Sunday 7 February 2010

Jeneraal Galaal oo taageeraya dagaalka Ahlu Sunnah ay waddo

Muqdisho, Febraayo. 07 2010 (WDN) - Jenaraal Maxamed Nuur Galaal, ayaa sheegay in uu ku taageerayo ururuka Ahlu Sunnah dagaalka ay kula jirto kooxaha ay dirirtu u dhaxayso ee Xisbul Islaam iyo Al Shabaab.
Galaal oo u waramay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa sheegay in isaga iyo laba qof oo kale oo aqoonyahanada gobalada dhexe ka soo jeeda ahi ay magaalada Guriceel u tageen in ay kala hadlaan ururka Ahlu Sunnah sidii ay uga taageeri lahaayeen ururkaas dhinacyada siyaasadda iyo milateriga.

Galaal, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ururkaas ka taageero dagaalka ay ku jiraan. Waxa uu sidoo kale sheegay in inkastoo abaabulka ay wataan Ahlu Sunnah, haddana ay iyaga diyaar u yihiin inay wixii fikrado ah ku biiriyaan.

Jeneraal Galaal, ayaa iska fogeeyay in uu ku jiro koox saraakiil iyo siyaasiyiin ah oo doonaya inay isku xiraan Itoobiya iyo ururka Ahlu Sunnah, hasa yeeshee qiray labada dhinac ee Itoobiya iyo Ahlu Sunnah ay suura gal tahay mabda' ahaan inay ka siman yihiin la dagallanka Alshabab iyo Xisbul Islam.

Galaal iyo saraakiisha kale, ayaa wali ku sugan degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud. Halkaas oo kulamo ay kula leeyihiin saraakiil kale oo ka tirsan ee Ahlu Sunnah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...