo cadaab kale ood dadkiinna baddeen ayaad maleegteene , ogaaw aakhiro lama lahan laandheere , ogoow adigoo kaligaa ah ayaad ilaahay hor istaagiye , ogoow waxaad hor marsataad aakhiro heliye shar iyo khayr, war hoooy af kaaga iyo adinkaaga yuusan ku qaadsiin jidka jahanamo .
Ogoow soomaaliya soomaali baa lehe
W/Q Mustafe Hooyadii
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...