Monday 1 February 2010

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay madaafiic ciidamada AMISOM gabaldhacii shalay ay ku garaaceen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho

Qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay madaafiic xooggan oo xalay maqribnimadii lagu garaacay xaafado aad loo degan yahay oo ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sii badanaya, iyadoo madaafiicdaasina lagu eedeeyey iney rideen ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta madaxtooda Vila Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo ahaa kuwo si darandoori ah u dhacayey ayaa ku habsaday xaafado badan oo ay ka mid yihiin, Suuqa xoolaha, Cali turcaaye, Gantaalaha, Ex. kootrool Balcad iyo kuwo kale oo deegaanadaasi la xiriira, halkaasoo si aad ah dadku ay u degan yihiin, waxaana tirada dhimashada dadka halkaasi ku noolaa ay gaartay ugu yaraan 15 ruux halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo illaa 60 ruux oo kale.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gaadiidka gurmadka deg deg ah oo lagu magacaabo Cali Muuse dadkaasi ayaa dhamaantood isugu jira caruur haween, rag iyo dad waayeelo ah kuwaasoo madaafiicdu ay kula dhacday iyagoo guryahooda iska jooga, wuxuuna xusay in ilaa xalay 11:00 saqda dhexe ay daadgureynayeen dhaawacyada dadkaasi ayna isbitaalada gaarsiiyeen 51 ruux oo dhaawac ah, isagoo tilmaamay iney jireen dhaawacyo kale oo lagu qaaday gaadiidka dadweynaha.

Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa xaafadaha ay madaafiicdu ku dhacday iyo kuwo kale oo ehelo la ahaa dadka qasaaraha uu ka soo gaaray ayaa la sheegay iney shoog qaadeen naxdinta awgeed hadalkiina laga la’yahay, lamana oga illaa hadda sababaha ay ciidamada AMISOM ugu garaaceen madaafiicda xaafadahaasi inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya iney jawaab u ahaayeen kuwo ka horeeyey oo lagu tuuray madaxtooyada mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM oo ku saabsan duqeyntaasi qasaaraha badan dhalisay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...