Monday 1 February 2010

Xarakada Mujaahidiina Al-Shabaab iyo Mucaskarka Raas-kambooni ee uu hogaamiyo Shiikh Xasan Turki oo maanta shaaca ka qaaday iney midoobeen

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo ay ku midoobeen Xarakada Mujaahidiina Al Shabaab iyo Mucaskarka Raas-kambooni ee uu hogaamiyo Shiikh Xasan Turki kuwaasoo ka tirsanaa afar urur oo horey ugu mideysnaa ururka Xisbul Islaam ka dib kulamo xasaasi ah oo maalmahanba uga socday labada dhinac magaalada Baydhabo.

Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen iney midoobaan, isla markaana qaataan magaca Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, wuxuuna xusay in qodobada kale ee ay ku heshiiyeen ay ka mid yihiin in la raadiyo midnimada muslimiinta iyo Mujaahidiinta inta ka dhiman, in loo howlgalo dhismaha dowlad Islaami ah oo shacabka ku xukunta shareecada islaamka, in loo hiiliyo umadaha Islaamka ah ee ku dulman geeska Afrika iyo caalamka iyo qodobo kale.

Shiikh Maxuud Dulyadeyn oo ka mid ah saraakiisha mucaskarka Raaskambooni oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tiriyey magacyada saraakiisha labada dhinac ee saxiixay heshiiskaasi isagoo xusay in dhinacooda ay u saxiixeen Shiikh Xasan Cabdalla Turki oo ah hogaamiyaga Raaskambooni, Shiikh Max’uud Dulyadeyn oo isaga ah, Shiikh Maxamed Axmed iyo kuwo kale, isagoo dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al shabaabna sheegay iney u saxiixeen xubnaha ay kamid yihiin Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr oo ah amiirka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf iyo kuwo kale.
Mucaskarka Raaskambooni ayaa ka mid ahaa afar urur oo ku midoobay Ururka Xisbul Islaam ee uu gudoomiyaha ka yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys, mana jiro war arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay ururka xisbul Islaam, waxaana xusid mudan in dhinacyada maanta midoobay ay ka mid ahaayeen labo dhinac oo dagaalo ay ku dhexmareen dhowaan deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...