Maamulka 3da Gobol ee Koonfur Galbeed oo Maamul kale hanjabaad hawada u mariyay
Maxamed Xasan Fiqi Mdxweyne Ku xigenka Maamulka 3da Gobol ee Koonfur Galbeed oo Caawa wareysi siiyay Warbaahinta Danan ayaa Weerar Culus oo afka ah ku qaaday Maamulka Golihiisa Wasiiradda Caawa Marko looga dhawaaqay ee Shabeelle State.
Mudane Fiqi ayaa sheegay in gebi ahaanba ay qaadacsanyihiin Maamulka Shabelle State isagoo sheegay in Madaxda Maamulkaasi aanu ku jirin shaqsi kasoo Jeeda Gobolka Sh/Hoose.
Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka 3da Gobol ee Koonfur Galbeed ayaana Fariin Hanjabaad aheyd hawada u mariyay Maamulka cusub isagoo sheegay inay Jab iyo Hoog kala kulmi doonaan
No comments:
Post a Comment