Tuesday 24 June 2014

qaadka waa maalintii ugu danbeysey


HOMEWARARKAENGLISHPHOTO NEWSVIDEOFAALLOISLAMSPORTSCAALAMKAHAWEENKATuesday, June 24th, 2014 | Posted by news | views 207Warbixin ku saabsan sida Ingiriiska looga dareemayo mamnuucista


Arrinta ugu hadal heynta badan maanta dalka Ingiriiska waa dhaqan galka mamnuucista qaadka ee dalkaasi laga mamnuucay xalayna ay ugu ekeyd in qaad ama Jaad lagu iibiyo ama lagu cuno dalka Britain.


Dawlada Ingiriiska ayaa horey ugu dhawaaqaday inay dalkeeda ka joojinayso in qaadka loo beec geeyo sababtoo ah waxau aqoonsatay inuu qeyb ahaan bah wadaag la yahay maandooriyaha uuna ku jiro qeybta Sadexaad ee C loo yaqaan.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa hadal haya in booliska dalkaasi la faray inay indho gooni ah ku yeeshaan suuqayadii qaadka lagu iibin jiray magaalada London iyo guud ahaan dalka Ingiriiska .
Xubno ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ayaa kor joogteyn doona meelaha Soomaalidu u badan tahay si ay u hubiyaan dhaqan galka qaadka sida laga soo xigtay sargaal magaciisa la yiraahdo Simon Rose oo la hadlay wargeyska Evening Standard la yiraahdo.
Sidoo kale wargayska kale ee Daily Mail ayaa iyana lagu qoray in maalmaha ugu horeeya qofkii lagu qabto asagoo qaad iibinaya ama cunaya uu mudan doono digniin iyo ganaax lacageed hase ahaatee la adkeyn doono ciqaabta qofkii lagu helo.
“Ma doonayno in bulshada Soomaaliyeed aanu dambi uga dhigno jaad ayay isticmaalayeen haddana ayagu waa inay nimaadka u hogaansamaan” sidaas waxaa lagu yiri war laga soo saaray waaxda arrimaha gudaha Ingiriiska oo wargeyska The Times lagu qoray.
Dawlada Ingiriisku waxay u aqoonsatay Qaadka inuu maandooriye yahay waana taas keentay in dalkaasi laga mamnuuco jaadka waxaana saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa dadka kasoo jeeda wadamada Soomaaliya, Yemen iyo wadamada kale ee Africa dadka kasoo jeeda.

Qiimeyn la sameeyay sanadkii 2013 waxaa lagu sheegay in qaadka laga qaado dalka Kenya ee Ingiriiska waxaa sanadkiiba dalka Kenya waxaa kasoo gala daqli gaaraya 15.4 million oo lacagta Ingiriiska ah.
Qaadka laamaha geed qaaradda Africa wadamo ku yaala ka baxa ayaa waxaa ku jira maado dadka ku rida fir firconi inta ay cunayaan waxaana waaxda la socoshada maandoooriyaha ee dalka Ingiriiska ay sheegtay in Jaadku uu maandooriyaha qeybta sadexaad uu ku jiro.
Xog’hayaha arrimaha gudaha Ingiriiska haweeneyda la yiraahdo Tarresa May ayaa sheegtay in go’aanka dawladu xalay ka dhaqan galay guud ahaan dalka Britan.
Ingiriisku waxaa u ka mid yahay wadamada reer Yurub ee dalalkoda ka mamnuucay in qaad ama jaad la geeyo sidoo kalena Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka jaadku kotorobaanka ka yahay.

Dalka Britain waxaa uu ahaa suuqa ugu weyn ee qaadka Kenya loo beec geeyo dunnida waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa Soomaalida ku nool Kenya iyo Ingiriiska ee ka gananacsan jirtay ama cunni jirtay Maalmo kadib illaa 80 magaalo oo dunnida ku yaala oo ay ka mid yihiin London, Paris, Warsaw, Mexico City, Kathmandu, Rome, Kuala Lumpur, Moscow iyo magaalooyin kale ayaa waxaa laga qaban qaabinayaa banaanbax lagu sheegay inuu ka dhan yahay sharciyada maandooriyaha laga soo saaray.
Waxaa isku soo ururshay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com
Tel: +252-615-108-019

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=2552

Posted by news on Jun 24 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Share ItDigg ItDel Icio UsAdd to FacebookGoogle BookmarksStumble ItTwitterAdd to RedditPrint This PostArchivesJune 2014Dungeon Hunter 4 Hack: If you would like to take much from this article then you have to apply such methods to your...Respawnables Hack: Having read this I thought it was really informative. I appreciate you spending some time and...Castle Clash Cheats: Just want to say your article is as astounding. The clearness in your post is simply cool and i...Candy Crush Saga Hack: Thanks for finally talking about > American-Somali relations: What’s in the words? |...Car Town Hack: Everyone loves it when folks come together and share thoughts. Great blog, keep it up!Abuu Muscab “Bisha Ramadaan Waxaan Bilaabeynaa Weeraro Xooggan oo Aan Horay Loo Arag”Jawaari oo safar degdeg ah ku tegay dalka Jabuuti + SawirroCiidamo dhar cad ah oo xiray haweeneydii Suudaan u dhalatay iyo qoyskeedaTurkey looks to support Somali DiasporaWasiir Goodax: “Sharci ma aha heshiiska lagu aqoonsaday saddexda gobol, faragelin ayaana Wasaaradeyda lagu hayaa”Ciyaar loo qabtay dhalinyarada u dhaqaxeeysa 16-18 waxaana soo qaban qaabiyay Dadladda Sateenvarja Helsinki-Finland (+Sawirro)Musonye: Distribution of SFF magazine in UK is a good marketing moveWarbixin ku saabsan sida Ingiriiska looga dareemayo mamnuucista qaadka !!Madaxweyne Mardaadi: “Ma aqbali doonno in qalad laga galo shacabka Soomaaliyeed iyo dastuurka dalka”Weerar dad lagu dilay oo mar kale Kenya ka dhacayHome Contact RSS

© 2014 Somaliwayn.org. All Rights Reserved. Log in - Designed by Jabra



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...