Wednesday 3 February 2010

Dowlada Jabuuti oo shaacisay dhisida xarun loogu tala galay la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya

(Garowe)RBC: Dowlada Jabuuti ayaa ka dhawaajisay in aay wado qorsha ku aadan dhisida dhul baaxadiisu aad u wayntahay kaa oo la rabo in xarun looga dhigo Saldhiga la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida kuwaa oo mudooyinkaa ay socdeen dadaalo ka dhan ah.

Mashruucaa la rabo in dhismahaas lugu hirgaliyo ayaa la timaamay in uu ku baxayo qarash aad u farabadan kaa oo gaaraya sida warbixinada sheegayaan 15 Million oo Dollarka Maraykanka oo loogu tala alay in mashruucaa lugu fuliyo.

Lacagtaa la rabo in qorshahaa lugu fuliyo ayaa la sheegay in ay bixiyeen beesha caalamka gaar ahaan wadamada reer Yurub iyo Maraykanka waxaana la sheegay in 14 Million oo ka mid ah lacgtaa ay bixisay Dowlada Jabaan halka 1 Million ay bixiyeen wadamada kale ee reer yurub hasayeeshee Dowlada maraykanka ayaa iyana laga sugaya in ay bixiso lacag kale.

Mashrucaa loogu magac daray la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa ahaa mid ay horay qalinka ugu duugtay Dowlada KMG ah hasayeeshee waxaan rasmi ahaan loo ogayn sida ay mashruucaa u arkaan Maamulada kale ee ka garab dhisan DKMG ah

Goobtaa cuub ee haatan la iclaamiyay in laga hirgalinayo gudaha dalka Jabuuti ayaa markeedii hore qorshuhu ahaa in laga hirgaliyo gudaha dalka Soomalia hasayeeshee Raisal Wasaarihii hore ee DKMG ah Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa qalinka dul saaray Bishii Janaayo ee sandii tagtay ee 2009 .

Dhisida xaruntaa cusub ayaa ku soo aadaysa xili horay Maamulada ka dhisan Gobalada Soomalia ay ko horyimaadeen sheegeena in loo baahan yahay in laga dhiso gudaha dalka Soomaliya maadama qorshuhu uu yahay mid Soomaalida khseeya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...