Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu isku soo dhiibay hogaamiyihii kooxda Alshabab u qaabilsanaa buuraha Galgala ee Gobalka Bari Maxamed Siciid Atam.
Dr. C/weli Gaas madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay isdhiibida Maxamed Siciid Atam ayaa ku tilmaamay mid wax badan ka badali karta kooxda Alshabab oo hadsa u muuqata inay sii bur burayso.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa is dhiibida Atam ku tilmaamay iney muujineyso taag darrida iyo burburka kooxda Shabaab, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabada uu Atam isugu soo dhiibat dowladda.
Howlgallada ciidamada qalabka sida ku baacsanayaan malleeshiyaadka Shabaab ayaa wiiqay awooddii kooxda kadib markii laga faramaroojiyay deegaannadi ay dadka ku dhibaateyn jireen, wuxuuna Atam ku tilmaamay horjoogayaasha Shabaab kuwo ka been sheegay Diinta Islaamka.
Tallaabadaan uu qaaday Atam ayaa la rumeysanyahay iney horseedi doonto iney horjoogayaasha Shabaab ay mid mid isugu soo dhiibaan dowladda.
No comments:
Post a Comment